Sign in to follow this  
Che -Guevara

Ethiopians Fighting in Beled Weyne

Recommended Posts

Dagaalo saakay ka qarxay hareeraha magaalada Baladweyne

 

Dagaalo xoog leh ayaa ka qarxay saakay duleedka Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabab.

 

Dagaalada oo sida la sheegayo ay ka qeybgalayaan ciidamo Ethiopian ah ayaa waxa qaaday ciidanka dowlada oo sadex jiho ka weeraray magaalada.

 

Saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowlada ayaa sheegtay in ay qabsadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Qaliif iyo buurta Jante Kuwindishe oo 5-km dhanka bari kaga beegan magaalada, hase yeeshee ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabab.

 

Madaafiicda ayaa si xoog leh ugu shubmeyso magaalada walow ay u badantahay xaafadaha dhinaca bari oo soo xiga jihada dagaalada xoogooda ay ka socdaan, sida ay inoo xaqiijiyeen dad kala duwan oo aan la xiriirnay.

 

Wasiirka gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya, Xuseyn Carab Ciise ayaa ku tilmaamay dagaaladan howlgal qorsheysnaa oo ay dajisay dowlada kaasi oo ay lagu doonaya baa lagu yiri in lagu qabto guud ahaan dalka.

 

Wararki ugu danbeyey ee aanu ka heleyno Baladweyne ayaa sheegaya in dad badan ay ka barakaceen guryahooda kuwaasi oo ka baqanaya in dagaalada ay saameeyaan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka Socda Duleedka Beledweyne

 

 

Ciidamada dowladda ku meel gaarka oo ay wehliyaan ciidamda dalka Ethiopiya ayaa lagu soo waramayaa iney duulaan ku qaadeen saakay baro ku yaala duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Al-shaba.

Dagaal xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaasi ka socdo, iyadoo ay madaafiic xoogan ay ku dhaceyso qeybo ka mid ah beledweyn oo ku dhow dhow Janta Kundishe.

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana aad u yar faahfaahinta laga helo furanta dagaalka.

 

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo Itoobiyaan iyo kuwo Soomaali ah oo saakay weeraray Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

 

Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay oo Sabti ah aroortii hore weerar ku qaaday ciidammo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwo Soomaali iyadoo dagaalladu ay ka billowdeen deegaanno ku dhow degmada Baladweyne.

 

Inkastoo aan la sheegin karin khasaaraha ay dagaalladu geysteen ayaa haddana waxay wararka laga helayo degmadaas sheegayaan in dagaalku uu ku dhawaaday Baladweyne, haddana uu ka socdo buurta janta kuundishe oo bariga magaalada ku taalla.

 

"Dagaalku wuxuu qarxay 6:30 aroornimo ee saakay, waana mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo, dadkuna way isaga cararayaan magaalada," ayuu yiri goobjooge Baladweyne ku sugan oo la hadlay HOL.

 

Goobjoogaha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa hadalkiisa ku daray in xoogagga Al-shabaab ay dib ugu soo guranayaan magaalada Baladweyne lana xiray gabi ahaan ganacsiga, iyadoo la arkayo dadka oo si firxad ah uga baxaya magaalada.

 

"Xaaladdu waa mid darran, dagaaladuna waa kuwo marba marka ka dambeeya soo kordhaya... xoogagga Al-shabaab waxay kusoo laabanayaan gudaha magaalada lamana saadaalin karo xaaladdu siday isku bedeli karto," ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Saraakiil u hadlay ciiidammada Soomaalida ah oo taabacsan dowladda KMG ah ayaa sheegay in dagaalku uu ka socdo daafaha magaalada Baladweyne qorshahooduna uu yahay inay la wareegeen degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab, iyagoo xusay inaysan jirin ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaalka u wehliya.

 

Balse goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelgaal ayaa xaqiijiyay inay dagaalka ka qaybqaadanayaan ciidammo Itoobiyaan ah. Iyagoo sheegay inay arkeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada Itoobiya oo dagaalka ka qayb ka ah.

 

Xarakada Al-shabaab oo aan si faahfaahsan uga hadlin dagaaka ayaa iyaguna sheegay in dagaaku uu socdo, ayna iska caabinayaan ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la socda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hope so in anay magaalaada beledweyne ku dhex dagalaamin that would be catastrophic

I would have asked dawlada tfg ma ogtahay inay ciidamo xabashi ka dhex dagalamayaan gobolka hiiraan than again wabay ka barbar dagalamayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada Beledweyne oo galabta xasiloon kadib dagaalo culus oo maanta ka dhacay

 

Waxaa xasiloon xaalada magaalada Baladweyne kadib dagaalo saakay ilaa duhurkii ka dhacayey duleedka iyo gudaha magaalada.

