Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

To be honest , this is nothing but one step forward and two step backward. The people from those regions have demonstrated that their political allegiance is on line with whoever got the fat wallet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Liibaan';772904 wrote:

2012: SSC SPRING - The Blessed SSC Revolution

 

Towradatan/Kacaankan Barakeysan

 

Daawo Ku Dhawaaqidii Maamul-Goboleedka SSC

 

 

 

Looooooooooooooooooooooooooool@ Tawrada barakaysan maxa isku keeney Tawrada barakaysan iyo mamuul beeleysan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

'Liibaan';772883 wrote:
HAMBALYO: DARWIISH STATE HAS ARRIVED !

 

 

DSC04203.jpg

 

Ergooyinkii Shirka Khaatumo oo isku raacay in Maamul Cusub la dhiso iyo Shir Saxaafadeed Maanta La qabtay oo lagu sheegay in maamul Cusub lagu Dhawaaqayo

 

(Taleex, Jan 10, 2012 Ceegaag Online)

 

Waxaa Maanta Gelinkii Hore Maalintii 2aad ay Kulan ku yeesheen Darayda Khaatumo Ergooyinka Shirka Khaatumo2 waxa ayna Ergooyinkani soo Saareen Qodobo wax ku ool ah ay kamid tahay in ay dhamaan ergooyinku isku raaceen in Shacabka SSC ay Yeeshaan Maamul Ka Taliya arimha iyo masiiirka Umadda Waxaana Maanta gelinkii Danbe Shir jaraa'id Qabtay Afhayeenka Gudiga qaban qaabada Shirka ahna Gudoomiyaha Saaxafadda Shirka Mudane Aadan C/laahi Shuuriye iyo Mudane Saleebaan Waji Xaad oo ah Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gudiga Dhaqalaha Shirka Khaatumo2, waxaaana Qodobadii Shirku u ahaayeen Sidan.

Warsaxaafadeed Shirka Khaatumo 2 Taleex.

 

Ergooyinka Shirka Khaatumo 2 ayaa maalintii 2aad ka dooday Ajendaha Shirka Khaatumo 2 waxaa saaka hawlohoodii kasii watay Madasha Shirka Dhamaan Ergooyinka Gudaha iyo Qurba Joogta. Dood dheer iyo Falanqayn kadib waxay ergooyinkii Codeeyeen Go'aamo aad Muhiim ugu ah Masiirka Deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaa Ergooyinku Fadhigii saaka Ugu Codeeyeen Deegamada SSC in loo sameeyo maamul Goboleed u gaar ah oo masuul ka ah Aayaha Deegamada Shacabka Soomaliyeed ee ku Nool goboladda SSC. Qodobkan iyo Go'aamo kale oo muhiim ah oo maanta ergooyinku isla qaateen ayaa Beri lasoo hor dhigi doona Shirwaynaha. Waxaa maanta Madasha Shirka Berdaha Khaatumo ka Muuqday dabaal Deg iyo rayn rayn iyadoo Jidadka magaalada ay marayeen Tiro badan oo Baabuur ah oo ruxaya Calanka Somalia.

 

Xafiiska Saxaafadda ee Shirwaynaha Khaatumo 2.

 

Maxamed Cismaan Cabdinuur

Taleex.

Hambalyo Shacabka SSC Shirka taariikhiga ah ee ay ku qabsadeen Magaalada Taleex Waa mid meelo baddan Laga Soo Dhaweeyay including Awdal State of Somalia...

 

Somalia ha Noolaato

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Akash;772959 wrote:
Hambalyo Shacabka SSC Shirka taariikhiga ah ee ay ku qabsadeen Magaalada Taleex Waa mid meelo baddan Laga Soo Dhaweeyay including Awdal State of Somalia...

 

Somalia ha Noolaato

 

Walaal Akash, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay hambalyada, waanu oganahay walaalahayn Awdal State inay si weyn u soo dhoweeyeen Shirweynaha Khaatumo iyo Maamul-Goboleedka SSC.

