Sign in to follow this  
Akash

War Erupted in Northwest Somalia Between SNM millitia Gangs and Local Awdal State Poeple

Recommended Posts

Akash   

Dagaal goos goos ah oo hubka culus la adeegsanayo oo ka socda buuraha gubanka

 

Awdalpress – Seemaal – Sida warar xog ogaal ahi sheegayaan, waxa shabakadda wararka awdalpress.com soo gaadhaya in dagaal goos goos ahi ka dhex socdo buuraha gubanka iyo inta ku xeeran, waxana isaga hor yimid maleeshiya beeleed ka soo ruqaansaday xeeb iyo kuwa bariga Dilla oo isku dhinac ah iyo ciidammada Millatariga Somaliland. Illaa iyo immigana waxa isa soo tararaya wararka sheegaya in dad dhaawac ah iyo kuwo maxaabiix ahba loo qaaday cusbitaallada Gebilay iyo Hargeysa.

Dhawacaasina sida uu yahay weli wax tafaasiil ah lagama bixin.

Dagaallada oo ka bilowday Islaan adhi la joogtay oo maanta subaxnimadii niman dablay ahi qoorta ka jareen, kaddibna goobtii laga maqlay rasaas, ayaa jabhadda buuraha ee xeebtu gurmad ku yimaaddeen goobtii rasaastu ka dhacday, halkaana waxa ay foodda is dareen ciidammada Somaliland oo ku sugnaa goobahaasi iyo malleeshiyaadkan hubaysan.

Muddo markii uu dagaalku socday ayaa Jabhadda beesha Dilla oo gurmad ahi ay yimaaddeen, qaybna ka noqdeen dagaalkii, waxana illaa iyo immiga socda dagaal laga cabsi qabo in dad badani ku naf waayaan, oo u dhexeeya ciidammada Somaliland iyo maleeshiyaadkaasi.

Waxa wararku intaa ku darayaan, in weli dhaawac uu yaallo buuraha. Dhinaca dawladdana wax weli war ah oo arrintaa ku saabsani kama soo baxin.

Awdalpress.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Akash, I am very concerned about this issue as well. Not many people realize how serieuz this issue´s is, it aint about just some local nomads fighting this is about if one has more right then others and about the indepedance of Somaliland´s institutions. A test case for Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Dagaallada oo ka bilowday Islaan adhi la joogtay oo maanta subaxnimadii niman dablay ahi qoorta ka jareen, its very concert it's not the first time that they have killed innocent peopple by Somaliland forces in Awdal regions. Reer Awdal State waa in ay xuduudaha hooga Soo xidhaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Akash, within the ´SNM´ clan there are many enemies who want to destroy all that what we have build up. This isnt a simple fight of Awdal vs SNM clan. Its one between an internal enemy and Somaliland. If Somaliland doesnt win against its domestic enemy, I am afraid for worse.

 

Dont forget we are on the same side here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

why dont they record this on video? im sure ppl have mobile phones there hell even my adeer living in garowe outskirts calls my dad on his camel on a mobile phone lol its hilarious too.

 

Get someone to record this of their mobile phone and send it to their local news agency to upload it on youtube. Thats what somali media should be doing

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's terribl that the SNM continue their agreesion against he peaceful people of Awdal. Warlord Siilanyu has addedanother clan to his pursuit of SNM domination in the NW of Somalia,he won't get away with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dagaal Galabta Ku Dhex Maray Buqdhada Ciidamada Booliiska iyo Ciidan Beeleedka Dila oo Hal Nin Ku Dhaawacmay.

 

Dhaawaca ninkaasi ka tirsanaa ciidan beeleedka Dila ayaa dhaawaciisa goor dhawayd lasoo...

 

Gabiley (Gabiley News):- Ciidamada Booliiska ee joogay deegaanka Buqdhada iyo ciidamada beesha deegaanka Dila ayaa maanta Galintii dagaal socday mudo saacado ah oo la isku adeegsaday noocyada hubka ku dhex Maray Deegaankaasi, iyadoo lagu soo waramayaa in dagaalkaasi hal nin ku dhaawacmay.

 

 

Sida ay Gabiley News u xaqiijiyeen ilo wadareedyo xog ogaal ah ayaa waxaa la sheegayaa in Dhaawaca ninkaasi iyo sadex nin oo kale oo ay ciidamadaa booliisku usoo qabteen maxaabiis ahaan lasoo gaadhsiiyay magaalada Gabiley.

 

Dhaawaca ninkaasi ka tirsanaa ciidan beeleedka Dila ayaa dhaawaciisa goor dhawayd lasoo gaadhsiiyay cusbitaalka Guud ee magaalada Gabiley, iyadoo aanay wariyayaasha usuurto galin inay arkaan dhaawaca ninkaasi sababo amni awgeed, Telefoonada Taliyaasha Booliiska oo laga qaban waayay wariyayaasha ayaan war arintaasi ku saabsan ka helin dhinaca xukuumada.

 

 

ilaa iyo hadda lama hubo cida ku horaysay weerarka iyo khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labaa dhinac ee dagaalku dhex maray.

 

Wararka kasoo kordha khasaaraha dagaalkaasi kala soco Gabiley News.

 

 

Gabiley News Desk

Gabiley Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dagaal Seemaal ku dhex maray Maleeshiyo Reer Dilla ah iyo Booliiska Somaliland oo hal qof ku dhaawacmay afar kalena lagu qabtay

Seemaal(Waaheen) waxa maanta Deegaanka Saameel dagaal ku dhex maray Maleeshiyo ka soo jeeda deegaanka Dilla iyo Ciidamadda Booliiska waxaana dagaalkii halkaas ka dhacay Ciidamadda Booliisku ku dhaawaceen Hal qof oo Maleeshiyada Beeshaas ah Afar kalena gacanta ayay kaga dhigeen.

Sidaana waxa khadka Telefoonka Waaheen goor dhaweyd ugu xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle Duur “ waxa soo weeraray Ciidanka Booliiska koox ka soo jeeda beesha Dilla oo runtii been loo sheegay oo lagu yidhi waxa la Dillay gabadh reerkiina ah Xoolihiina waa laga dhacay oo beeshii kale ayaa kaxaysatay. Dabadeed way soo yaaceen iyagoon hubsan waxay markaas isku dhaceen Ciidanka Booliiska ah ee Jiida degan, mid ka mid ah ayay dhaawaceen afar kalena way qabteen, markaa ninkii dhaawaca ahaa Cisbitaalka Gabilay ayaa lagu daweynayaa xaaladiina way iska degtay imika” ayuu yidhi Wasiir Duur

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii koowaad ee ay iskaga hor yimaadaan Ciidamadda Booliiska iyo kuwa Maleeshiyooyinka labada Beeleed ee Colaadi ka dhex aloosan tahay ee ka soo kala jeeda Gabilay iyo Dilla kuwaasoo dhibaatooyinkii hore ee ka dhex dhacay ee dadka lagu laayay ay ilaa wali taagan tahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Begging for trouble,you can't even defend yourself if only rer Gabiley is unleashed againest you,that's why you emphasizing as thou somaliland did some bad to you when they actually protecting the weaker one which is you awdalite.Aabow ka yar iga celi oo ka weyn igu soo daa!

 

are these threads kind feel good for the 1% in somaliland?If you don't love peace you will hate war & you will lose big time!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this