Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Unfortunate Killing in Ceel-Bardaale

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) – Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay saddexdii qof ee lagu dilay deegaanka Seemaal ee u dhaxeeya Baki iyo Gabilay.

 

Taliyaha ciidamada qaranku waxa u tacsi u diray ehelada ay ka baxeen saddexdii qof ee lagu dilay Seemaal, waxaanu tilmaamay in falka dadkaasi lagu laayey uu ahaa mid bani-aadaminada ka baxsanayd, isaga oo xusay inuu aad uga xun yahay.

 

Nuux Ismaaciil Taani oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa soo qaaday eedaymo ay u jeediyeen qaar ka mid ah madax-dhaqameedka saddexdii qof ee lagu dilay deegaanka Seemaal, waxaanu sheegay inaanu dilka saddexdaa qof wax lug ah ku lahayn “Marka hore waxa aan tacsiyadeynayaa ehaladii ay ka baxeen dadkii dhawaan lagu dilay Tuuladda Seemaal.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Runtii waxa uu ahaa fal ka fog bani´aadamnimadda.”

 

Taliyaha guud ee ciidamada qaranku waxa uu sheegay inuu falkaasi ka xun yahay wax lug ahna aanu ku lahayn “Waxaan shacabka reer Somaliland guud ahaantiiba aan u sheegi lahaa in falkaas aan aad uga xumahay wax lug ahna aanan ku lahayn”ayuu yidhi Taliye Nuux Ismaaciil Taani.

 

Nuux Taani waxa uu sheegay in uu Maxkamadda u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Maxamud Axmed Barre Garaad oo ah Xubin sharaf ka tirsan Golaha Guurtida oo uu sheegay in uu Idaacadda VOA-da ka lahaa hala khaarajiyo Nuux

 

Sidoo kale waxa uu Suldaan Saleebaan Ismaaciil Cali ku tilmaamay inuu yahay Xumaan doon dhawr jeer oo horena ay is qabteen oo Eedo uu u soo jeediyay markii danbe u dhaceen sidii uu isagu ku doodayay. Waxaanu sheegay wararka uu faafinayo ee uu ku doonayao inuu Sumcada kaga dilo aanay waxba ka jirin ee uu garanaqyo halka uu u socdo.

 

Nuux Taani waxa uu sheegay Nimanka dhintay labada is dhalay inuu Suldaanka isagu ka xigo oo ay il-maabtiyadii yihiin Dad Beeralay ah oo aan waligood-na kala tagayn yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa-(HWN)-La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ay ciidamada ammaanku shalay xidheen ayaa ka hadlay sidii uu ku tagay xarunta Dambi baadhista oo uu ku xidhanyahay.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Abiib loo haysto tuhun la xidhiidha dilkii foosha xumaa ee habeenimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan ka dhacay deegaanka Seemaal ee deegaanka Ceelbardaale. Laakiin Abiib Timacad, oo markii uu shalay tagay xarunta CID-da ee uu ku xidhanyahay la hadlay weriye ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inaanu wax lug ah ku lahayn dambigaas, waxaanu sheegay inuu isagoo baabuurkiisa wata tagay xarunta CID-da, Waxa ii yimid laba wiil oo dhallinyaro ah, waxaanay igu yidhaahdeen waa lagu doonayaa, dabadeedna anigaa idinka daba imanaya ayaan idhi. Ayuu yidhi Abiib, waxaanu intaas raaciyay, Dabadeedna anigoo gaadhigayga wata ayaan tagay xarunta CID-da, waxaana la igu yidhi waa laguu imanayaa ee halkaas fadhiiso welina waan fadhiyaa oo waxaan sugayaa in la ii yimaado.

 

Abiib Timacad, wuxuu cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal, isagoo ku baaqay in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ciddii ka dambaysay, Waxaan cambaaraynayaa dilkaas foosha xun ee ka dhacay Seemaal, waxaanan cid kasta oo reer Somaliland ah ugu baaqayaa in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ciddii dilkaas ka dambaysay. Ayuu yidhi.

 

Abiib, oo la weydiiyay waxa uu aaminsanyahay in loo haysto, wuxuu yidhi, Aniga weli waxba la iima sheegin, laakiin nin weyn ayaan ahay oo waxaan dareemayaa in la igu xidhiidhinayo dilkaas, waxaanan cadaynayaa inaanan wax lug ah ku lahayn islamarkaana aanay jirin sabab aan uga shaqeeyo dilka qof bini-aadam ah. Waxaanan sugayaa bal marka la ii yimaado iyo waxyaabaha la I horkeeno.

