Sign in to follow this  
General Duke

Somali President receives a warm welcome in Puntland, PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer sare ah Garoowe loogu soo dhaweeyey iyo Isaga & Faroole oo Warbaahinta lawada hadlay…..(Sawiro).

19. december 2011

 

Soo_dhowaynta_Shariif.jpg

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Ayaa Galabta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ee Garoowe halkaasoo ilaa saaka Waaberigii Boqolaal Dadweyne ah iyo Madaxda sarsare ee Puntland ay kusugayeen Islamarkaasna soo dhawayn heer qaran ah loogu sameeyey,

 

Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliyeed Shariif Sheekh Axmed waxaa maanta safarka ku wehelinayey Dhowr Wasiir iyo xildhibaano katirsan dawlada Soomaaliya Waxaana soo dhawayntiisa ka qaybgalay Madaxda Puntland oo uu uhoreeyo Madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa Hogaanka golaha Wakiilada, Wasiiro katirsan dawlada, Madaxda kale ee Puntland iyo xubno badan oo katirsan Puntland iyadoona ay ka qaybgaleen Boqolaal dadweyne ah oo watay Calanka Soomaaliya iyo kan Puntland adeegsanayeyna erayo lagu waynaynayo Midnminada iyo isku xirnaanta Soomaaliweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo Garoowe soo gaarey [Cod+Sawiro]

 

Updated:- 28 mins ago| 5 Commnets

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu horkacayo ayaa galabta kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda ugu sareysa Puntalnd oo uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole hor kacayo, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada, iyo dadweyne boqolaal qof gaarayey kuwaas oo dhamaantood garoonka yimi saacado kahor intii aanay wefdiga Shiriifku Garoowe soo gaarin.

 

Intii aan wefdigaas loo gelbin halka loogu tala galay in ay degaan ayaa waxaa si wadajir ah ay labada madaxweyne salaan sharaf uga qaateen Baambeyda iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland.

 

Waxayna labada Mas’uul si kooban Saxaafadda ugula hadleen gudaha Garoonka hadalkana waxaa ku horeeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuuna sheegay in wefdiga madaxweynaha Soomaaliya uu horkacayo la sugayey si ay uga qayb qaataan shirka wadatashiga ee dhowaan magaalada Garoowe ka furmaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this