Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland budget increases in 2012 new budget 90 Million USD

Recommended Posts

Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u saaray Siyaasadda Miisaaniyadda 2012-ka oo u gudbiyay Miisaaniyad dhan Sagaashan Milyan oo Doolar

Waxay guddidu soo saartay in Miisaaniyadda Sanadkan ay noqoto mid Qaran oo ay ku jiraan dhamaan Dakhliyadda Hay’adaha Qaranku

Hargeysa(Waaheen) Gudidii Lixda Wasiir ahaa ee uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka iyo Dakhli kordhinta ee sanadkan 2012-ka ayaa Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay warbixin dhamaystiran oo ay u arkaan inay tahay siyaasadda kaliya ee lagu hagi karo Dakhliga iyo Kharashka Odoroska Miisaaniyadda oo dhan sagaashan Milyan oo Doolar.

Guddidu waxa ay sheegtay Miisaaniyadda Sanadkani inay tahay mid Qaran oo ay ku jiraan dhamaan Dakhliyadda Hay’addaha Qaranka Sida, Baanka, Hay’adda Wadooyinka, (SRA), Wershadaha Laydhka, Madbacada Qaranka, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera, Dekedda Berbera, Wasaaradda Duulista iyo hawada($3) iyo Deeqaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo Dawladdaha Hoose oo miisaaniyadooda ansixinteeda ay leeyihiin Golayaasha Deegaanku.

Guddida Wasiiradda ahi waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in Odoroska Dakhliga Miisaaniyada sanadkan 2012-ka ee Dawladda Dhexe uu noqdo (540,000,000,000) oo u dhiganta $90,000,000(Sagaashan Milyan oo Dollar) sidoo kale dakhliga hay’adaha madaxa banaan uu noqdo 133,593,959,062($22,265,9.85), dawladaha hoosena 67,786,503,889($11,297,751), gobolada barrina 22,574,633,428($3,762,439).

Waxa ay Wasiiraddu sheegeen inay isla qaateen:-

1. in korodhsiimada Kastamadu sanadkan 2012 ka ka hooseyso 10% dakhligii dhabta ahaa ee 2011 ka soo baxay

2. in xooga la saaro dakhliga ka soo xerooda Cashuuraha berriga, gaar ahaan cashuurta Iibka iyo Cashuuraha macaashal macaashka.

3. In cashuurta macaashal macaashka ee soo dejiyayaasha 0.5% ku dhacaya qiimaha badeecadaha soo dega horumarin ahaan laga qadimo kastamada 1 january, 2012.

4. In la laalo cashuuraha caqabadaha ku noqonaya maalgashiga

5. In Cashuuraha Qaadka iyo Sigaarka lagu kordhiyo 5%

6. In cashuurta cusboonaysiinta liisanka xawaaladaha laga dhigo ugu yaraan $2000 ugu badnaana $10,000 inta u dhaxaysana loo xisaabiyo wakiilkiiba ama xafiiskiiba $100

7. In shirkadaha Maalgashiga ee Macdanta iyo Batroolka lacagaha ay bixiyaan noockasta oo ay yihiin lagu shubo Khasnada Dawladda

8. In tacriifada shirkadaha Isgaadhsiintu ay noqoto tii guddidii wasiiradda ahaa iyo shirkadaha Isgaadhsiintu ay isla saxeexeen

9. In wixii hay’adaha caalamiga ahi ku caawiyaan hay’adaha dawlada heshiisyadooda loo soo gudbiyo wasaarada Maaliyada iyo wasaaradda qorsheynta, sidoo kalana xisaab celintooda bil kasta loo soo gudbiyo wasaaradda Maaliyadda

10. In Iskuuladda gaarka loo leeyahay ay bixiyaan cashuurta macaash macaashka mushaharka macalimiinta iyo hawl wadeenadda kale ee iskuuladda ka hawlgala, sidoo kalana guryaha kirada ah ee ay ku jiraan ay ka qaadaan mulkiilaha guriga cashuurta macaashal macaashka kirada guryaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Budget did not increase it just got centralized in stead of every Ministry having its own direct income its now included in the central goverment budget. Income in 2011 was even less then budgetted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Rumor has it that his excellency the president is coming to DC per official invite by the state department...We are arranging a separate welcome occasion for him....and maybe i will fire one or two questions to him about all the noise from Awdal and SSC.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Come on. Taxes have been increased from day 1, new taxes introduced, all goverments income centralized under one budget, salaries increased and same time expenditures cut for personell cut. Its a public financial reform indeed, doesnt mean there is less corruption only another form of corruption. one that is less visible to the eye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

STOIC;769640 wrote:
Rumor has it that his excellency the president is coming to DC per official invite by the state department...We are arranging a separate welcome occasion for him....and maybe i will fire one or two questions to him about all the noise from Awdal and SSC.....

looooooooooool...our Sijui has officially joined the bandwagon. We have will NGONGE gadaal kagaar to give you the orientation:-)

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is always a corruption but it is less now and people are scared .......

 

Budget was always centralized but this time it is more tight and even the giant companies are forced to pay full amount for the first time. Butget also increases each year ..... it started from somewhere and u can see there is an increase each year. If it was 27M in 2009 ,, it was almost 55M in 2010 and now it is amost double .....

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Che...haha....i have thrown my support behind the the secessionist idea long time and for now as i entertain the illusion of legitimacy its fair to support the journey....I may not ask some earth-shattering questions, but will try to ask some legitimate questions if given the opportunity....Haha they wouldn't know my sijuiness if they don't ask after all their constitution says I'm a citizen of the land....

Share this post


Link to post
Share on other sites

STOIC;769706 wrote:
Che...haha....i have thrown my support behind the the secessionist idea long time and for now as i entertain the illusion of legitimacy its fair to support the journey....I may not ask some earth-shattering questions, but will try to ask some legitimate questions if given the opportunity....Haha they wouldn't know my sijuiness if they don't ask after all their constitution says I'm a citizen of the land....

You are an Ethnic-Somalilandish individual don't mind walaalkeen Che Guevara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

STOIC, you should ask the President if he is planning to engage(in any form) with Somalia or other Somali regions like NFD, Somali region of Ethiopia.

 

Tell him we need to have a dialogue and permanent links and connection with with Somalia and other regions like NFD and somali Galbeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this