Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Axmed Naaji Sacad arrives in Muqdisho

Recommended Posts

Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay.

 

Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa.

 

Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.

 

waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.

 

Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Fanaan Axmed Naaji Oo Xamar Yimid

Submitted by SONNA on Wed, 12/21/2011 - 16:02

DaabacoSaaxib u ***

 

Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa maanta sidiiran loogu soo dhaweeyay fanaanka qaran ee Soomaaliyeed Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad oo tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya aan soo caga dhigan gayiga Soomaaliya.

Mu’alif, Mulaxamiiiste, Al Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa marki diyaaradi siday ay kasoo degatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa halkaa kusoo dhaweeyay Shacab jadbeesan una qiireysan imaanshaha fanaanka oo booqashadiisa kadhigan shumac nabadeed oo dib uga soo iftiimay Magaalada rabshadaha ragaadiyeen ee Muqdisho.

Fanaanka ayaa lagu wadaa inuu astaan unoqdo dib unooleenta fanka Soomaaliyeed iyadoo lafilayo in kulamo kusaabsan wacyigalinta bulshada uu laqaato guud ahaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed.

Axmed Naaji Saacad oo kamid ah tiirarka fanka Soomaaliyeed ee xiligaani nool ayaa tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya uusan marnaba ka caajisin wacyi galinta bulshada isagoo koox loogu magac daray nabada ka aas aasay Dalka Yeman halkaasi oo fanaanka xarun u aheyd.

Axmed Naaji Sacad oo heeso badan oo kiciya quluubta shacabka sameeyay, sida, “Eebow Unukoo Nabadaa”, Allow Baal Naga Gey Wixi Balaayo Buufihaayo”, iyo heeso kale oo xiiso badan .

Ustaad Axmed Naaji ayaa safarki muqdisho maanta kusoo gaaray ayaa kadhigan mdi taariikhi ah oo shacabka Muqdishana u ah yadadiilo nabadeed, Soomaalida qurbaha gaar ahaan fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed unoqon doonto Xusuus kuyasho mudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I am a fan of this amazing man... heso aad u wacan oo wadaniya ayuu si wanaagsan uu qaada..mashaallah! Hope he has a safe trip!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;766744 wrote:
Reer Naajo were our neighbors in Xamar Go reer Bilaajo Carab-a great singer and great Somali.

Really? I think you've might been neighbours with my mothers family lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

How come no sawiro from Xamar of his arrival still?

 

Axmed Naaji, along with Faadumo Qaasin (Eebba ha u raxmadee), waa fanaanka u daljecel ee Soomaalida. No question about it. For that, mudnaan weyn ayuu ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkooda jecel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this