Sign in to follow this  
FreshPrince

Khaatumo 2 Congress: The Reigniting of Great Minds, Great History, Great Nationalism

Recommended Posts

Liibaan   

solko.jpg

 

 

JANUARY 1, 2012

 

G6 oo Maanta Si Rasmi ah u Furtay ShirWeynihii Khaatumo II ee Magaalada Taleex, SSC-Somlia

 

Buhodle.net

 

Bishaaro, Bishaaro Dhamaan Shacabka SSC, 2012 Sanad Farxad, Khayr iyo Baraka Qaba Allow Ka Yeel

 

Sanad Wanaagsan oo Wacan, Insha Allah waxaa noo dhalan doona Sanad Khayr qaba, iyo Maamul-Goboleedka SSC/ Darwiishland.

 

Waxaa balan noo ah Midnimo, Xornimo, Madaxbanaani, iyo Horumar.

 

 

 

 

 

Maanta oo ah maalin sabti ah, ahna maalintii ugu danbaysay ee sanadk 2011 ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladda Taariikhigga ah ee Taleex shirkii inta badan laga soo shaqaynayey ee Khaatumo II.

 

Shirka oo maalmahanba ku jiray wadda tashi iyo tallo gorfayn ayaa maanta waxa uu kaga duwanyahay maalmahii hore waxaa si toos ah uga qayb qaadanaya gudiddii la magaca baxday G6 oo ahaa ragii shirkan hindiskiisa iyo abaabulkiisaba loo tirinayay isla markaana xabaarsanaa qorshahii iyo ajandayaashii shirkan lagu hagi lahaa.

 

Wararka aanu sida tooska ah uga helayno magaalada Taleex ayaa waxay noo cadaynayaan in maanta magaaladaa subaxnimadii uu ka bilowday shir warbixin kooxdda G6 ay ku bixindoonto isla markaana ergooyinkii goobtaa isugu yimid ay ugu sharaxi doonaan habsami u socodka shirkan iyo maalin walba qodobadda laga hadli doono ama la lafoguri doona.

 

Shirkan ayaa sida la qorshaynayo socon doona shanta maalmood ee soo socda, iyadda oo maalin walba laga dooddi doona qorshe gaar ah , lana gudoonsan doono qodobadda gunaanadka ah ee ka soo baxay hawlmaalmeedkaa ay ergooyinku gorfaynayeen.

 

Shirkan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore ee bulshadda ku dhaqan goboladda Sool, Sanaag iyo Cayni hore u qabsan jireen maadaba qorshaha shirkan hore loo sii diyaariyey, bulshadda goboladana gacanta laga saari doono tallo u gaar ah oo ay kala dooran doonaan wadooyinkii ay u mari lahayeen qaabkii loo dhisi lahaa maamul u gaar ah oo aan taladiisa cid kale la wadaagin.

 

Xaaladu si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa dadka ku dhaqan gobolada SSC u arkaan in uu yahay kii ugu danbeeyey ee qaabkan oo kale loo soo abaabulay ee beeshani isugu timid, lagana filayo in uu noqdo ama kii lagu dheefi lahaa oo bulshadda degaankani isku raaci lahayd ama kii lagu kala tashan lahaa oo gobol waliba waxa u danta ah raadsan lahaa.

 

Waxaase hubaal ah in shirkan maanta ka socoda magaalada Taleex uu yahay mid dhamaan bulshoweynta ku dhaqan goboladani dhinacyada ka taagantahay, sidaa awgeedna aan berito cid la eersadaa oo maanta maqani jirin (cidina uma maqna ceelna uma qodna).

 

Buhodle.net

 

 

 

DSC03539.jpg

DSC03521.jpg

IMG_0007.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dahir_washington.jpg

 

 

BEESHA GERI KOOMBE OO TAAGEERTAY SHIRKA TALEEX KA SOCDA EE KHAATUMA_2

 

 

Marka hore Anigoo ah Daahir Maxamed Sheekh ( Dahir Washington ) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuna hadlaya Magaca Beesha Geri koombe ee meel kaste ha jooggaan , waxaan Sallaan Qaali ah u direenaa Walaalaheena ku nool Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ee Shirka ku leh Degmadda Taleex waxaan leenahay Hambalyo, isla markaana waxan halkaan ka cadeeynayaa in Beesha Geri koombe ay si buuxda ay u taageersan tahay Shirka ka socda Degmadda Taleex.

