Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG deputy Parliament speaker we don't approve the outcome of the Garowe Conference

Recommended Posts

Casoowe : “ Waa sharci daro go’aanadii shirka Garoowe”

 

Muqdisho: (Sh. M. Network)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa waxaa uu ka hadlay shirka wadatashiga Soomaali ah ee kusoo gaba gaboobay Magaalada Garoowe, isagoo shirkaasi ku tilmaamay in aan sharci ahayn.

 

Casoowe oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay inaysan eedeyn u jeedineyn dadka kasoo jeeda deegaanada shirka lagu qabtay ee Puntland balse ay dhaliilayaan qaabka uu u dhacay shirka wadatashiga ah iyo waliba qaabka loo Maamulay, isagoo intaasi ku daray in barlamanka uu yahay Hay’adda ugu sareysa sharci dajinta islamarkaana ay saxaan qaladaadka jira.

 

Gudoomiyaha labaad ee barlamanka ayaa mar uu ka hadlay go’aankii kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda ee ku aadanaa in muddo muddo 4-Isbuuc aan lagu shiri karin Xarunta golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in barlamanka uu qabsan doono kulamadii ay yeelan jireen islamarkaana aan baaqan doonin shirarkaasi.

 

“ Anagu sharcigeena waa naqaanaa, qaynuunka wuxuu noo fasaxo waa naqaanaa, ninkii na horjoogsado oo muruq noo sheegto waa nin xoog wata, sharci hadii lagu wada hadlayo, sharciyadda anagaa leh, dalka anagaa ugu sareyna xaga sharciga, Hay’adda dalka ugu sareysa baanahay, shacabkan ka wakiil nahay, in nagula ixtiraamo weeye hadii dowladnimo la doonayo, hadii kalena wixii naga dambeyo sidaa un bay noqon” sidaasi waxaa yiri Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe).

 

Shirkii kusoo idlaaday Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa qodobadii kasoo baxay waxa ka mid ahaa in Xildhibaanada barlamanka la yareeyo islamarkaana laga dhigo 225-kuwaasi oo lagu soo xulayo nidaamka 4.5-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:-Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho shirka Garoowe waa xaraan mana laga yaabo in Shariif Xasan uu dib Baarlmaanka ugu soo laabto" Xildhibaan Seeko

 

25. december 2011

 

APL

 

Muqdisho(Allpuntland)Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan kuwii xilka ka qadaay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo horjeeystay shirkii wadatashiga ee wajigiisa labaad shalay lagu soo gabagabeeyey Garoowe.

 

Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah Xildhibaanada xilka ka qaaday Shariif Xasan oo la hadlay warbaahinta ka dib kulan ay yeesheen ayaa ku tilmaamay in shirka Garoowe uu yahay mid aan xalaal ahayn.

 

Waxa uu sheegay in shirkaasi uusan ahayn shir lagu matali karo Soomaliya , waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay Gudoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan ee uu sheegay in uu xilka marnaba ku soo noqon doonin ee ay tahay sida xilka looga qaaday.

 

"Shariif Xasan xilka cidna uma haayo lagamana yaabo in uu dib u soo noqdo, shirka Garoowe maaha mid xalaal ah oo looma dhama, Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho shirka Garoowe waa xaraan mana laga yaabo in Shariif Xasan uu dib Baarlmaanka ugu soo laabto" ayuu yiri Xildhibaan Seeko.

 

Sidoo kale Xildhibaan Ilko Dahab oo isana ka mid ah baarlmanaka ayaa sheegay in Shirkii wadatashiga ee ka dhacay Garoowe uu yahay mid ay isugu tageen labo gobol oo keliyah kuwaasi oo heshiis kala saxiixday isagoona shirkaasi ku tilmaamay mid aan hergeli doonin qodabadii ka soo baxay.

 

Waxa uu sheegay in go'aanka ah in Baarlamaanka la badiyo ama go'aan laga gaaro marxalada Soomaaliya ay u taalo shacabka Soomaaliyeed oo dhameeys tirin isagoona ugu baaqay Madaxda Dowladda in ay dib ugu noqdaan.

 

Inkastoo Xildhibaanadaani ka tirsan Baarlmaanka ee gooni u socodka ah ay ka soo horjeesteen shirka wadatashiga ah ayaa hadana shirkaasi, waxa uuna shalay ku soo gabaaboobay isfaham ay wada gaareen dhinacyadii ka qeyb galay iyadoona ay goob joog ahaayeen wufuud ka socotay Beesha Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Casoowe markii horeba Somali ma uusan ahayn oo waa Jabuutiyaan

 

hadii shirka CARTA aheyn asaga iyo tolkiisaba siyaasada Somalia laguma arkeyn waxa hada soo diraayana waa la yaqaan

waa Ismaaciil BUUR

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this