 

 

Viva Awdal State of Somalia, Viva SSC, Viva United Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Horseed Media

Daawo Sawirada dibad-bixii maanta Buuhoodle ka dhacay ee lagu taageerayey shirka Khaatumo-2

 

Magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn waxaa maanta ka dhacay banaabax balaaran oo lagu taageerayey go’aankii ay shalay Ergooyinka shirka Khaatumo2 ka qayb gelayaa ku gaareeen in gobolada SSC ay yeeshaan dowlad goboleed madax banaan oo hoos tagta dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Horseed Media waxay idiin soo gudbineysaa Sawiro muujinaya muuqaaladii uu lahaa dibad-baxii maanta Buuhoodle ka dhacay oo sidoo kale ahaa mid lagu dhaleecaynayey maamulka Somaliland kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan oo Saxaafada la hadlay ay sheegeen in shirkaasi uu yahay mid aanay waxba kasoo bixi doonin.

 

khaatumo-mudaaharaad-22.jpg

khaatumo-mudaaharaad-21.jpg

khaatumo-mudaaharaad-9.jpg

khaatumo-mudaaharaad-8.jpg

khaatumo-mudaaharaad-10.jpg

khaatumo-mudaaharaad-12.jpg

khaatumo-mudaaharaad-16.jpg

khaatumo-mudaaharaad-17.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Buhoodle,(lasanod Online)- Banaanbaxyo lagu taageerayo Qodobadii kasoo baxay shirkii khaatumo2 ayaa maanta ruxay magaalada buuhoodle..

 

 

ee xarunta gobolka Cayn.

 

Garoonka kubada cagta ee xabado ayaa maanta waxaa soo buux dhaafiyey boqolaal banaabaxayaal ah oo taageersan Dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan Deegaanada SSC.

 

Geesta kalenma masuuliyiin xilal ka hayey maamulka Puntland ayaa iyaguna goobta banaanbaxa laga dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay ka hayeen maamulka Puntland.

 

Maxamuud Shiikh Cumar xasan oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Gobolka cayn ee maamulkaas ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Maamulka puntland.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Buhodle already moved to SSC regional admin column from p/l.. P/l admins from Cayn resigned! Sool's s/l admins is expected the same..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DabaalDeg Weyn iyo Banaanbaxyadii Ugu Waaweynaa Cariga SSC Loogu Taageerayo Maamul-Goboleedka SSC oo Ruxay Magalooyinka Buuhoodle, Lasacanod, Bocame Iyo Taleex

 

 

 

Taleex (Allssc.com) 11 Janaayo 2012

 

Banaanbaxyadii ugu waaweynaa ebid ee lagu taageerayo shirka wadatashiga beesha SSC ee khaatumo-2 iyo siduu ilaa hada u socdo ayaa maanta mar qudha wada ruxay magaalooyinka waaweyn ee mandiqada SSC sida magaalooyinka Laasacaanood, Buuhoodla, Boocame iyo madasha shirka wadatashiga beesha SSC ka socdo ee Taleex.

 

Banaanbaxyadan ayaa ahaa kuwo ay shacabku dhamaantood iskood isu abaabuleen taas oo cadeyneysa iney shacabka SSC u oomanyihiin iney qabsadaan waxa asaagood qabsadey ee horumar ah, iyagoo maamulada hareeraha ka xigaana hore u lugooyeen wakhti badana ugu lumiyeen shacabka iska daacada ah wixii horumara ee maamulæadaasi heleena lagu horumarin jirey magaalooyinka beelaha maamulada dhistey degenyihiin.

 

Iyagana looga dhaqaaqey gabaahiir cidla ah ooy ku soo dhaceen dhakhtar la’aan, iskuulo iyo jaamacado la’aan, jidad la.aan, shaqo la’aan baahsan oo ay u fureen kaliya iney ka dhigtaan askar ay ku adeegtaan, iyo beehsa SNM oo intii cariga soo gashay cunaqabateyn xaga dhaqaalaha ah ku qabatey magaalada caasimada ah Laasacaanood si shacabku marka noloshu ku adkaato ugaga qaxo ooy ficlan ku guuleeysteen arintaa.