 

Baraha internetka qaarkood ayaa baahiyay in Abiib Timcad lala xidhay cid kale oo qoyskiisa ka tirsan, laakiin ma jirto cid ka tirsan qoyskiisa oo la xidhay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;763952 wrote:
Killing of three people in Somaliland is such big news ,,,,,,

For writing this you're wrong on so many levels, im speechless of what to say.

Wallee way duushay
:D

what? have i missed something or what? what has duushay? wake me up man, the day you get recognized by Djibouti hahaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kalena Wasiirka arimaha gudaha Md Duur oo shalay shr-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay qabteen dad beelo waayeel u ah, ka dib markii ay ka soo bixi waayeen kaalintoodii isla markaana ay maanta Ergooyin labada dhinac ah ku kulmin doonaan Dilla “Waxaanu wadnaa in nabad la gaadho, maantana (shalay) waxaanu is-aragnay odayaasha labada dhinac daraf ka mid ah oo xafiiska ayaanu ku qaabilay, waxaanu isla garanay in nabada loo gurmado, waxaanu isla garanay in dhaawac iyo dhimasho inagu soo socdaa aanu waxba tarayn, waxaanuna u balanay bari oo khamiis ah (Maanta) inaanu isugu tango Magaaladda Gabiley, sidoo kale wefti wasiiro ah waxaanu diray Magaaladda Boorama oo la kulmay waxgarad badan oo dhinac kale ka soo jeeda, waxayna isla garteen in nabadgalyada laga shaqeeyo, iyagana bari (maanta) ayaanu ku balan-sanahay Magaaladda Dilla” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaanu wadnaa nabad ilaalintii, waxa kale oo aanu wadnaa in dadkii qoryaha qaatay markii dhacdada hore dhacday in ciidankii dhex taagnaadaan oo aanu fal dambe dhicin, sidoo kalena waxaanu wadnaa in odayaashii iyo dadkii wanaagsanaa ee labada beelood ka shaqeeyaan nabada lana dejiyo dadkii ka kacaayda hore ku kacay, sidoo kale waxaanu qabqabanay dad, dadka aanu qabqanay waa laba qaybood, qayb waa dad masuuliyiin ah oo taliyayaal ah oo reeraha waayeel u ah, marka reerkii uu waayeelka u ahaa fal geysto waajib ayaa fuulaya, haddii uu waajibkiisii qabsan waayo waxay noqonaysaa in la qabto oo nabadii loo xidho, waxa kale oo aanu xidhnay dad fidmadan iyo mid horeba loo tirinayo, iyagana baadhis baa ku socota, waxa kale oo aanu xidhnay dad warbaahinta ka faafiyey erayo colaadeed oo dhiirigalinaya colaada, gacan ku dhiigle ayaa jira, laakiin kuwaasi waa afku-dhiigle.”

 

Wasiirka arimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay “Cidii falkaasi wax ka geysatay meel kasta oo ay tagaan iyo wax kasta oo noqotaba gacanta ayaanu ku dhigaynaa, qaarna waanu haynaa oo baadhisbaa socota, kuwa laga shakisan yahay ee hadda dhuumaalaysanayana waanu qaban doonaa, nabada ilaalinteedana looga tudhi maayo nin weyn, nin magac lehna looga baydhi maayo, mid caan ku ah balaayadana looga baqi maayo walaahi.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Eedaysanayaal ayaanu haynaa, haddii dambigaasi ku cadaadana dambiilayaal ayay noqonayaan, waxaanuna haynaa kuwo falkaasi gacan ka geystay sida aanu wararka ku hayno.”

 

Dr Duur waxa uu tilmaamay inay deegaanka Seemaal geeyeen ciidamo boolis ah oo faro badan “Meeshaana waxaanu gaadhsiinay ciidan aad u badan oo boolis ah, kaas oo ah ciidan aad u qalabaysan oo watta gaadiidka gaashaaman, labada dhinacna waxaanu ka codsanaynaa in si wanaagsan loola shaqeeyo booliska.” Ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabiley (GNS)-Laba Wasiir oo ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo kala ah Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar iyo labada Taliye Ciidan ee Qaranka Gen.Nuux ismaaciil Taani iyo Gen.Maxamed Saqadhi dubad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha C/laahi xuseen Cige (Black) ayaa kulan Albaabu u xidhanyahay kula yeeshay Madax dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley xarunta Maamulka Gobolka.

