Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Azaaniya/Jubbaland

Recommended Posts

Ironically and contrary to some people's silly assertion the Ugandan and Burundi leaders are in support of Kenya's intervention into Somalia if that isnot something to wonder upon and to the amusement the intellectual bankrupt individuals here want to make us believe that Kenya is somewhat different to those troops already contributing. Ethiopia will also come into Somalia and with Kenya and contributing forces from Djibouti to strengthen the peace in Mogadishu all three front line IGAD member countries will be actively engaged in Somalia.

 

Somalia now needs all its friends and foes alike.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ENTEPE: Labada dal ee Muqdisho ay ka joogaan Ciidamadooda oo taageeray howlgalka Jubbooyinka

 

Intepe: (pp)- Madaxweynaha Dalka Uganda & kan dalka Burundi oo labadaba ay ciidamo ka joogaan magaalada Muqdisho ayaa soo xoogan u soo dhaweeyey howlaha ay dowlada Kenya ay ka wado Jubbooyinka.

 

trio.jpg

Museveni, Yuusuf X. Nuur, Watangula

Madaxweyeyaasha Uganda iyo Burundi ayaa waxaa safar diblumaasiyeed ugu tegay dalalkooda Wasiirka Difaaca ee dalka kenya Yuusuf Xaaji Nuur & Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya Moses Wetangula, kuwaas oo waraaq ay ka sideen madaxweynaha dalka Kenya Kibaki u gudbiyey Labada Madaxweyne ee dalalka Uganda & Burundi.

 

Madaxweyne Museveni oo ay magaalada Entepe ay kula kulmeen labada masuul ee Kenya ka socday ayaa aad u soo dhaweeyey dhanbaalka uu ka helay Madaxweynaha dalka Kenya, isla markaasna sheegay inuu taageersan yahay howlgalada ay Kenya ay ka wado dalka Soomaaliya , ayna Kenya ay xaq u leedahay inay isdifaacdo si ay u dhowrto nabadgelyada dalkeeda iyo kan shacabkeeda.

 

” Anigoo ku hadlaya afka dowlada iyo kan shacabkayga Uganda waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaan taageersanahay dagaalada ay shacabka iyo dowlada Kenya ay kala soo horjeedaan Xoogaga Al-shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

 

Museveni ayaa intaas raaciyey in xoogagaga Al-shabaab ay sanadkii hore ay qarxiyeen guddaha dalka Uganda , qaraxyadaasna ay ku dhinteen buu yiri dad ka badan 70 qof , wuxuuna sheegay Museveni in dagaalka lagula jiro Al-shabaab aysan keli ku ahayn Kenya , laakiin uu yahay mid gobolka oo dhan ay ka wada-qayb qaadanayaan.

 

Museveni ayaa sheegay in horay loo qorsheeyey sidii loo tirtiri lahaa awooda xoogaga Al-shabaab, isagoo ku sheegay kuwo nabada ka soo horjeeda isla markaasna khatar ku ah ammaanka iyo horrumarkaba gobolka oo dhan.

 

Madaxweynaha Burundi Nkurunziza ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka Kenya ee ku aadan sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka isla markaasna uu aad u taageerayo sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-shabaab.

 

Madaxweynaha Burundi ayaa intaas ku daray in Burundi ay u aragto khatarta soo wajahday Kenya ee dhanka Al-shabaab ay la mid tahay mid soo wajahday dalka Burundi , ayna samaynayaan waxkasta oo khatartaas looga hortagi kara laguna qaadi karo.

 

Kama danbaystii Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya ayaa u mahadceliyey dalalka Uganda & Burundi sida ay uga jawaabeen baaqa madaxweyne Kibaki ee ah in la iska taageero howlgalada meleteri ee looga soo horjeedo Xoogaga Al-shabaab, wuxuuna Wetangula uu intaas ku daray in kenya ay aad ugu faraxsan tahay taageerada dalalka Uganda iyo Burundi, isla markaasna isagoo uga mahadceliyey dalalka Uganda iyo Burundi howlaha nabad ilaalineed ee ka wadaan magaalada Muqdisho.

 

Kenya ayaa tan iyo intii ay ciidamadoodu galeen guddaha dalka Soomaaliya ayaan waxaan ka hadlin dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaas oo ay ciidamadoodu ay howlo nabad ilaalineed ay ka wadaan magaalada Muqdisho. Dalalkaas ayaan horay uga hadlin howlgalada ay Kenya ka wado deegaanada Jubbooyinka , marka laga reebo madaxweynaha Tanzania oo shirkii Commen wealth ee ka dhacay dalka Austaralia si xoogan u soo dhaweeyey howlgalada Kenya ay ka wado soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Thanks Xiin,

 

Kenya has its own agenda and the professor and his lot think they have their own hidden agenda laakin tan keenya ayaa xoog badan waana la arki markii Kismaayo la iskugu tago wixii dhaca(back to square one camal - tii dhacday markuu Belgium-ku joogii early 90s ).