 

Hadaba halkan hoose waxaan idiinku soo gudbiney sawiradii ugau dambeeyey oon isla hada kasoo qaadney goobihii banaanbaxu ka socdey ee magaalda Taleex maadama teamkii Allss.com hada kuwada suganyihiin madasha wada tashiga beesha SSC ee Taleex.

 

Daawash wacan.

 

DSC03806.jpg

DSC03831.jpg

DSC03864.jpg

DSC03900.jpg

 

DSC03894.jpg

DSC03851.jpg

DSC03804.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Muraad fulay iyo maansha alla waa tix ka mida gabayada ka hadlaya shirka khaatumo2 ee taleex ka socda

 

Abwaane Yusuf Suusel

 

gabay waa ninkii marinayoow muuji arartiiye

waa inuu halkaad maagganayd mudhisu taagaaye

waa inuu ku miisaaman yahay mawqac ku habboone

waa inaan maroor iyo qallooc meella kaa geline

waa inuu macaaniyo dhadhamo malabki doocaane

waa inay maqsuudaan dheguu maqalka xiisaane

 

markaasaa lagaa maalayaa maaxdi kaa timiye

markaasay macnaha dhuuxayaan maansa dhaadhiguye

markaasuu ma guuraan dambiyo madhana yeeshaaye

 

laga mudan nin muran doonayaan muurti ku hadlayne

waxaan kuugu maahmaahayaa mahadho waawayne

balaan mariyo kaan maagganaa moosinkii yimiye

 

mahwigii taleex oo sidii muna la buux dhaafshay

oo aad madiiniyo makoo mooddo la xajaayo

muraaqooday goortay indhuu milicsi eegeene

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

mugdi kuma jirroo haatan waa maalin duhurkeede

maqaawiir la xulay oo ra,yiga muhindisoonaaya

muddo xaajadii murugsanayd maare laga gaadhye

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

madluun iyo anoo cadho qabay waxiga maydheene

masuul taliya maamuliyo xeer mawqif la istaagay

muxubiyo kalgacalkaan qabiyo mooralka i toosay

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

mabda, laysku raaciyo awood muujay cududooda

maskaxdii fayaw baa heshoo mawle kaashadaye

muraadkayga fulayaa dhakhsuu iigu meel mariye

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

hadduu muummin yahay ruuxu waa magan ilaahay,e

minjaxaabadii layla waa maaddiga ahayde

ka mudh baxay maleeguu wadiyo mooshinki cadwe

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

muska cadawgi ii galay hadduu maara waayahaye

nimankii mindida xiiraysaa marada hostaalay

mariid iyo sirtay miiqayeen miinadii gale,e

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

midaw qaran mataaniyo xorriyad la igu maamuuso

oo aan mahiigiyo aqoon marabiduu haysto

oo ay majiiraha qabtaan mudanayaasheedu

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

maandeeq raggii maali jiray moraha xooleeye

madhac dhaan u diidiyo inay meged lahaataaye

maraqsaarka iyo dheegga iyo muuqay farawgiiye

maansha alla eeboow adaa mahadle oo wayne

 

