Sign in to follow this  
Somalina

Godane speaks

Recommended Posts

Somalina   

Haa, mar mar ayaan soo siyaartaa.

 

Godane qof degan ayuu ilaa ahaa oo sugaanta Soomaaliyeed aad u jecel. Wuu ku mahadsan yahay inuu Sheikh Barsane AUN halgankiisa uu talyaaniga kula dagaalamey dhegaystayaasha xasuusiyo, Koonfurta iney taariikh leedahay ayeysan dad badani ogeyn.

 

Aden Cayroo AUN beeshiisa ha u aar gudo ayuu la soo shir tagey, lama yaabani maxaa yeeley AS beeshaas ayey mar walba ka hadashaa iney soo raacaan ileen libaaxnimada waa loo dhashaa.

 

Taas markaan ka soo tago, takfiirinta ICU hogaamiyeyaashoodii oo u ku celceliyey ayaan ka yaabey, iyo sida u waxqabadkoodii u dafirey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Maca Ixtiraamii al Kabiir li Shaykh Caaid al Qarni, arrinta Soomaaliya wax badan kalama socdo. Soomaaliya xaq & baadil aya ku dagaalamaya, haddii aadan xaqa la jirsan karin, baadilka ha u hiilin!.

 

Somalina, dawladdan tii C/lahi Yusuf maxay uga duwantahay?. madaxda ICU-da waa gaaleysiin jirtay dawladdii ina Yusuf, haddii ay kursigii la wareegeen waxba kagama duwana kuwas, aniga kuwanaaba ila daran!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Arrinta Soomaaliya si fiican ayuu u la socdaa, qaraxii 100ka qof lagu qarxiyey ayuu xataa ka hadley.

 

Soomaaliya sheekadeeda cid aan aduunka la socon sannadkaan waa yar tahay, front page news ayey si is daba joog ah ugu jirtaa.

 

Ka gudub taas, ICU hogaamiyeyaashooda wey kala fikrad duwanaayeen, kuwa heshiis rabey ayaa jirey sida Godane xataa sheegey, takfiirinta arrinteeteedana waa qalad sida Sheeku sheegey.

 

Bay iyo Bakool oo ah gobolada ugu barwaaqeeysan maxaa sababey in dadkeedu ka barakaco gaajo daraadeed?

 

Dhiiga muslimka in la daadiyo yaa yiri waa xalaal? daliil ma u haysaa?

 

Sheeku wuxuu yiri AS waraaq ha soo qorto ay ku cadeyneyso sida ay u xalaaleysteen dhiiga muslimiinta, iyo daliisha ay u haystaan gaaleysiinta muslimka.

 

Haddii aan soo gabogabeeyo, waxaan rabaa inaad ii sheegto sababta ay AS culimada aduunka ula hadli la'yihiin oo ay u diidayaan in ay ka doodaan mowqifkooda ku saabsan jihaadkooda?

 

Ogow dictatorship MSB AUN oo ka awood badnaa AS ayaa lagula dagaaley oo laga guuleystey, marka xoog cid wax looga qaadaayo ma jirto maanta. Nabadu waa lama huraan. Wax aadan af iyo qalin ku qaadi karin xoog kuma qaadi kartid.

 

Qalad wuu dhacaa laakiin waa in cashar laga bartaa oo la saxo ma ahan in qalad lagu gudo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Culimo xaqa caddeyn karta ma joogto, kuwii isku deyayna Xabsiyada ayaa lagu guray, Sacuudiga waxa ku xiran culimo fara badan oo dambiga ey galeen uu yahay in Dagaalka Ciraaq & Afghanistan ey Jihaad ku sheegeen.

 

Shabaabka ma rumeysna in dadka ey la dagaalayaan yihiin Muslimiin. Gaal & Gaala raac ayey ku sheegaan, dhiig muslim ayaad baneysatay ma dhihi kartid markaa!. Sidaad sheegtay qalad waa dhacaa, lakin core-ka waxa ay ku dagaalamayaan waa soo celinta Khilaafada & ku dhaqanka Shareecada oy ka mid tahay in Muslimiintu simanyihiin, waa taasoo Soomaaliya meelaha ay ka taliyaan qabaa'ilkii la yasi jiray ama 'looma ooyaan'ka la dhihi jiray hadda ma jiraan. Sidoo kale meelaha ay Shabaabku ka taliyaan waa meelaha ugu nabadda badan wadanka. Baydhabo & Sh/Hoose waxay ka mid yihiin gobollada abaaruhu ka soo yaraadeen sida warbixi UN soo saartay lagu sheegay, taasna fadliga Alle ka sokow, waxa keenay dadaalka xarakada & kaalmada ay u fidisay beeraleyda!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Culimo ma jirto miyaa ku adkeysatey marka? hadalkaada waxaan ka fahmey "AS waa culimada keliya ee soo harey, marka hadalkooda ayaa ah kan saxa ah, haddey muslim gaaleysiiyaana wey ku sax san yihiin".