 

Kulankaasi oo aan loo oglayn Warbaahinta ayaa la filayaa in lagaga wada hadlay Arimo ku saabsan dilkii Foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay Deegaanka Seemaal oo ka tirsan deegaamadii shaqaaqada Ceelbaraadle ka dhacday iyo sidii Madax dhaqameedka iyo Xukuumada somaliland iska kaashan lahaayeen in la soo qabto Gacan ku dhiiglayaashii gaystay dilkii Waxshinimada lahaa ee ka dhacay Deegaanka seemaal.

 

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Gobolka Gabiley iyo Taliska Ciidanka Booliska, kuwaasi oo la sheegay in ay soo gudbiyeen Baadhis ay sameeyeen iyo halka ay marayso hawsha daba galka ay wadaan ee ay ku Baadi goobayaan Cidii ka danbaysay Falkii Foosha xumaa ee ka dhacay Deegaanka Seemaal.

 

Kulankaasi oo Saacado qaatay ayaa markii laga soo baxay waxaa Warbixin kooban warbaahinta ka siiyay Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.maxamed C/laahi Cumar waxaana uu sheegay in ujeedada kulankani ahaa sidii Xukuumada iyo dadwaynaha reer Gabiley iskaga kaashan lahaayeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaashii gaystay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka seemaal, Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta waxaanu halkan u Nimi waa Dhacdadii ceelbardaale ee dhibaatada dhimasho lahayd si aanu ugala hadlano Cuqaasha, Waxgaradka iyo salaadiinta Gobolka Gabiley, sidii arintaa loo soo afjari lahaa cidii fal danbiyeedkaa samaysayna aanu usoo qaban lahayn, shacabkuna ay gacan uga gaysan lahaayeen oo ay Xukuumadda ka caawiyaan in dadkaa la qabto, waxaa kale oo aan jecelahay inaan dadka halkan uga cadeeyo in Cuqaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo maamulka Gobolka Gabiley in ay dhamaantood aad uga xunyihiin dilkii Xumaa ee ka dhacay Seemaal”

 

Wasiirka oo faahfaahin ka bixiyay Nuxurka kulan dhex maray Xukuumada iyo Madax dhaqameedka Gabiley ayaa sheegay in Shacabka, Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Gabileyba ay Cadeeyeen in ay Gacan ka siinayaan sidii loo soo afjari lahaa Shaqaaqadda iyo Xasilooni daradda ka taagan Deegaanka Ceelbaradaale isla markaana ay hoosta ka Xariiqeen in ay Diyaar uyihiin in ay Gacan ka gaystaan sidii loo soo qaban lahaa ciddii ka danbaysay Falkii foosha xumaa ee Fidnada ka dhex Abuuray Bulshadda Walaalaha ah ee Labada Gobol.

 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr.maxamed C/laahi Cumar ayaa Baaq Nabadeed u diray Bulsho waynta ku dhaqan Goboladda Awdal iyo Gabiley isaga oo ku booriyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Deegaanadda Dhibaatadu ka dhacday isaga oo kula dardaarmay in aan si naxli leh looga hadal arintaasi, Wasiirku waxa kale oo uu Baaq usoo jeediyay saaxafada Somaliland oo uu sheegay in ay Masuuliyadi ka saarantahay arintaasi sidii ay Nabadaynteeda uga qayb qaadan lahaayeen.

 

Kullamada Xukuumada, Taliska Ciidamadda iyo Madax dhaqameedka Gabiley ayaa ilaa galabta socoda kuwaasi aan la garanay illaa hadda halka ay marayaan Wada hadalada iyo Baadhitaanadda lagu raad guraya Danbiilayaashii gaystay dilkii seemaal iyada oo ay wali xidhanyihiin Sh.Maxamuud Sh.Muxumed Raage iyo Lix Caaqil oo ka mid ah Madax dhaqameedka Gabiley iyo waliba Xubno kale oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Salaadiin oo ay ka mid yihiin Suldaan Xuseen Aw Muuse iyo La Taliyihii Madaxwaynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this