ruxii mariiliyo qalbiga maari kaga taallo

iyo kii munaafaq u dhashiyo macangeg yeelkiiye

dadkanu waa maggeeniyo walaal meelu joogaba,e

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

annagoo abaar lagu madhiyo muriyo oon joogna

oo milic kaliiliyo hanfile maangad ku harraadnay

miiraalihii baa onkoday mawjada lahaaye

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

marso jiidan mayay gaaxday oo daadku mulacyeeyey

maalkiyo dadkuba waa heleen maalin waa da,aye

madi curataybaa noo dhashiyo maahiroo dihine

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

marti aniga layguma sabiyo midaga quudheede

mulki iyo xaq baannu u lahayn muranla,aaneede

mana hurayo maamulu dhashiyo midig ku taageere

macruuf baan ahaa iyo nimaan mucatab yeelayne

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

maangaabyo badanbaa lumiyo maadhariyo tuuge

sidii naag marriin doonaysay meher ku ceeshaane

nin masruuf walaalkii u cunay waa merganayaaye

waa inay waxay muudsadeen milil higgoodaane

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

ragii calanka midab dooriyaa meel la,aan dhacaye

allahayoow kuwaasaa murtada oo macsiila,ahe

allahayoow waxay mudanyihiin mari abaalkooda

masiibooyinkoodii dibbaa loo masaxayaaye

maansha alla eeboow adaa mahadle oo wayne

 

masallaha waxaan dhiganayaa moora nabadeede

soomaali wayn oo midaan sii metelayaaye

ma oggoli midiidinu ahaw maafiya isaaqe

 

muruq laysu sheegtiyo hadday maag ka bixi waydo

ninkii aniga ii muhanayaa mawtigii galaye

maansha alla eebboow adaa mahadle oo wayne

 

afartaa allaha maaligga ,a mahad naqiisii dhe

madashii taleexiyo falaad magaci noo yiil dhe

meselooyin badan bay hadhiyo aniga mawduuce

macnihiyo u jeedada balaan idin mihiimsiiyo

 

mayal waynta shirayoow abaal wayga mudateene

taariikh madaw baad tolkiin uga miciinteene

malko oodan baad doonaysaan meesha ka hor qaade

 

mucjisiyo layaabay ku tahay madhanayaashiiye

malafsiga nin qaataa hodiyo muudal daaq tegaye

malaa gacanta sool kuma hayeen maalin gelenkeede

 

millaterigi waa haysannaa iyo madaafiice

mayal adagga iyo xooggu waa mi,iyo aalaafe

micidaa la ruugaa sidii awr madhaadhacaye

waxa maqani waa maxamedoow maalin sii amare

 

waa muusannaw iyo tolla,ay muusiga habluuye

in mashxaradu maaweelo tahay haw malaynina,e

maryahay siteen iyo dharkay mulukh ka siiyeene

 

teeriyo gugii magacdilay mudhuxsanaayeene

goortii mirood laga dhigaa laygu maadsadaye

mitir kama hayeen ciidayada muqayiliintiiye

 

nafwaluba mudday leedihiyo mawcid loo qoraye

war yaydaan miskiin iyo agoon miidhan soo bixine

yaydaan musgale reer u noqon maato gawracahe

 

magliga iyo qurigiinu yay maar la googgo,ine

muslax iyo tollimo waa horay maya ka dorteene

ka mannuuca maydhiyo ilaa marinka buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

flag1.jpg

KA: AWDAL STATE OF SOMALIA

 

KU: SSC STATE OF SOMALIA

 

HAMBALYO KU SOCOTA MAAMUL-GOBOLEEDKA SSC IYO SHIRWEYNAHA KHAATUMO II, TALEEX…

 

Waxaan hambayo u direynaa shirka ka socda taleex ee beesha saciid

***** ay kaga hadlayaan ayahoodda….. Waxaa kale oon hambalyo u dirayaa

waftiga uu hogaaminayo madexweynaha dawlad goboleedka Awdal State ee

Degay Magaallo madexda somaliyeed ee Muqdishu…. Waxaan salaam u

dirayaa musuuliyiinta dawladda federalka somaliyeed ee sida diiran u

soo dhaweysay madexweynaha dawlad goboleedka Awdal State. Garyaan

Rahiid iyo Waftiga uu horkacayo……..