 

Beesha Geri koombe waxay mar walba taageersan tahay Midnimadda Beesha *********** meel kasta ha jooggaan waxayna la diyaar tahay Beesha Geri in ay ka Qeyb Qaadato Nabadeeynt iyo isku keenida Walaalahooda ku nool Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaan mar labaad halkaan ka cadeeynaya in Beesha Geri koombe ay tageersan tahay Shirka Taleex , waxaan rajeeyneyna in Shirka Taleex ay ka soo baxaan Go,aano muhiim ah oo ay ka mid tahay Midnimadda Beesha *********** , Nabadeeynta Sool, Sanaag iyo Cayn. Iyo maamaul ay leeyihiin ***********

 

Ha guuleeysto Shirka Taleex,

 

Mahad sanadiin,

 

Dahir Mohammed Sheikh ( Dahir Washington)

Nairobi Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Daawo Sawirada sida looga soo dhoweeyey Taleex ergooyinka Buuhoodle.

 

Magaalada Taleex ayaa maanta si weyn looga soo dhoweeyey waftiga ergooyinka Buuhoodle oo saaka halkaasi gaadhey, waxaana soo dhoweynta ka qayb qaaatay qayba kala duwan ee bulshada Taleex iyo ergooyinkii hore halkaasi u tegey.

 

 

DSC01755.jpg

DSC01743.jpg

DSC01742.jpg

 

DSC01684.jpg

DSC03573.jpg

DSC03629.jpg

 

 

DSC016861.jpg

DSC03578.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

HUGE Delegation from ERIGAVO (ceerigaabo) has arrived in Taleex.

 

 

Daawo:Wafti uu hogaminayo Garaad C/laahi maxamed Guuleed oo sogadhay taleex

 

Iyadoo ay manta qaar kamid ah ergooyinka kaqayb galaya shirwaynaha khaatumo ay soogaadheen ayaa waxaa galabta soogaadhay magaala taleex ergooyinkii kasocday magaalada ceerigaabo oo uu horkacayo garadka Cabdi laahi maxamed Guuleed ayaa siwayn losoo dhaweeyay iyadoo lagaga hortagay meelkabaxsan magaalada kadibna losoo galbiyay dhinacayo gudaha magaalada

Garaad cabdi laahi maxame guuleed oo waftidan hogaaminayay ayaa kamahad celiyay sida diiran ee loosoodhaweeyay isagoo umahad celiyay dad reer taleex

 

garaadka-cabdi.jpg

ero1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ergooyin ka socdey Reer Buuhoodle oo Si diiran Loogu Soo dhaweeyey Taleex ayna kamid ahaayeen Garaado iyo Cuqaal +Sawiro

 

 

Wafti Balaadhan oo kasoo kicitimay xaruunta Gobolka Cayn ee Buhoodle ayaa Taleex soo gaadhay, waftidan waxaa Hogaaminayey Garaaad C/lahi Garaad Soofe iyo Garaad Saleebaan Buraale waxaana weftigan safarkooda ku weheliyey cuqaasha iyo ergooyinka shirka Khaatumo uga qayb galaya Gobolka Cayn siiba magaalada Buuhoodle.

 

 

 

Dhamaanba Isimadda, Cuqaasha iyo Ergooyinka Shirka ee jooga Taleex ayaa waftidan si heer sare ah ugu soo dhaweeyey magaaladda iyada oo meel magaaladda ka baxsan looga hortagay, waxana waftidan loo galbiyey Hoolka Shirka lagu qabanayo oo dhamanba Isimadda, G6 iyo waxgaradka kaleba ay kormeer ku soo mareen Teendhooyinka loogu talo galay inay u hoydan ergoyinka Shirka wada tashiga Beelaha SSC.

 

 

 

Xaflad Kooban oo ujeedkeedu ahaa soo dhawaynta Isimada iyo Ergooyinka ka soo kcitimay Buuhoodle ayaa kadhacday Hoolka shirka waxaana xafladaasi ka hadlay Pro. Cali Khaliif Galaydh, Garaad Jaamc Garaad Ismciil iyo Garaad Cabdilahi Garaad Soofe oo dhamaatod shacabka reer taleex u mahad celiyey.

 

 

 

Cabdifataax Dhalac oo ah Afhayeenka Gudidda qaban qaabadda shirka ee Gudaha Taleex ayaa ka xog waramay qaabka ay u diyaariyeen Kaamka loogu talo galay ergooyinka shirka Khaatumo2 oo uu shirku ka dhacayo, waxa uu C/fataax Dhalac sheegay in dhamaanba howlahoodii shaqo ay diyaar u yihiin ergooyinkana ku soo dhaweynayaan magaaladda Taleex isla markasna aysan Taleex cid gaar aysan lahan oo tahay magaalo loo wada siman yahay, islamarkaana ay dhamaaba ergooyinka iyo dadka beelaha *********** ku soo wada dhawaynayaan.

