Sign in to follow this  
Akash

President Rashiid Aw nuur Xirsi of Awdal State in Mogadishu,

Recommended Posts

Akash   

Idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegtay in amaanka Madaxweyne Rashiid si weyn loo adkeeyay ,iyadoo dhinaca kalena xustay in garoonka Muqdisho ay uga hortageen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Samad Macalin Xasan ,Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Xaamud Cali Maasheeye .

Madaxweyne Rashiid iyo Wasiir Xasan Raariish waxaa amaankooda la wareegay Ciidamadda AMISOM waxaana la dejiyay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Wargeyska afka dheer ee Waaheen oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa ayaa daabacay warbixin uu ciwaan uga dhigay “Madaxweynaha Maamulka Awdal State oo ka degay Muqdisho iyo UN-ka oo galbinayay”Halkaan ka akhri http://waaheen.com/?p=27875

UN-ka oo la sheegay inay saluugsan yihiin siyaasadda Maamulka Siilaanyo ayaa ku hoowlan sidii Goboladda ay degaan Dhulbahantaha iyo Gadabuursiga looga hergelin lahaa Maamul goboleedyo salbaraan oo siyaasad ahaan ku shaqeeya nidaamka Federalka.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cali Khaliif Galeydh iyo Cabdi Kariim Jaamac ayey Ciidamadda Melleteriga Ethiopia xoog ku dhex mariyeen goboladda Somaliland iyagoo la sheegay inay ku ilaalinayaan degaanka Taleex oo shirweynahii Khatumo2 ka socdo.

Si kastaba ha ahaatee,waa markii ugu horeeysay ee Madaxweynaha Awdal State lagu qaado diyaarad UN-ka leeyahay,waxaana tani ka marqaati kaceeysaa in beesha Caalamka iyo Dowladda Federalka Somalia aqoonsatay Awdal State

 

source,

www.awdalnation.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cantarabajaqa SNM gang bal day: don’t you tell your British friends that you have the best democratic system in Horn of Africa that the black world had ever seen? Why wouldn’t he be able to speak his mind in a middle of big time gathering at Khayriyadda? Isn’t he your subordinate?No, no, I mean your "citizen"?;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Why doesn't he come out and play with us why is he hiding behind Ugandan Tanks in our neighboring country :D He is a weakling and scared but people like him are useless continue the touring:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

The People of Awdal State Support their President and the preparation is underway the whole goverment will be replaced

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Awdal and Muqdisho coalition. :D

 

Its like Berbera and Garissa coalition. Sheekada intee ka biloowi lahayeen? marka hore kolay wexe wada xamaniyaan O folks. ileen wax kale oo ka dhexeya oo laga hadlo ayaa iska yar. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xisbiga Nabadd iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliya ayaa maanta xaflad ballaaran oo khadosharaf ah islamrkaasna lagu soo dhaweynayo wafdiga awdalstate u gu sameeyay Hoteelka naasahablood 1 ee Muqdisho.

 

Munaasabadda oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Awdal State rashiid aw Nuur,Wasiirka arrimaha dibadda awdalstate Col.Xasan Riiraash,Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo Dimoqradaiyadda Cabdulahi Sh xasan,Odayaasha dhaqanka golaha guurtida Berelaha ****** iyo martisharaf kale.

 

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay ugu horeyntii Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimoqradaiyadda cabdullahai sh xasan oo tilmamaay inuu si aad ah ugu soo dhoweynayo magaalada caasimadda ah Wafdiga Awdalstate ee Somaliya.

 

Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday inay si wanaagasan ula shaqeyn doonaan maamulgoboleedka awdalstae isagoo si kulul u cambaareeyay duqeyntii dadka rayidka loogu geystay degmada jilib maalintii shalay.

 

Madaxweynaha Awdalstate garyaqaan Rashiid Aw nuur oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay xafladii lagu soo dhoweynayay ayaa waxa uu ugu hambalyeeyay maamulka SSC maamulgoboleedka cusub ee Khaatuma State oo ay uga dhawaaqeen Magaalada taleex,waxa uu madaxweynuhu digniin culus u jeediyay Madaxweynaha SNM Siilaanyo uu ku eedeeyay inuu ciidamo dhibaateeyo dadka awdalstate u diray Gobollada Selel,Awdal iyo Gibiley.

 

Madaxweynaha aaya augu baaqay madaxda dowladda soomaaliya inay tagaeeraan xisbiyada nabadda iyo Maamulgoboleedyada u taagan midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadad awdalstate oo hadal ka jeediyay Munaasabaddaa ayaa si kulul u cambaareeyay xiritaanka weriyeyaasha ku sugnaa magaalada hargeysa,iyo xadhiggii Telefishinka HornCable TV.

 

Wasiirka arrimaha dibadada Awdalstate ayaa ballan qaaday inay difaacayaan Xuquuqda hadalka iyo saxaafadda Soomaalida maadaama ay muhiim u yihiin shacbiga Soomaaliyeed.

 

 

nabada-300x168.jpg

DSC07035-400x225.jpg

DSC07204-400x225.jpg

DSC07044-400x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

In the video: safiirka Mareykanka, dowlado yar yar oo jab jab ah, something like that…but listen to:

 

President Clinton is quoted to have said in 1995 when he heard that Hargeisa SNM gang had declared secession: Washington DC cannot tolerate to have every African village opening an embassy in the city. Cigaal was in the town lobbing for secession. Case closed….

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this