Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

Saalax   

If you can't answer then don't open your mouth kid, i am not here for muran either but to post news updates.

 

Published On: 5 January 2012 8:14 pmXulka | By Taleex Media

 

Isimada SSC Oo Ka Biya Diiday Qaabka Shirka Taleex Ku Bilawday

Qaar ka mid ah ismida *********** ee ku sugan magaalada Taariikhiga Ee Taleex ayaa hoosta ka xariiqay in shirka saaka sida jujuubka ah lagu furay ay hordhac u tahay sida aan loo doonayn in wax miro dhal ah ka soo baxaan shirkaan,

 

Khilaafka isimada iyo kooxda G6 ayaa cirka isku sii shareeray iyadoo kooxda shirka wadata ay ku dhawaaqeen inay dadka ay soo casumeen ku filan yihiin isla markaana aan loo baahnayn cid kale taasoo u muuqata talo maroorsigii abid ka dhacay Deegaanada ***********.

 

Shirkan oo dadweynaha manadaqada gaar ahaan qurba joogtu majarihiisa haysato ayaan la ogayn ujeedada rasmiga ah ee Cali Khaliif iyo Cali Ciisa Cabdi ka leeyihiin, waxaase dadka siyaasada adaroosa ay sheegeen in raga aynu kor ku xusnay ay wataan qorshe danhooda ah balse aysan jirin dan dadweyne oo labadan oday ay maanta shacabka u hayaan.

 

Qaar ka mid ah Isimada *********** ee ku sugan magaalada Taleex ayaa shacabka u sheegay inay si mug leh ula socdaan ajandaha qorshayaasha xambaarsan ee G6 isla markaan la iska ilaaliyo laab la kaca

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kan taleex.net qora waba mid xanuunsanaya war garaadada shirka ducadisa bay leeyihin malaha agendada shirka ergooyin iyo gudooyin ba loo xil saaray. Shirku meel wanaagsan bu maraya runti war shirka beel ba ku tashanaya beesha taladooda halo dayo, maanta wedjigiisa koobaad ba lagalay wedjigisa labaad beritoole loo gali doona inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ Awoowe XX, bal kan kaa sareeya ee maskaxdu caabuqday wax u sheeg ee taleexmedia la shir imaanaya waxay dhaheen as it worth to answer what they said....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;770668 wrote:
Kan taleex.net qora waba mid xanuunsanaya war garaadada shirka ducadisa bay leeyihin malaha agendada shirka ergooyin iyo gudooyin ba loo xil saaray. Shirku meel wanaagsan bu maraya runti war shirka beel ba ku tashanaya beesha taladooda halo dayo, maanta wedjigiisa koobaad ba lagalay wedjigisa labaad beritoole loo gali doona inshallah.

Taleexnet is spot on sometimes and exposes what the SSC supporters don't want the people to know.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ujeedada Laba Cali Ee Shirka Khatumo 2

Marka hore dhaman Umada Musliminta ah waxan ku salamayaa salanta islamka (ASC WR WBR) bacada salaam, waxan jeclahay in aan maqaal ku saabsan siyasada gaarka ah ee Labada Cali (Cali Ciise Cabdi Iyo Cali Khalif) ay ka leeyihiiin shirka Khatumo iyo u jeedada dhabta ah in aan ku soo gudbiyo qoraal. Sida aan rajaynayo, maqalkani wuxuu indho u noqon donaa dad badan oo aan ka war hayn khiyanada kuwo harag shabeel huwani ay ka wadaan *********** dhexdiisa, iyo ujeedadada ay ka leeyihiin ereyada hadoodalan iyo kuwa ay indhaha kasoo xidheen ay iska soo hormariyeen, iyagoo usoo dhiibey been maqaar sar ah.

