Sign in to follow this  
Somalina

The Xisbullah party leader jailed in Hargeysa

Recommended Posts

Somalina   

xizbullah.jpg

 

 

Isniin, December 19, 2011 (HOL) − Guddoomiyihii urur Diimeedka XISBULLAH Sh. Maxamuud Cabdilaahi Geelle, ayaa ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen.

 

Ilaa hadda lama sheegin sababta loo xidhay, isla markaana xukuumaddu Somaliland wax war ah oo ku aadan xadhigiisaasi kama soo saareen, haseyeeshee waxa la sheegayaa in xadhigani ka dambeeyey ka dib markii uu ku dhowaaqay urur Diimeed la yidhaa XISBULLAH, taas oo dareen ku dhaliyey Xukuumadda iyo inta badan dadweynaha Somaliland.

 

Mar aanu maanta isku daynay in aanu ku booqano xabsiga ayaanay noo suurtogalin ka dib markii la noo diiday in aanu booqano qolka uu ku xidhan yahay.

 

Sheikh Maxamuud Geelle oo laba maalmood ka hor waraysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in aanu ka hadhayn mabdi’iisa ah in shareecada islaamka lagu dhaqo dalka, isla markaana aanu ka hadhayn xiitaa haddii la xidho.

 

Sheekh Maxamed guddoomiyaha ururka Cusub ee XISBULLAH ayaa inta badan Diinta bara hooyooyin badan oo aan hore wax usoo baran iyo Ragga waaweyn oo aan iyaguna hore aqoon diineed oo badan lahayn, waxaanu guud ahaan madarasado ku leeyahay xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, waxaanu dadka inta badan wax ku baraa si bilaash ah oo aanu dadka wax ka qaadan, waxaana taageerayaasha ugu badan ku dhex leeyahay dumarka, maadaama oo uu macalin quraan yahay.

 

Sheekh Maxamed ayaa hore waxa dhawr jeer u xidhay xukuumadihii kala horeeyey ee Somaliland iyo dawladii ugu dambaysay ee Soomaaliya ee Siyaad Bare, waana sheikh ku ad-adag mabdi’iisa, isla markaana hadalo cad cad oo aan gabasho lahayn ka jeediya masaajidada, isagoo inta badan dhaliila xukuumada iyo siyaasiyiinta.

 

Guddoomiyaha ilaa hadda lama geyn maxkamadda, lamana garan karo inta lahayn doono, haseyeeshee, ururkan xisbullah ee uu ku dhawaaqay ayaa noqday waxyaalaha loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, isla markaana meelaha la iskugu yimaado lagu hadal hayo ama lagu doodaa, iyadoo dadkuna ku kala aragti duwan yihiin ururkan..

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

3 days ago

----------------

 

 

Jimco, December 16, 2011 (HOL) − Gudoomiyaha urur diimeedka cusub ee Xisbullaahi Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle ayaa ka jawaabay eedeen ay usoo jeediyeen ururkiisa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxaanu sheegay in wasaaraddu haddii ay dalka diin uga masuul tahay ay wax ka qabato dad uu sheegay inay diinta ku baadhaan oo ay dad lacag ku baraan iyo kuwa suuqa Diinta ku caaya.

 

Sheekh Geelle waxa kale oo uu iska difaacay eedo loo soo jeediyey oo ah inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha Soomaaliya ka dagaalama, waxaanu dhaar ku maray in aanu shaqo ku lahayn, balse uu yahay kaliya shakhsi u kacay kor u qaadida shareecada islaamka oo uu sheegay in xukuumadihii kala dambeeyey ay ku xidheen, isla markaana aanu daynayn ilaa uu ka god galayo.

 

urur Diimeedkan XISBULLAH Sheekh Geelle waxa uu sidaas ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta, isagoo jawaab ka bixinaya hadalkii ay ku dhaliileen wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta, waxa uu yidhi. "Wasaaradda Diinta iyo Awqaafto hadii ay Diinta ka shaqaynayso dadka ha ka qabato dadka kuwa dhiig miratada ah ee dadka diinta ku baadhanaya, hadii ay Diinta ka shaqaynayaana waxay wax ka qaban lahaayeen maalin walba Suuqa ayaa Diinta iyo ILAAHAY lagu caayaa" ayuu yidhi.