 

Dagaalada oo u dhaxeeyey ciidamo Itoobiyaan ah iyo Soomaali is garabsanaya iyo dagaalyahanada Al Shabab ayaa kusoo gaba gaboobay ugu danbeynti in magaalada ay gacanta u gasho ciidamadi Itoobiyaanka ahaa.

 

Inta la ogyahay 20 ruux oo dhinacyadi dagaalmayey u badan ayaa ku dhimatay, sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

 

Sarkaal u hadlay ciidanka dowlada oo lagu magacaabo Gaashaanle C/laahi Bare Cilmi ayaa u sheegay wariyaasha isaga oo ku sugan Baladweyne in magaalada ay si buuxda gacanta ugu hayaan xaaladana ay hada dagantahay.

 

Afhayeen u hadlay Al Shababab oo la yiraahdo C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay uga baxeen magaalada xeelado dagaal, isaga oo wacad ku maray in dagaal uu hada bilow yahay dibna uga qabsan doonaan ciidamada Itoobiyaanka.

 

Wararki ugu danbeeyey ee aanu heleyno galabta dhankaasi iyo gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in dhaawacyadi Al Shabab la dhigay deegaanka Halgan oo qiyaastii 80-km u jirto magaalada Baladweyne.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Very good news! Hopefully, the other front will make progress in the south too. The Alshabab terrorists days are numbered. We fully support the TFG on this. The terrorists cannot continue to hold people hostage forever. The complete annihilation of Alshabab will herald the rebirth of a functioning Somalia and the implementation of the Garowe Principles.

 

Hiil-Qaran will start mobilising its support base and come the next election, real intellectuals who can make us proud will take the helm.

 

Now over to the sentimental lot in SOL led by my friend Che who will look at the short-term infringement on Somalia's soveriegnity and not on the big gains to follow. :D

 

By the way, where is the man who thinks condemning everything makes him a bona fide nationalist? Where is he who believes that a country can be rebuilt by tears and sob-tales? Where is Xinn and his template condemnations?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Qarmac iyo Xanshar,

 

Walaashay, ciidamada Ethiopia xansuuqa ay ka geestaan somaligalbeed sheekuu kugu yahay. Aniga adeer run ah iyo laba abtiyaashay hooyaday la dhashay oo shacab ah ayey caruurtooda hortooda ku toogteen. Markaa intay xanuun i badeen waad dareemi kartaa.

 

Laakiin, inta ay Shabab jirto Ethiopia iskama celin karo. Markaa wixii Alshabab tirtiraya waan taageeraynaa. Haday dawlad soomaliya ka dhalato (waxaa taas ka hortaagan maaanta waa Alshabab) meel dadkayagu ugu yaraan ku cararaan ayey helayaan, Ethiopiana pretext ay Somalia ku gasho ma helayso.

 

I hope you see my points.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta ani nin aan ahi. waana fahmi kara dhibka familka lo geystay laakin waxaa ogaataa anukaba inee na xanuujineesa inaa maqalno walaalaheen oo saas lo gelaayo iyo dhulkeena. Ethiopiankana beledweyne imaadi ma tirtiraayan barbaartaas gafuurka duubti inee sii xoojiyaan maahinee waa sey ani ila tahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abtigiis...You are missing the point. Somalia's sovereignty has already been breached many times over but here this is militia in the name of of Shabelle and Ahlu Sunnah answerable only to Ethiopians but entering Somalia under the guise of helping the TFG and crushing AS.

 

Do you seriously think Azania in the Jubbas, Horn's boy from Gedo, and Ahlu Sunnah will answer to the TFG once they captured those with the considerable help with of Ethiopians and Kenyans?

Share this post


Link to post
Share on other sites

[quote=Che -Guevara;769160

 

Do you seriously think Azania in the Jubbas, Horn's boy from Gedo, and Ahlu Sunnah will answer to the TFG once they captured those with the considerable help with of Ethiopians and Kenyans?

Waa hadda koow iyo hogaamiye kooxeed

 

Dabageed iyo Hiiraan Dooxa state (baladweyne will be divided east and west9

Gedo boys vs Azanians fighting who will control Jubbas

Guriceel team who wanna bring back good old days of CIRFO DHUXULOOW SERAAR INDHACADE

and already are at war with GEDO NORTHER ALLIANCE

Bay and Bakool with RRA old guard aka Qalinle Saransoor Habsade

etc etc etc

 

waxaa intaas ka daran TFG ******* in Mogadishu who calls TFG soldiers to Ethiopian and Kenyan invasions.

 

 

 

HA IS RAACDO DIIDAYE HA IS RAAMSATEE DAA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this