Waxaan leenahay…waa baa berryey bilicsan aroorya baxsan

maaaaaaaaaaaaaalin ..kkkkkk

Waxaan hawadda u marineynaa dhanbaal tahniyadda ah..dhamaan

siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, odeydhaqameedka, suldaanadda,

garaadada, ugaasyadda, isimdda, cuqaasha iyo dadweynha beesha

*********** ee shirku uga socdoa magaaladda taariikhida ah ee

taleex, kaas oo beesha ku abtirsata saciid ***** ku leeyahiin

shirbeeleedka aan loo kala hadhin, kagana tashanaayaan mustaqbal

beesha, rabaannna in ay ka soo saaraan go’aanno wax ku ool u ah, guud

ahaan soomaali gaar ahaan beesha shirka le, isla beeshu waxay ka

saareen meesha goldalooyinkii iyo tabashooyinkii dhaxdooda yaal ee

jirraanku kaga faa’iideysanayey, waxaa kale ooy soo afjareen

ri’yaddii beesha ***** ku andacooneysay sheegashadda dhul aanay lahayn

iyo dawlad aanay qaadi Karin masuuliyeed taa oo socotay mudda

labaatanka sanno ah, isla beeshu waxay ka saareen meesah tuhunkii

ahaa in aanu *********** heshiin Karin iskuna tanaasuli Karin, waddana

hadli Karin kaas gaadhsiiyey beesha karaamo daro, sharaf dhac kaga

timid beelaha daris ah sida beesha ***** iyo beesha ********** eey

isku haybta yahiin….

Waxaan bogaadin u marinayaa hawadda shirka aayo ka talinta beesha,

kaas oo beeshu ay waligeed ahayd heeganka , halgamaha ummadda

soomaaliyeed , isla beeshu waa ta kaliya ee isku xirta dalweynaha

somaliyeed iyo dadweynaha soomaaliyeed la’aantoodna aanu hana qaadi

Karin dalsomaaliyeed, waana ta ka muuqata labaatankii sanno ee beeshu

ka maqnayd saaaxaddana siyaasadeed,ayna soo wajahday habacsanaan ,

burbur, baa’ba’, dal la’aan iyo dad la’aan ummaddii soomaliyeed

meelkastooy joogaan….

Maanta ummadda soomaliyeed waxaa u baryey waacusub ka bildhaamay isla

goobtii xornimadda soomaliyeed ka bilaabantay muddadda hal qarni ka

hor ah.

Waxaan soo dhaweynaynaa go’ankasta oo ka soo baxa beesha saa beeshu

waxay waligeed ba ahayd gumeysi la dirir tan iyo inta taariikhda

soomaliyeed lagu hayo, waxayna hortaagneyd waxkastoo soomaali wax

yeelaya midnimadeedda, diinteedda, dadnimadeedda, karaamadeedda taas

ooy kumaan kun beesha ahi ku gudgaleen la dagaalanka gaalka iyo

rufyaaniintiisa meelkastooy joogaan.

Waanna ta keentay qaybsanaan iyo hagar daamo soo gaadhay ummaddii

soomaaliyeed, kana timid dad wax ma garati oo u oomman in ay iyagoo

qabiil ah noqdaan dawlad adduunka saxni la wareegta ay ku

qarafeystaan…..

Sidoo kale waxaan boqaagin hawadda u marinayaa beelaha galbeedka

somaaliyeed in ay ku daydaan ummadda kana tashadaan ayahoodda ku

wajahan mustaqbalka caruurtoodda siligga lagu xidhey muddadda labaanka

sanno ah, siddii ay uga furfuri lahaayeen, cabashooyinka dhexdoodana

meel iska dhigaan una soo jeestaan hawlahoodda iyo dhismaha dalkoodda

lana jaanqaadaan ummadda soomaliyeed eey ka hadheen….

 

ALLAA MAHAD LE…… AFHAYEENKA DAWLAD GOBOLEEDKA AWDALSTATE… KSA..

