Sign in to follow this  
Dr_Osman

Horn Cable Journalist Slain In Morguedishu

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xiis-300x225.jpg

 

Wariye ka tirsanaa TV-ga Horn Caple oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho

 

Updated:- 37 mins ago| 0 Commnets

 

Nin ku labisnaa dareyska ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya ayaa galabta si bareer u ugu toogtay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho wariye C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo ka tirsanaa TV-ga ku hadlo afka Soomaaliga ee Horn Caple.

 

Marxuumka oo si weyn loogaga yaqaanay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ninka dilay uu rasaas madaxa kaga dhiftay xilli uu gaari uu watay wariyaha ku baarkimayey dhismo u dhaw Hotel Madina ee degmada Xamar Jajab.

 

Goobta lagu dilay waxa ay in yar u jirtaa xafiiska TV-ga Horn Caple ee magaalada Muqdisho, waxaana isaga oo dhaawac ah C/salaan Xiis laga qaaday goobta, hase yeeshee waxa uu dhintay daqiiqado kadib.

 

Alla ha u naxariistee Xiis ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berito ah lagu aaso magaalada Muqdisho.

 

Waa warihi ugu horeeyey ee sanadkaan sii dhamaanaya lagu dilo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;765839 wrote:
I hope the somaliland folks learn that your battle is with mogadishu and dahir calasow

What's that supposed to mean?!

 

 

Horn Cable Journalist Slain In
Morguedishu

Is that remark an insult to our Capital city?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

If you mean mogadishu yes that was our capital city when it was a diverse peaceful city today how-ever morguedishu is not a capital city but a city of special interest groups

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Dr_Osman;765839 wrote:
I hope the somaliland folks learn that your battle is with mogadishu and dahir calasow

What has this killing to do with sl?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;765839 wrote:
I hope the somaliland folks learn that your battle is with mogadishu and dahir calasow

Adigana Ilaahay ha kuu naxariisto ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Wasiira-wasaaradd.jpg

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: "Baaritaanno ayaa socda oo lagu soo qabanayo kuwii ka dambeeyay dilka Weriye C/Salaan Xiis si sharciga loo soo taago"

 

Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn ayaa ka hadlay dilkii weriye C/Salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo shalay kooxo dareyska ciidamada gashan ay ku dileen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Wasiirku sheegay in dilka weriyaha baaritaanno loogu jiro kooxihii ka dambeeyay oo uu sheegay in si degdeg ah loo soo qabanayo isla markaana sharciga la soo taagayo.

 

Isagoo ku hadlayay codka Dowladda KMG ah ayuu sheegay inuu si weyn uga xun yahay dilka Weriyihii Telefishanka Horncable ee magaalada Muqdisho C/Salaan Sheekh Xasan Xiis oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda ku dilay magaalada Muqdisho.

 

"Baaritaanno ayaa socda oo lagu soo qabanayo kuwii ka dambeeyay dilka Weriye C/Salaan Xiis si sharciga loo soo taago" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilalka iyo tacadiyada loo geysanayo Warfidiyeenada.

 

Dhinaca kale Md. Jaahweyn ayaa tacsi u diray dhammaanba ehelada weriye C/Salaan Xiis iyo bahda saxaafadda Muqdisho, isagoona sheegay in dhacdadii shalay lagu dilay weriyahaasi, wuxuuna caddeeyay in dowladdu gacan bir ah ku qaban doonto kuwii ka dambeeyay iyo kooxihii soo abaabulay falka lagu khaarajiyay weriyaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this