Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe Clan enclave Arrests khaatumo Conference Attendees.

Recommended Posts

Ergooyinkii Shirka Khaatumo 2 Ee Ka Degay Puntland oo Mar Kale Xabsiga Loo Taxaabay-

Lasanod Online. Wednesday, December 28, 2011

 

Bosaaso,(lasanod Online)- Waxaa maanta kasoo degay garoomada Bosaaso iyo Gaalkacyo ee maamulka Puntland, ergooyinkii shirka Khaatumo 2..

 

oo kasoo kicitimay dalka dibediisa.. Iyadoo si xawli maalmahanba ay Taleex usoo gaadhayeen dad tiro badan oo ka kooban ergooyinka Gudaha iyo Dibedda.

 

Maanta waxaa ka degay magaalada Gaalkacyo tiro ergooyin ah oo kasoo ambabaxay magaalada Berbera, ergadan oo ka koobnayd afar xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa Tifatiraha guud ee Lasanod Online Aadan C/llahi Shuuriye iyo xubnaha kale oo ka socday dalalka UK iyo Maraykanka.

 

Ergadan ka degtay Gaalkacyo oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa noo sheegay inaysan la kulmin wax dhibaato ama xanibaad ah oo kaga yimid dhinaca maamulka Puntland.

 

Dhanka kalena waxaa saaka soo gaadhay magaalada Bosaaso ergooyin ka kooban 8 qof oo kasoo kicitimay magaalda Dubai ee dalka Imaaraadka. ergadan oo na looga magacaabay inay ku jireen Inj. Nuur Gaas iyo Salebaan Wejixaad ayaa wararku sheegayaan in xabsiga loo taxaabay dhamaantood kadib markii ay kasoo degeen Diyaaradii siday.

 

Wararku waxay intaasi ku dareen muddo saacado markii la haystay inay dib u heleen xoriyadoodii caawana ay ku suganyihiin Hoteel Ku yaala Bosaaso.

 

Dhanka kale, Xadhiga ergada ayaa noqonaya markii labaad ee mamaulka Puntland xanibaad iyo xayiraad kula kacdo ergooyin u socda shirka beesha SSC ee Taleex.

 

Sii daynta ergadan maanta lagu xidhay Bosaaso ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen Isimada reer Garoowe oo la gaadhsiiyey dacwad ka timid odayaasha iyo waxgaradka beelaha SSC ee jooga taleex.

 

Kala socda Lasanod Online Wixii kasoo kordha xadhiga Ergooyinka iyo wararka shirka Khaatumo2.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Very bad move, and will not stop the SSC movement.

 

 

burahadeer;768326 wrote:
why puntland is againest khatumo? I thought somaliland would be more concerned.

Actually the pirates are more concerned and worried about the outcome of Khaatumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Som@li;768331 wrote:
Very bad move, and will not stop the SSC movement.

 

 

 

 

Actually the pirates are more concerned and worried about the outcome of Khastumo.

war dadka kastuumadooda may u dhaafan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

shirka khataamu waxaan urajeynaynaa inuu kudhamaado khayr. maamulada hareeraha ka xigana ssc. waxaa laga codsanyaa inay soo dhoweyaan oo lasheqeeyaan maamulka cusub ee ssc samaysanayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Somalia;768454 wrote:
Lol, how many meetings are these people going to have..

somali

take a big breath and take another incase

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah -16 Kamida Ganacsatada Kasoo Jeeda SSC Ee Ku dhaqan Magaalada Boosaaso Oo Maanta Xabsi Lagu Daabulay!

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso Ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay ay sheegayaan in maanta halkaasi si bini aadanimada ka baxsan loogula dhaqmay qaar kamida ganacasatada kasoo jeeda deegaana SSC kuwaasi halkaasi ka ganacsanayey.

Ciidamada Maamulka faroole ayaa waxaa lasheegayaa inay iska soo qabqabsadeen 16 kamida Ganacsatada ugu caansan ee kasoo jeeda deegaanada Ssc ku waas oo aysan wax lagu soo eedeeyay aysan jirin

Waa maalmahanba iska soo daba dhacayey falalka isugu jira Xayiraada iyo Xabsiyaynta ay kula kacayaan Ciidamada Maamulka faroole Kuwaas oo si wayn uga soo horjeeda shir waynaha Khaatumo2.

Hadaba arinkan ayaa waxa uu ka gedisan kuwii ay horay ugu kacayeen Maleeshiyaadka Faroole kuwaas oo ay ku xidhayeen qurbajoogta kasoo jeeda deegaanada Sool Sanaag Iyo Cayn ee kusoo wajahan magaalada taleex Si ay qayb laxaadleh uga qaataan Shirka Khaatumo2.

 

Qaarkamida ganacsatada maanta xadhiga cadaalad darada ah loogu gaystay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay ” Layaabanyihiin sababta loo soo xidhay maadaama ay ku guda jireen howshoodii Ganacsi – iyagoo sheegay inaysan gaysan wax Danbi ah ”

Warar hoose oo anu halkaasi ka helayno ayaa waxay sheegayaan inuu maamulka faroole ka Gadoodsanyahay shirwaynaha Khaatumo2, dadkan ganacsatada ahna ay u xidhayaan inaysan soo dhawayn Cidii kasoo degta Garoonka Magaalada Boosaaso ee ku wajahan magaalada Taleex.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

The said two clans will live in peace with two different admins. Tolow Xaaji afka Soomaaliga ma inta dhiilo sheega ah buu ka bartay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this