Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta u dukaameysi tegay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dukaameysi tegay Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn suuqyada dalka isla markaana ay dowladdu dib u howlgelisay kadib markii waqti kooban uu hakat galay howlihiisii ganacsi.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen saraakiisha Booliska iyo kuwo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu socod ka bilaabay wadada labaad ee suuqa Bakaaraha isagoo kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo ka mid ah shirkaddaha Telefoonada, wuxuuna halkaasi mid mid ugu salaamay saraakiisha shirkadda oo xilligaasi ku guda jiray howlmaalmeedkooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wareystay intii uu ku sugnaa xarunta shirkadda habsami u socodka howlaha shirkadda iyagoo xusay inay haatan ay ka soo reyneyso xaalada Amniga kadib markii ay dowladdu la wareegtay gacan ku heynta suuqa iyagoo ku ammaanay ciidamada Booliska inay si wanaagsan amnigooda u sugaan, waxayna sharaxaad dheer ka siiyeen dhibaatooyinkii ay shirkaddu la kulantay intii ay socdeen howlgaladii suuqa looga saarayay kooxihii nabadiidka.

 

Intaas kadib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa socod ku tegay qeybta lagu iibiyo Badarka halkaasoo uu ku wareystay dad u badnaa dumar oo iyagu ku jiray howlmaalmeedkooda, waxaana ka mid aheyd haweenkaasi Mako Jimcaale oo iyadu Badar Qamadi ah ku tumeystay goobta waxayna iyada oo farxadi ka muuqato Alalaas ku soo dhoweysay Ra’iisul Wasaaraha halkaasoo ay sheeko ku dhex martay.

 

“Xaalkeenu waa fiican yahay waad aragtaa waxaan tumayaa Badar oo aan cadeynayaa, nabadgelyada suuqana aad ayay u wanaagsan tahay, waxaana idin leenahay soo dhowaada guuleysta” ayay si kaftan ah u tiri Mako Jimcaale.

 

Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli ayaa isna kala qeyb qaatay tumista Badarka mudo daqiiqado ah, waxaana goobta joogay warbaahinta qeybeheeda kala duwan oo iyadu fursad u heshay inay ka duubaan muuqaladaasi.

 

Intaasi kadib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sii gudbay isaga oo lugeynaya qeybta Dukaamada ee lagu iibiyo qalabka kala duwan sida dharka iyo alaabaha kale, isagoo galay mid ka mid ah Dukaamada dharka halkaasoo uu ka iibsaday Darsin shaarar ah, wuxuuna dhinaca kale ka wareystay ganacsiga iyo habsami u socodkiisa iyaga oo xusay inuu wanaagsan yahay ganacsigooda ayna maalin kasta u soo shaqo tagaan suuqa.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kaftan ah u yiri “Diyaar ma u tihiin inaad dowladdiina ku kaalmeysaan canshuurta” ayaga oo ku jawaabay inay diyaar u yihiin ayna bixinayaan canshuurta, dowladdana ay ka doonayaan in suuqa wadooyinkiisa ay u dayactirto.

 

Intii aanu ku guda jirnay booqashada ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu la dardaarmay saraakiisha Booliska isagoo ku amray inay si heer sareysa u sugaan ammaanka suuqa si shacabku ay u helaan amni buuxa, maadaama suuqu yahay isha kaliya ee ay kumanaankun oo qoysas ah ay nolol maalmeed ka soo doontaan.

 

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in booqashadiisa ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed inay si buuxda dib ugu soo laabtaan suuqa Bakaaraha oo hakat yar galay howlihiisa, wuxuuna xusay in suuqa Amnigiisu uu aad u sareeyo.

 

“Hadde waad u jeedaan oo suuqa Bakaaro anigaaba ka dukaameysanaya, amnigiisuna aadbuu u wanaagsan yahay, waxaana ganacsatada ugu baaqayaa inay si buuxda dib ugu soo laabtaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed inay dowladda ku taageeraan canshuurta si loo sugo dhamaan amniga dalka.

 

IMG_4776.jpg

IMG_4792.jpg

IMG_4806.jpg

IMG_4813.jpg

IMG_4821.jpg

IMG_4832.jpg

IMG_4841.jpg

IMG_4880.jpg

IMG_4884.jpg

IMG_48931.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Hargeisa,Lascanood, Garawe,Galkacayo, Baladwayn, Mogadishu, Kismaayo and Baydhawo all of them very soon the Premier will do some shopping insha allah. there were alot of african troops are coming to every town in somalia including the north of somalia, insha allah. so rajadu aad ayey u fiicantahay walalaheyda somaliyeedow. wadamada africanka ah ee noo soo gurmadeyna waxba nagama rabaa but they want to make peace and stability in somalia but nothing else somalia one nation one pple.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this