 

Baadhis badan kadib, waxaa soo if baxaya siyaasada dhabta ah ee loo soo abaabuley shirka khaatumo, isla markaana loo qabto si ka duwan shirarkii beeshu yeelan jirtey. Suaalahaas waxaan jawaabtooda ku muujinayaa qodobada soo socda, iyadoo aan isla markaa qeexi doono waxyaalaha guracan ee loo baahanyahay in la is weydiiyo.

 

1. akhriste, ma is waydiisay sababta shirkan loo qabanayo?

2. Yaase shirkan gacanta kuhaya? Ma caddahay ujeedooda siyaasadeed ee shirku?

3. Maxaa looga jeedaa in ergada shirka ka soo qayb galaysa iyo kuwa qabanayaa ay u badan yihiin kuwo si gaar ah loo soo xushay, isku waxna aaminsan?

4. Maxaa sababay in Mamulkii iyo Ururadii hore u jiray lagu yidhahdo Qaab Qabiil shirka kaga soo qayb gala, lana kala diro iyadoo aan cidna cod looga qaadin?

5. Yaasi awooda dheeraadka siiyey G6?

 

Hadaba adigoo dhowraya qoraalkan racaya fikirka saxda ah, isla markaana eegaya rabitaanka bulshada, waxad naftada waydisaa su’alahan, jawabaha ku soo baxaana waxay ku tusi karaan waxyaabo badan oo kaa qarsonaaa.

 

Hadii aynu u soo noqono G6 iyo group-kan hada soo baxay ujeedada ay wataan, waxa weeye burburinta iyo kala qaybinta bulsha waynta ***********, taasna waxa kuu cadaynaysaa wax qabadkii Aqoon yahanada iyo waxgaradka dhulhabante oo la inkiray, cagta hoosteedana la dhigay, lagana soo qaaday waxba kama jiraan. Shirka khatumo waxa la rabaa in lagaga dhawaaqo mamul iyo xubno u shaqeeya Ethiopia/Soomaliland. Hadii aysan taasi jiran, maxaa loo sheegi wayay waxyabaha shirka lagaga hadli doono , shirkan ma dowlad *********** leeyahay ayaa lagu dhisayaa, ma qabiilo is haya ayaa lagu heshisiinayaa, mise labada mamul ee inagu xeeran ayaa mid lagu birayaaaa! Dadku waxay mar walba is waydiyaaan sababta loo qarinayo ujeedada shirka, laakin waaa in *********** ogadaaa in qabashada shirka khaarumo ay ka dambayso siyaasad guun ah oo Ruug Cadaa ah, hadii aan si taxadar leh aan idiin tuso SSC yay,

 

Cali Ciise Cabdi ujeedada uu ka leeyahay shirka khatumo waxay tahay dhisid maamul taabaacsan somaliland ama in *********** ku biiro somalidiidka. Ujeedada ka dambaysa maaha mid uu isagu fikirkeeda leeyahay laakiin waa mid ay wadato maamulka Ethiopia , waxayna doonaysaa in hab siyaasadeed loo bedalo gacan ka hadalkii isaaqa, aduunkana lo sheego in *********** oo midaysan uu racay Somaliland. Taas waxa cadaynaysa xafiisyada uu ku leyahay Hargaysa, iyo Ethiopia. Labadaas xafiis oo aanu doonaynin inuu midkoodna xidho, balse uu rabo in ay danahiisa dhaqaale iyo sayaasadeed u adeegaan.

 

Sidoo kale Cali Ciise Wuxu Hargaysa yimi 11/12/2011, wuxuuna kulan laqaatay masuuliyiin aan magacooda la shaacin, ilaa iyo hadana lama cadaynin sababaha uu halkaas u tegey, isagoo dhinca kale ka wada xoroynta dhulka dhubahante ee Issaqa gacanta ugu jira. Waana laba arimood aan is qaban karin. Xoraynta iyo midaynta *********** haddii ay ka dhab tahay, maxaa keenay in la baabi’iyo lana diido Mamulkii SSC ee beesha kiciyey, ururkii NSUM ee dagaalka keli ahaan ula galay Soomaali-diidka? Caqliga fayoobi wuxuu diidayaa in wax kuu dhisan la dumiyo, wax aan jirinna la dhiso. Garashada sidaa ku salaysan, waxay dadka ka dhigaysa, ama moodayaan kooxda shirku, in aanay wax Garaad iyo aqoontoona lahayn.