 

waxa uu intaas ku daray: "Waxay leeyihin Dalka ayaanu Diinta uga wakiil nahay, miyey shareecada islaamka ku xukumaan, Nimanka Timo weynta ah ee hadlayna waxaan leeyahay Siyaaradiinna iska gurta awalba, Gofane dadka ku nool ayaad ahaydeene" ayuu yidhi.

 

Sheekh Geelle waxa uu xusay in aanu ka hadhin ilaa uu ka midho dhaliyo hadafkiis: "Ballan Waxaan ku qaadayaa ilaa ay Shareecadu Guulaysato ama aan ka dhimanayo inaanan Bun ka dhimin, Umadana Qaanuunka ha lagu Xukumo ayaan leeyahay oo Qaanuunkan Badilka ah ee aad Samaysateena ka daaya, taas ayaana la igu Xidhayey Ilaa Siyaad Barre"

 

"Waxay leeyihiin waa la xidhayaa annagu xadhig kama baqanayno ilaa Siyaad Barre ayaa la is soo xidhayey, xadhigna kuma daynayno u shaqaynta Diinta islaamka, Xukuumadduna Bal hadii ay rag yihiin shareecada Islaamka dadka ha ku xukumaan Car," ayuu yidhi Sheekhu.

 

Isagoo ka hadlaya inuu xidhiidh la leeyahay ururada Soomaaliya ka dagaalama iyo in kale waxa uu ydhi " Waxaan dhaar ku marayaa oo Wallaahi Billaahi ah inaanaan waxba ugu jeedin Ururka Xisbullaahi, Xidhiidh aanu la leenahay Ururda Hubaysan ee saska laga qabana haba yaraatee ma jirto, waana ka soo hor jeednaa, Dadka na leh waxay wadaan dhibaatana waxaanu leenahay ma Diinta ayaad ka Xun tihiin maxaad uga boodeen Ururka Xisbullaahi, waa Urur Diinta ka shaqaynaya" ayuu ku soo xidhay hadalkiisii.

 

Urur Diimeedkan Xisbullah ayaa toddobaadkan horaantiisa lagaga dhowaaqay magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in dalka lagu xukumi doono shareecadda Islaamka, haseyeeshee xukuumadda Somaliland ayaa ururkan ilgaar ah ku haysa, waxaana la sheegayaa in wasaaradda arrimaha guduhuna ku hawlan tahay sidii loo xidhi lahaa, madaama oo wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna ay sheegtay in aanay ururkaasi waxba kala socon, isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

 

Sheekh Geelle ayaa dhawr jeer oo hore ay xidheen xukuumaddii Daahir Rayaale ka dib markii uu si kulul ula hadlay xukuumadda, taas oo ay ku eedeeyeen inuu kicinayo dadweynaha.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;766018 wrote:
Very unfortuanate.

 

He was jailed on constitutional grounds. Religion-based parties are banned in the constitution of Somaliland. It creates the silly and problematic question of who's more of a Muslim in a 100% Muslim society.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nobody is above the law, not even religious party's...

End of matter...

 

Btw, people need to understand the difference between being arrested and being found guilty. When one breaks the rule of law, one will be arrested and charged by the long arm of law, something thats obviously alien to the residence of lawless Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Full disclosure, Im not from SL, but how is such a law justified?

 

For proponents of the law. Do you think there are no grounds under which such a party can compete in the political process? For example do you think the likes of the Ikhwan etc should be banned in places were they succesfully have contested elections like Tunisia and Egypt? If the party is willing to contest elections, is not violent, what is the problem?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ The Xisbullah leader said he is not taking part of the elections i think he misunderstood democracy or maybe you did if you are not playing by the rules than there is little we can do to help you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this