 

 

 

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey goobtaas u mahadceliyey Gudiyadda qaban qaabadda shirka sida habsamidda leh ee ay u soo abaabuleen iyo qaban qaabadooda wanaagsan waxana uu sheegay Dr Cali in Shirka Khatumo ee Beelweynta *********** uusan noqon mid garnaqsi ee uu yahay mid umadan Aayaheeda kaga tashanayso dhamaan umadda Soomaaliyeedna ay soo Eegayso waxa ka soo baxa Shirka Khaatumo2 isla markaana ay san meesha jirin cid la waydiinayo wixii hore u xumaada hayeeshe shirkani uu yahay mid beel waynta *********** ay kaga tashanayso masiirkeeda danbe cidkasta oo u dhalatayna u shirkana ay ka soo qayb galayaan maskaxdoodana la dhagaysanayo waxa ka soo baxa.

 

 

 

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa u mahadceliyey dhamanba Gudiyadda qaban qaabadda shirka Khaatumo2 iyo ergooyinka kale duwan ee ku sugan madasha Shirka ee Taleex, waxana uu Garaad Jaamac sheegay in uu ka mid ahaa Isimadii u yimi shaqaaqadii ka dhacay Taleex ayna hawshaas wax weyn ka qabteen isla markaasna inta yar ee u dhiman dhawaan la soo afjari doono, sidoo kale waxa uu garaadku sheegay in ay dhamaanba soo dhawaynayaan cidii kasta ee dantabeelwaynta *********** wada.

 

 

 

Intaas kadib Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa shacabka iyo isimada reer *********** uga mahad celiyey sida diran ee loo soo dhaweyey waxa uuna shegay in aanay Taleex ahayn magaalo reer balse ay tahay magaalo *********** isagoo markaasna tusaale u soo qadanayey hadaladii iyo gabaygii Abwaan, Haalyey Ismaaciil Mire ee ahaa **Anaagoo Taleex naal jihaad taladii Qaadnay* taasina ay ahayd in kumanaan Daraawiish ah oo Dhulbahate wayne ahi inay markaas Taleex joogen hadana ay nasiib wanaag tahay in Hal Qarni kadib ay beelwaynta *********** ku wada shiraan.

 

 

 

Waxa Munaasabada shirweynaha khaatumo oo maalmahan ugu danbeeyeba si an caaadi ahayn uga socday degmada Taleex, iyaguna dhankooda Kaalin muuqda kaga jiray Haween weynaha Deegaanada SSC iyo weliba dhalintaa suugaan yahanka ee SSC ,oo maanso iyo maaweelaba ku tageerayay shirka...codkii abwaanka yar.......

 

Aqal Soomaali weyn oo laba deryale ah ayaa laga dhisay Duleedka Kaamka Khaatumo kaasi oo ay ku dhanyihiin dhamaanba agabka hidaha iyo dhaqanka ee hoyga reer guraaga Soomaalida.

 

IMG_0120.JPG

IMG_0135.JPG

IMG_0136.JPG

 

IMG_0173.JPG

IMG_0177.JPG

IMG_0194.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

 

 

 

 

 

IMG_0200.JPG

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo Ku Dhawaaqay in Shirweynaha Khaatumo yahay Shir Somaliweyn, Qof kasta oo Danta iyo Midnimada Somalia Ka Shaqeenaya Waanu Soo Dhoweenanaa

 

Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Khaliif Galayr oo kamid ah gudiga sare ee qaban qaabiyey shirka Khaatumo2 oo hada ka socda degmada Taleex ayaa maanta ka hadlay shirka wada tashiga beelaha *********** ee Khaatumo2 oo kasocoda degmada Taleex ee gobolka Sool.

 

Prof Cali Khaliif Galayr oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu soo dhoweynayey wafti reer Buuhoodle ah oo maanta gaarey degmada Taleex ayaa shaaca ka qaaday in shirka wada tashiga ah ee Khaatumo2 aan cidna laga lahayn beelweynta SSC, islamarkaana madasha looga doodayo danta bulshaweynta Sool, Sanaag iyo Cayn.”dee ninkii ba naayoow lagu fasax ” ayuu ku maahmaahay dr Galayr, “ninkii talo SSC/*********** hayoow ama talo Somaliyeed oo lagu hirto hayoow dee kaalay yaynaan is haaraamin” ayuu hadalkiisa raaciyey Prof Galayr.