 

Mida labaad ee aan rabo in aan ifdiimiyo waxay tahay sida aynu hadalkiisa ku hayno taariikhdu markay ahayd 28/12/2011 malinimo arbaca ah ,waxa uu yidhi Cali Ciise 120 qof ayaa fikirkoda ku keenay in shirkan la qabto hadii uu hadalkaasi run yahay meeye 120 xubnood ,yeyse kala yihiin, fikirka ay xambarsan yihiin muxuu yahay, ujeedada hadalkiisu ma G6 (A5)Ayaa ka soo hadhay 120 qof miyaa? hadii jawaabtu ay tahay haa shirkii Nairobi waxaa isugu yimi dad kor u dhaafaya 500 oo qof oo isugu jira Garaado, Cuqaal Waxgarad Aqoon yahanao, Akhriste bal is waydii sababta keentay in 120 taladooda la qaato 500 ee qofna ladiido.

 

Midna aan idin su’aale *********** 120 xubnood masiirkiisa ma ka talin karaan, halkas waxa ka cad in G6 iyo dadka la shaqaynayaa ay yihiin kuwo ku socda tilmaan, waayo waxa taas ku cadaynaysa in ay jiraan laba nin oo ku sugan puntland gudaheeda oo la doonayo in fikirka G6 ay ka dhaadhiciyaan Isimada iyo Cuqasha kusugan Garowe. “Dr Cali Ciise waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay kooxdooda gudaha ku sugan in ay xidhiidh la sameeyaan labanin oo lagu kala magacaabo Axmed Diiriye iyo Cabdirisaaq Godane oo u xilsaaran in ay Isimada ku sugan magaalada Garowe ka iibiyaan fikiraka G6.”

 

Hadalkan waxa lagu ogaday shir talefon oo ay yesheen G6 iyo G15 .14 September 2011Sidoo kale Cali khaliif waxa uu kamid yahay Group-ka isku magacabay G6 wuxuuna hor boode ka yahay ku biiritaanka mamulka Somaliland,Cali khaliif wuxuu ku can baxay xaasid nimo wayo waxa muuqda dhibatoyinkii uu u gaystay deganada SSC .waxana taa ku cadayn kara heerka uu ka tagan yahay ***********.. wayo Cali Khaliif waligii dhulhabante wax uma qaban iskadaa in uu wax qabtee ma shegin mowqifkisa ku aadan midnimada SSC.

 

 

Wablahi Towfiiq…….

 

Jamal Ciise M. Aden

Milano, Malaysia

 

Xagan Ka Akhri inti labaad.

http://taleex.net/2012/01/04/ujeedada-labada-cali-ee-shirka-khatumo-2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Khaatumooy waa lagaa dhursugayaa.....not in another maamul qabiil la alooso, balse in maamul kaalin lixaad leh ka qaata Soo noolayntii qaranka Soomaaliya shirkaan ka soo baxo...ANOTHER REER HEBEL LAND Soomaaliya uma baahna....Guul iyo wanaag baan idiin rajeeyey iyo in nabad lagu soo dabbaalo degaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

A khadar i was watching this morning the interview with Dr Ali ciise, amazing man. and did i tell you i had the chance to meet him few months ago in person at a friend's wedding :)..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ Indeed that was a great interview. I am sure that wed was after KH1 and his neice was getting married.

 

I love his somali accident btw..:D:D

 

All eyes on KH2.. Will update more insha'alah.. I am constantly in contact with organizers over there in Taleex, and things are going smooth so far besides the overwelming turn out of SSC people filling in Taleex.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this