Sign in to follow this  
Qandalawi

SOMALIA Conference, GAROWE, PUNTLAND

Recommended Posts

Somalia   

Abokor Omar;766751 wrote:
The pirates either want more money or more power, in short it's driven by nothing but vulgar greed. Nothing to applaud here..

The self confessed qabilist returns. How have you been?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadatashiga Soomaalida oo Garowe ka furmey

21 Dec 21, 2011 - 11:35:37 AM

 

GAROWEONLINE

 

Waxaa maanta Garoowe ka furmay shirkii wadatshiga dhinacyada somalida wajigii labaad,waxaana ka qayb-galay dhamaan dhinacyadii hore u saxeexay khariidad nabada (Road Map),kuwaasoo kala ahaa DFKM ah xukmuumad iyo barlaman ,Puntland,ahlusuna waljameeca iyo Galmudug,waxaa kele oo goob joog ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Somalia u qaabilsan Dr.Mahiga ,iyo wakiilo Beesha Caalamka ka socda .

 

Shirkan ayaa waxa hadalo ka soo jeediyey Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif , madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud,raysal wasaaraha DF Somalia Prof.Cabdiweli Maxamed Cali,gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo ergayaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Somalia uga wakiilka ah.

 

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr,Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shirkan ugu horayn ka hadlay ayaa jeediyey khudbad taabanaysay guud ahaan marxalada dalku marayo,hirgelinta qodobada shirkani khuseeyo sida dastuurka,dhisitaankii dawlada Puntland,marxaladihii Somalia soo martay 1960-2011,iyo talooyinka ku aadan qaabka loogu bixi karo xilliga kala guurka ah.

 

“Maanta waa malin taariikhi ah,umadda Soomaaliyeed waxay naga sugaysaa in shirkani ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah’’ ayuu yiri Dr.Faroole.

 

 

Waxa uu ku adkeyey nidaamka federaalka Somalia isagoo yiri’’ Federaalism ku,waxa weeyaan sida uu dhigayo axdiga kumeel gaarka ah shardi horudhac u noqonaya dhisitaanka dawlad Soomaaliyeed oo in badan la sugayey’’.

 

Madaxweyne Faroole waxa uu ka hadlay horumarka ay ku talaabsatey Puntland,sidoo kalena waxa uu xusey in nidaamka siyaasadeed ee axsaabta badan oo Puntland dhowaan u gudbi doonto.

 

Dr. Faroole waxa uu amaaney ciidamada nabad ileelineed ee Midowga Afrika AMISOM,waxana uu ugu yeerey Midowga Afrika iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in ay ogolaadaan ciidamo ka mid ah AMISOM in la keeno Galkacayo.

 

Dhanka burcad badeeda waxa uu sheegay madaxweyne Faroole in Puntland qorshaynayso dib u bilaabida tababarka ciidamada booliska badda Puntland.

 

‘’Anagoo daba joogna heshiiska aan lagalney DF Somalia 29,Aug,2011 kaasi oo ku jirey in la sameeyo ciidamada badda Puntland,Puntland Marine Police Force waxay timid ka dib qaylodhaan farabadan oo Beesha Caalamka ka soo yeertey taasi oo ahayd in amaanka la sugo,lana dhiso goobo lagu maxkamadeeyo’’ ayuu yiri Faroole.

 

Wakiilka Qaramada Midoobey Somalia Dr.Augustine Mahiga ayaa halkaasi isna kasoo jeediyey warqad uu ka keenay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Mon.

 

 

‘’Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey fariintiisu waxa weeyaan 1) Fulinta Qorshe Hawleedka (Road Map), 2) Dhamaystirka Dastuurka ‘’ ayuu yiri Dr,Mahiga oo sheegay in uu Addis aadayo isla galabta soona laaban doono beri galab.

 

Raysal wasaare DF Somalia Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ka soo jeediyey madasha shirka bayaan ku baxay luqadaha Somaliga iyo Ingriisi.

 

Waxaa uu mahadcelieyey Puntland dawlad iyo shacab sida ay u martigeliyeen shirka iyo masuuliyada ay iska saareen ilaalinta amaanka deegaankooda.

 

Prof.Gaas ayaa ku adkeeyey muhiimada ay leedahay federaalismku waxana uu ugu yeerey dhamaan Soomalida in ay si nabad gelyo ah u xalistaan khilaafaadka ka dhaxeeya.

 

‘’Shacabka Soomaaliyeed waxa uu naga sugayaa in aan dastuurka meel merino,waana xiligii ugu haboona oo aan ku dhaqaaqi lahayn arintaasi’’ ayuu yiri Prof.Gaas.

 

 

Dhankiisa ayuu mahad balaaran u soo jeediyey Puntland gudoomiyaha barlamanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan,waxana hadalkiisu u badnaa mid Soomaalida kula dardaarmayey in ay iscafiyaan la iskuna beer nuglaado.

 

‘’Dalkeenu in badan ayuu dhibaato ku soo jirey ,welina waa uu ku jiraa,waa in aan gacmaha is qabsano si aan u badbaadino dadkayaga’’ ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

Waxa sioo kale uu ku adkeeyey dhamaan dhinacyadii saxiixey Qoshe Hawleedka (Road Map) in ay fuliyaan qodobadiisa.

 

 

Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu danbeyntii lagu soo dhaweyey hadalka waxana uu bilawgii Puntland uga mahadceliyey martiqaadka ay Somalida u fidiyeen.

 

‘’Waxan ku faraxsanahay sida Puntland ay ku dadaashey sugida amaankeeda,waxaan i farxad gelinaya inaan ka qaybgalo shirkan’’ ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

 

Shariif Shiikh Axmed madaxweynaha Somalia waxa uu soo hadal qaadey khilafka barlamanka Somalia soo kala dhex galay dhowaan’’ Waxaa wax laga xumaado ah in isqabqabsi barlamanka dhexdiisa ah uu banaanka usoo baxo,waxaa jira qorshe horey loogu socdo,Somalia waxay u baahantahay dastuur suurtoglana noqon mayso dawlad aan dastuur lahayn’’ ayuu yiri Shiikh Shariif.

 

 

Shirkan maanta ka furmey Garowe xarunta dawladda Puntland ayaa dib u dhacay dhoor jeer oo lagu balansanaa qabsoomidiisa,waxana uu socondona ilaa 23-bishan iyadoona la filayo in uu maalinta beri ah si rasmi ah loo guda galo doodaha iyo soo bandhigida afkaarta kala duwan ee ay qabaan kasoo qaybgalyaashu.

 

Horraantii September2011 ayaa waxa magaalada Muqdisho ka dhacey wejigii hore ee shirka wadatashiga Somalida,waxana uu ka koobanyahay qodobada laga wada hadlayo Amaanka,Dastuurka,Dib u heshiisiinta iyo Dawlada wanaaga.

 

Halkan ka dhageyso dhamaan khudbadihii madaxda maanta

Share this post


Link to post
Share on other sites

You never know when the calamity that has ravaged the Somali people for more than 40 years with their own hands is coming to an end. Let us hope that the Almighty will bless this gathering so that the Somali leaders will rise to the occasion and work for peace and justice for all. We ask Allah, The Almighty by His Beautiful Names and Lofty Attributes to remove the calamity from the Somali nation. He is the One able to do so, the All-Capable, Amen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this