 

 

 

 

 

Kudbadihii ay Dr. Cali Khaliif, Garaad Jaamac, iyo Garaad Soofe ka jeediyeen Xafladii lagu soo dhaweenayay Ergada reer Buuhoodle oo gaadhay Taleex

 

http://www.ceegaag.com/2012/Jan%202012/Cali%20Khalif%20iyo%20Qudbadii%20Taleex.wma

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Daaw+Sawiro+Video:Gudida Golaha Fulinta Ee G6 Oo Maanta Kormeer Ku Tagey Goobta Lagu Qabanayo Shirka Khaatumo2

 

Gudida sare ee golaha fulinta G6 iyo dhamaanba isimada ayaa gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa saaka kormeer indha indhayn ah ku tagay hoolka lagu qabanayo shirwaynaha kHaatumo iyo goobaha loogu talo galay inay degaan ergayda iyo marti sharafta ka qayb galaysa shirkaas.

 

Gudidan ayaa waxa mid mid arkeen hoyga loo qorsheeyey inay degaan ergayda iyo martisharfta,ka dib booqashadaas waxay gudida iyo qaar ka mid ah isimada ay booqdeen hoolka way nee loo asteeyey inuu ku qabsoomo shirwaynaha,waxayna halkaas warbixin kaga dhagaysteen qaar ka mid ah xubnaha qaban qaabada ee qaabilsan degjinta ergayda,iyo madax ciidamada amaanka goobta ilaalinaya.

 

Furitaanka shirwaynaha khaatumo oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo degmada talex ayaa waxa si wayn magalada ugu soo qulqulaya ergooyin aad u tiro badan oo ka kala imaanaya gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

 

af1.jpg

af31.jpg

af4.jpg

 

af4.jpg

af5.jpg

 

af6.jpg

af7.jpg

af8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Som@li;769491 wrote:
Waw, it is in full swing

Yes it is, indeed. The funny thing is, it isn't still over yet. There are tons of delegations that are still being awaited. From Sool to Sanaag to Cayn and even all the way to Danood and Gobolka Wardheer.

 

I think the Jubooyinka SSC clan members will send a Delegation as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Thousands of SSC Delegates From All Over The World Participating in the SSC Khaatumo II Grand Conference, Taleex, SSC-Somalia

 

-Waxaa Wali Ku Soo Qulqulaya Degmadda Taleex Ee Gobolka Sool Wufuud Balaadhan

 

 

 

 

Saturday, December 31st, 2011 | Posted by xuddun

Taleex,(xuddunnews)-Waxaa Wali Ku Soo Qulqulaya Degmadda Taleex Ee Gobolka Sool Wufuud Badan

 

 

 

 

 

Oo Ka Kala Imanaysa degaanadda SSC Iyo qurbaha iyadoo ergooyin tiro ay maanta kala yimaadeen Degaanadda Boocame iyo laascaanood kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmadda taleex

 

 

 

 

 

Dadwaynaha ku dhaqan degmada Taleex,ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey ergayda ka socota deegaanka Boocame iyagoo kaga hortagay meel ka baxsan magalada,

 

 

 

Hasan Food oo ah xubin ka tirsan gudida qaban qaabada shirka Khaatumo ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen

 

Garaadka-Guud.jpg

Garad-Soofe-iyo-Garado-kale.jpg

Garadad-oo-badankooda.jpg

1697.jpg

2485-1024x768.jpg

7195.jpg

6241.jpg

Hablaha1.jpg

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

The clan with the best history in the entire Somali Peninsula have finally decided to come together and claim their land. The forefathers of these people kept the Somaliness and the Muslimhood alive since the 1800's. They are the reason we are Muslims and Somalis today.

 

They have every right to create their own mini state until a strong central government is built.

 

 

VIVA SSC!

 

P.s. I see Abdikarim (The brain behind everything the TFG have accomplished since Shariif Canbe came to power) in the pictures. Good stuff!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

The Zack;769504 wrote:
The clan with the best history in the entire Somali Peninsula have finally decided to come together and claim their land. The forefathers of these people keep the Somaliness and the Muslimhood alive since the 1800's.

 

They have every right to create their own mini state until a strong central government is built.

 

VIVA SSC!

 

P.s. I see Abdikarim (The brain behind everything the TFG have accomplished since Shariif Canbe came to power) in the pictures. Good stuff!

Inaadeer Zack, thank you for your support

 

VIVA SSC, VIVA ONLF/Western Somalia, and VIVA United Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Why do they al have a bikoorad? These guys caadi maha, real trendsetters. Soon every Somali clan will organize a polititcal clan shir in the country and all politican will wear traditional clothes, the decade's of the black suits and tie is over I tell ya. :D

 

P.S. I see one of my best friends from SL in the picture's. I think he might be a spy for Siilanyo, someone should give a warning to Ali Khaliif.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this