Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab strikes back in Baardheere

Recommended Posts

Al Shabab oo gantaalo ku tuuray diyaarad maanta duqeeysay Baardheere

 

Xarakada Al Shabab ayaa marki ugu horeysay gantaalo iska caabin ah ku tuuray diyaaradaha dagaalka Kenya ee maalmihi ugu danbeeyey beegsanayey magaalooyinka ay ka taliyaan Al Shabab.

 

Laba diyaaradood oo ah kuwa miiga ah ayaa maanta duqeeyey magaalada Baardheere mar kale, weerarki maanta waxa uu ahaa kii labaad ee ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku qaadaan Baardheere kadib duqeynti Khamiisti.

 

Idaacada Andalus ee ku hadasho codka Al Shabab ayaa laga baahiyey in ay ku fashilmeen Kenya weerarki cirka ahaa ee ay ka fuliyeen maanta Baardheere, waxa sarkaal u hadlay Al Shabab uu sheegay in ay ku tuureen gantaalada lidka diyaaradaha isla markaana ay ku qasbeen in ay diyaaradaha dib uga laabtaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Gantaaladi maanta ay ku garaaceen diyaaradaha Kenya magaalada Baardheere ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xarunta hey’ada Bisha Cas ay ku leedahay Baardheere, halkaasi oo uu ku dhaawacmay hal ruux oo rayid ah.

 

Weerarki Khamiisti hore ka dhacay magaalada Baardheere ayaa ka qasaara badnaa kii maanta sida ay sheegeen dadka deegaanka, weerarkaasi waxaa ku dhintay hal ruux halka uu qof kale ku dhaawacmay.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

This was air bombardment of Red Cross center for IDP in the city today.

 

Gabar 5 jir ahaa ku dhaawacantay – alaha u fududeeyo iyada iyo qoskay ka dhalatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this