Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Yaa isxoreynaayo, oo isa sharaxaayo

Recommended Posts

Gabdho Culumada Weydiistay Rag Wanaagsan oo Guursada

 

Masaajidda Abuukar Sadiiq iyo Al Hiddaaya ee ku yaalla xaafadda Nairobi ee caasimadda Dalka Kiinya, ayaa waxaa ka dhacday arin ku cusub guud ahaanba dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaana dareenka bulshada Nairobi oo ahayd in Gabdho Soomaaliya oo kuu xiran qaar kamida masaajiadda Nairobi ay culimada Weydiisteen rag wanaagsan oo guursada.

 

Labada masaajid ee ugu waaweyn xaafadda ay Soomaalidu ka deggan tahay caasimadda Nairobi ayaa waxaa todobaadyadanba ka socday Barnaamijyo lacago tabarucaadda loogu aruurinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu iyo cooladaha isugu darsameen, waxaana lacagahaasi loo aruurinay qaab ay culimada masaajiddu u bandhigayeen dadka kusoo tukada halkaasi, kadibna la qorayay qiime kasta oo lagu tabaruco.

 

 

Iyadoo ay si wanaagsan ku bilaabatay tabarucaaddu islamarkaana ay Soomaalidii kusoo tukatay masaajiddu ay si fiican uga qeyb qaadatay ayaa waxaa hal mar lagu baraarugay arin ku cusbayd masaajidka islamarkaana waxoogaa yaab ah ku beertay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan caasimadda Nairobi gaar ahaana kuwii wakhtigaasi wax la aruurinayay ku sugnaa Masaajidka.

 

“Waxay ahayd wakhti masaajidka lagu soo tukaday islamarkaana wax loo aruurinayay walaalaha Soomaaliyeed ee ay abaaraha iyo colaadu isugu darsantay, waxaana uu qor walba sheegayay waxa uu sadaqadaas amaba tabarucaadaas ku darsanayo, waxaase xoogaa markii ay arintu socotay oo dhaqaale fiican la aruuriyay hal mar masaajidka laga maqlay arin ku cusbayd Soomaalida sidaasi waxaa Horumar Online u sheegay Cabdi Yare oo ka tirsan dadka ku tukada masaajidka Abuukar Sadiiq ee ku yaalla wadada 6th Street ee u dhaxeeya Second Ave iyo First Ave.

 

Waxa uuna Cabdi Yare intaasi ku daray in warqad lagu soo qorayay lacagaha lagu tabarucayay ee qeybta gabdhaha loo geeyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo isagu markaasi aruurinayay lacagaha tabarucaadda ah, waxaana warqadaasi ku qornaa lacagaha lagu tabarucayay iyo iney gabadhahaasi u baahan yihiin rag wanaagsan oo ay nolosha la wadaagaan.

 

Markii Sheekh Umal warqadaas loo keenay ayaa waxaa hal mar arintii ku baraarugay walaalihii muslimiinta ahaa ee masaajidka kusoo tukaday qeybna ka ahaa lacagihii la aruurinayay, iyadoo Sheekhuna uu si dheer uga sheekeeyay arintaasi.

 

Cabdi Yare ayaa Horumar Online uga warbixiyay qaabkii uu Sheekh Umal uga sheekeeyay arintaasi, waxa uuna Yiri markii uu Sheekhu Warqadda gabadhaha ka timid akhriyay ayuu waxa uu u soo gudbiyay Raggii masaajidka ku tukanayay, si loo helo rag dhalinyaro ah oo diyaar u noqon kara iney nolosha la wadaagaan gabadhaha walaalaha Soomaaliyeed ah ee ka cawday guur la’aanta codsadayna in lala raadiyo rag wanaagsan oo ay Nolosha la wadaagaan.

 

“Arinta ugu naxdinta badnayd ayaa waxay ahayd in wiil yar oo aad dhalainyaro ah u ah laga helay kaliya inuu diyaar u yahay ka jawaabidda codsigii gabdhaha isagoo farta taagay isla markaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu nolosha la qeybsado qofta uu ilaahay uga dooro, gabdhaha guurka soo codsaday” Sida uu xaqiijiyay Cadi Yare oo masaajidka wakhtigaasi ku sugnaa.

 

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si dheer uga faalooday in dalalka Islaamku ay leeyihiin xafiisyo arimahan oo kale u qaabilsan, kuwaasi oo u xilsaaran iney isu guuriyaan dadka wanaagsan ee guur la’aantu ay ku dhacday, isagoo sidoo kalana xusay in dadka noocaasiya la isugu darro koox koox markii la fiiriyo qaar kamida xafiisyada ka furan dalalka Islaamka, waxa uuna Sheekhu tilmaamay in loo baahnaan lahaa in Masaajidka 6-ka laga furo xafiis arimahaasi qaabilsan, si fursad loo siiyo dhalinyarada islaamka ah ee jeclaan lahaa iney Nolosha wada qeyb sadaan isla markaana ay is guursadaan. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in arintan arin la mida ay ka dhacday masaajidka Markazul Hiddaaya ee ku yaalla wadada Jaam Street ee xaafadda Islii oo isagana laga aruurinayay lacago tabarucaadda oo loogu tallo galay abaaraha ka jira Geeska Afrika gaar ahaana Soomaaliya iyo xeryaha Qaxootiga Dadaab, taasi oo iyana si lamida qaabkii hore ay gabdhuhu u codsadeen rag wanaagsan oo guursada. Gabdhahan guurka codsaday ayaa la tilmaamayaa iney yihiin gabdho dhalinyaro ah oo kamida dadka sida joogtada ah u yimaada isla markaana duruusta dhinaca diinta ah kala socda masaajiddan, iyadoo ay gabadhuhu codsadeen rag wanaagsan oo nolosha la qeyb sada. Arintan arin lamida ayaa kal hore laga soo sheegay masaajidka Abuubakr sadiiq ee ku yaalla Gobolka Minnesota ee Soomaalida ugu badani ay ka deggan tahay dalka Mareykanka, kaasi oo la tilmaamay in Gabdhaha iyo wiilasha guurdoonka ahi ay iska diiwaan galiyaan isla markaana laga reebo lambarada taleefanadooda iyo cinwaankooda, si kadib loogu xiro ruuxa guurdoonka ah ee u qalma. Waxay arintani noqonaysaa mid ugub ah oo ku cusub bulshada Soomaaliyeed oo kamida bulshooyinka ku dhaqma diinta islaamka, haddana waxaa hubaala in dalalka Islaamka qaarkood ay arimahan oo kale u furaan xafiisyo qaabilsan dhalinyarada guurdoonka ah isla markaana isugu guuriyaan koox koox, si ay nolosha u wada qaybasadaan.

 

Haddaba hadii aad diyaar u tahay in laguugu xiro Gabdhaha Guurdoonka ah Nala soo Xiriir

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

Ceeb maaha taasna! I hope they find nice somali men.

 

alot of people have shaki from introductionkaas, balse you got to meet the man somewhere, be it through family, friends, jidka, buska or clubka

 

masaajid yaaba heli karo

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Excellent point. This is a noble idea and something that is greatly missing from the psyche of the Somali community, incredibly it is seen as a taboo, Guur Xalaal ah! When all kinds of other immoral behaviors have become the norm in the Somali dictionary. In fact all other communities Muslims and non Muslims have the service except the uncivilised nomads that see this as ceeb. The Pakistanis, Indians, all Asians and the Arab as well as all forms of western dating agencies.

 

Gabar guud doon ah waa gabar sharaf leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this