 

Bay iyo Bakool dagaal kama jirin, laakiin hooyooyiinka caruurtooda jidka ku dhimanaayey ma ogeen beeraha ay AS u tacbaayeen iyo taakuleynta ay u fidinaayeen, they missed the memo somehow.

Maanta Muqdishu waxaa buxaa Bay iyo Bakool dadkii gaajada uga soo cararey, kuna soo cararey kuwa gaalada ay AS ku sheegeen dhankooda, ugu yareen 400k ayaa ka kaxdey gobolodaas iyo agagaarkooda marka AS haddey wax tarayeen TFG dhankooda hunguri kama soo doonteen. Marka doodaada ku aadan dhankaa waa FAIL!

 

Khilaafada sooma soo socoto anytime soon, marka wax soconaayo oo macquul ah hala yimaadaan. AS qabiil wey ku shaqeystaan, gobolada ay maamulaan ninkii ka soo jeeda ayaa hogaamiye u ah, Kabakutukade meesha loo soo magacaabey hadda iyo meesha u ka yimid bal fiiri.

Godane wuxuu baryaayaa Ceyrow qabiilkiisa iney la soo saftaan, Aweysna waa ogeed cabaadkiisii, Mansur reerkiisa ayuu u barooranaayey maalin hore.

 

Looma ooyaankana hogaamiye hal nin lagama dhigin, oo meeshooda ayey weli joogaan. Nin looma ooyaan ah oo aan u qalmin in hogaamiye gobol laga dhigo in la waayey u maleymaayo, mid qasnada lacagta loo dhiibo in la waayey u maleymaayo.

 

Qabiilada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa AS xukuma, dhaqaalahoodana maamula, marka another FAIL ayaan ku siin in that regard.

 

AS haddeysan wadahal rabin, mas'uuliyada dadka ku dhimanaayo daraadood ayagey saaran tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey..Ayaan darada Soomaalilada maanta heesata ama diin ama qabiil ha isticmaalaan wax haraaya way sameyn waayeen. A lot of blood has been shed while using religion as rallying cry yet AS like others before it fail to establish any institution that will bring Somalia out of this misery and help its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Must you that naive to believe or think AS is capable of delivering.

 

Maaddeey;767937 wrote:
^Maca Ixtiraamii al Kabiir li Shaykh Caaid al Qarni, arrinta Soomaaliya wax badan kalama socdo.

You suggest the Sheikh spoke on matters he's not knowledgeable of? You deliberately choose to insult the good Sheikh as AS does all the time.

 

The Sheikh is knowledge enough to tell you the Culumaa of Somalia, Saudia, Azhar, Shaam, and Maqrib unanimously agree the war in Somalia is xaraam and fitnah. If you are more knowledgeable of the diin than he is, perhaps you can answer the questions he posed to AS.

 

Yaa idiin baneeyay dadkaan ashahaadanaaya oo aad dhiigooda baneysateen? Ka jawaab yaa kuu xalaaleeyay qof ashahaadanaaya (macaasi, mujrinimo, iyo dambi haba ku dhex jiree) dilkiisa xagee lagu xalaaleeyay? The Sheikh continues to ask, ma adigaa isku iftooday inaad sabiililaah ku dagaalameysaan? Yaa kuu iftooday dadka Soomaalida aad leyneysaan inay gaalo yihiin oo naar galayaan? Ma Ilaahey baa cudurdaarkaas ku siiyay? Ilaahey ma kaa aqbalaayaa maalinta qiyaame dowlada islanimada sheeganeysa ee Soomaaliya aad la dagaaleysid? Yaa idiin iftooday inay gaalo tahay?

 

Ironically, Sheikh Umal asked pretty much the same questions and said who are your culumaa? Who told you dadkaan dhiigooda waa xalaal? Neither Godane nor anyone else is able to answer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

maadeey waa lagu sugooya adaa mug kasto yiraahda xaq ii baadil aa lisku haaysta, marka su'aalahaasi kor lagu qori inaa ka jawaabti aa laga sugooya, ka jawaabid lee maahine sii sax inaa igu jawaabtid waaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Sxb, waan ka jawaabaye adaan fahmin!, meelaha ay Shabaab ka taliyaan waa meelaha ugu nabadda badan, haddana laguma arko qof la iska dilo iyadoon maxkamad aysan xukumin. Shabaabku ma dadkey iska dilaan 'for the love of it?'.

 

Jacpher, 'Islaanimada sheeganeysa' is the key word!, dawladda wax walba waa awooddaaa aan ka ahayn iney sharciga ku dhaqanto!. Tii C/lahi Yusuf ee boqolaalka caalim iftoodeen iney Gaalowday, maxay tani uga duwantahay?. Haddii lagu soo weeraro fatwa uma baahnid 'MAN QAATALA DUUNA NAFSIHI FAHUWA SHAHIID'. Qofkii Gaalo u soo wata inuu Muslimiin kula dagaalo iyaguu la mid yahay 'shaa'a am abaa'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this