 

A.Barkhadle.I(Aden-Cadde)…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Jaalayada SSC Ee Wadanka Talyaaniga Oo Taageertay Ku Dhawaaqista Maamul Uu Yeesho Deeganada SSC Una Hanbalyeeyay Shirka Khatumo2

 

Roma(Allssc): Waxaan hanbalyo iyo taageero u diraynaa shirka khaatumo2 ee kasocda magaalada Taariikhiga ee Taleex, waxaanauna si buuxda u taageeraynaa Go’aanka ay beeshu ku gaadhay inay yeelato Maamul ka taliya aayaheeda iyo danaheeda. Hadaanu nahay jaaliyada SSC ee ku nool wadanka ITALIA waxaanu leenahay hanbalyo hablyo waxa diraya taageeradan dhamaan dadkan hoos ku qoran

 

1. FARXIYA IBRAAHIM MAXAMED CADE

2.NIMCO MUUSE FAARAX

3.YAASMIIN ILKA CASE

5. LAYLA AXMED WARSAME DHUUB

6.FARXIYA AADAN CARTAN

7. CIBAADO TAKAR CEEGAAG

8.XAYAAD C.LAAHI BUSKUD

9.AYAAN DAAD CILMI

10.IFRAAX FAARAX DHAGAWEEL

11.KHADAN SICIID DUULDUUL

12.AMAL FAARAX SHAAH

13.SAMSAM CABDI AXMED

14.MUNA CALI AXMED UURCAD

15.SAMSAM FAARAX FINIYE

16.SHAACA CALI SUBAGLE

17.DEEQA DACAR

18.SABRIIN CUMAR DAAHIR

19.SAMIIRA XIDIG CALI DALUUL

20.SACDIYA CABDILAAHI

21. SHUGRI CABDILAAHI

22.KENADIID WARSAME CALI

23.MAXAMUUD CAWED

24.ADAN JAAMAC MUUSE

25.XUSEEN CISMAAN LUGATOOR

26.CABDI JOOKAR CABDI

27.FAARAX MAXAMED MUUSE AARGOOFO

28.JAMAC

29.CAWIL AXMED BILE

30.XIDIG CALI GALOOLC.

31.FATAAX SALEEBAAN

32.JIRDE DARWIISH CILMI CIID

33.C.RISAAQ CAWIL

34.MAXAMUUD AXMED SUUDI

35.MAHAD MAXAMED XAAREED

36.MUSTAFE FAARAX OOGLE

37.AXMED MAXAMED CIISE

38.CABDIKARIIN AXMED DUCAALE

39.C.XAKIIM MAXAMED JAAMAC

40.MAXAMED CAYDIID

41. CABDIWELI YUUSUF CALI

42.MAXAMUUD SALEEBAAN

43.CABDIRISAAQ GARGAAR

44.CABDIRISAAQ MAXAMED WARSAME

45.MAXAMED SXMED FSRDSSLE

46.JAAMAC AFDHUUB

47.CABDI CALI

48. RASHIID MAXAMED YUUSUF

49.C.LAAHI AADAN QAWLE

50.C.FATAAX BARAWAANI TOOREY

51. MAXAMED JAAMAC

52. CAWIL AXMED SHIRE

53.CABDI XAASHI

54.MUSTAFE YUUSUF ILEEYE

55.JAAMAC AFDHUUB

56.JAAMAC SAALAX CALI

57.C.KERIIN FAARAX SIIGAALE

58.SICIID DIRIYE CIISE KEBIYE

59.AXMED MAXAMED BULXAN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

THANK YOU PEOPLE OF GOLDOGOB

 

DSC05725.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Beesha Goldogob oo Taageertay Shirweynaha Khaatumo II, Hadiyad iyo Geel ugu Deeqday Maamul-Goboleedka Cusub ee SSC

 

Marti sharaf kasocotay Beesha L- Goldogob ayaa maanta magaalada taleex ee ay taalo gogosha shirka khaatumo2 Soogaadhsiiyay Geel ay ugu deeqen shirka khaatumo2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

IMG_0078.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

DabaalDegii Taleex ee lagu Tagerayay Maamul-Goboleedka Lagaga Dhawaqay ShirWeynaha SSC Khaatum2

 

Waxaa maanta magaalada taleex ka dhacay banaan bax balaadhan oo ay kaqayb qaadanayeen dhamaan bulshada kala duwan ee kudhaqan magaalada taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this