 

That being said , its time for the people of these regions to come together and establish an admin that they all agree on no matter who leads them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladaha Uganda iyo Burundi oo gacmo wadajir ah kusoo dhaweeyay hawl-galka Kenya ay ka wado Soomaaliya.

 

Sat, 12 Nov 2011

 

Nayrobi, Nov, 12 – Warbixin laga soo saaray maalintii shalay ahayd xafiiska madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa si cad loogu sheegay inxukuumaddaha Uganda iyo Burundi ay si kal-iyo laab-leh u soo dhaweeyeen hawl-galka ay dalka Soomaaliya ka wado xukuumadda Kenya.

 

Madaxwayne Kibaki ayaa si qeexan uga hadlay dagaalada ciidanka Kenya ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, waxaana uu xukuumadiisa ku difaacay inaysan ahayn mid duulaan ku ah nabad-galyada dalka Soomaaliya, balse ay tahay mid suganaysa amnigeeda, isla markaana u hoggaansamaysa sharuucda caalamiga ah, iyo baaqyada kasoo baxa Midawga Africa iyo urur-goboleedka IGAD.

 

Dhinaca kalena magaalada Kampala ee dalka Uganda kulan ay shalay kuwada qaateen madaxwaynaha dalka Uganda Yuweri Musafni iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Mr Musas Mutakgula ayaa si qeexan waxay uga wadahadleen arrimaha la xiriira ammaanka xaduudaha iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab, waxaana 2-da masuul ay isku afgarteen in ciidamada AMISOM, iyo ciidanka Kenya ay muhiim tahay inay iska kaashadaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Huwanta ah oo kaabiga ku haya Magalada Afmadow iyo Xaalada Magalada oo kacsan

 

dhobley-one1.jpg

 

Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa ku sii siqaya degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii shalay dagaalo culus ay ka dhaceen gelinkii dambe

 

Dagaalada ayaa dhex maray labo ciidan oo sahan ahaa, kuwaas oo ka kala socday Shabaab iyo dowladda, waxaana saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayaa deegaano u dhow dhow Afmadow.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo Kenyan ah ay soo gaareen deegaan 15-KM u jira Afmadow, iyagoo ay kaabinayaan ciidamo kale oo Soomaali ah oo ka mid ah TFG-da iyo Raaskambooni.

 

Qasaaraha dagaalkii shalay ayaan la ogeyn, hase ahaatee saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ilaa 10-askari uga dileen dagaalka Al-Shabaab.

 

2 Maalin ka hor ayay aheyd markii weerar jidka loogu galay kolonyo Kenyan ah uu ka dhacay meel ku dhow Taabto, iyadoo Gaari qaad siday ay Shabaab gubeen, dabadeedna dileen qaar ka mid ah dadkii saarnaa.

 

Xiisadaha furan ee ka jira Jubada Hoose ayaa ahaa mid mudooyinkan dambe soo xoogeysanayay tan iyo markii Ciidamada Kenya ay gudaha soo galeen Koofurta Soomaaliya.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan degmada Afmadow, oo ah degmo istiraatiiji u ah gacan ku heynta isku xirka deegaano badan oo Jubooyinka ka mid ah.

 

Dhanka kale Xaalada Magalada Afmadoow ayaa aad uu kacsan waxaana lagu dhex arkaya Ciidamadi ugu badna ee ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo magalada Gaaf waregaya Waxaa Cabsi xogaan ay la soo gudboonatay dadka tirada yar ee ku haray Magalada Afmadow .

 

Info@kismaayo24.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

This proves I was wrong about the people of Jubboyinka and I apologize. SSC, I am not wrong about you though.

 

December 2011 Jubboyinka

 

Ceelka-biyaha-Qooqaani.jpg

Tabta.jpg

SARKAAL.jpg

saldhigga-Qooqaani.jpg

Saldhigga-Booliska-Dhoobleey.jpg

saldhig-laga-xoreeyay-Shabab.jpg

MUUQAAL.jpg

Isbitaalka-Nairobi.jpg

Hormuud-Qooqaani.jpg

Female soldier

Gabar-Askariyad-ah.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

dff.jpg&cat=17&pid=1359&cache=false

 

Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa umadda Soomaaliyeed guud ahan gaar ahaan soomaalida Azaaniya ee kunool qaarada Yurub iney ka soo qeyb galaan shirweynihii sadexaad ee Golaha qurba joogta jubbooyinka iyo gedo/ AZAANIA.shirkasi waxaa kasoo qaybgali doono siyaasiyiin wax garad aqoonyahan ururada bulshada iyo mas.uuliyiinta katirsan dowlad gobaleedka azaania wuxuuna kadhici doona shirkan insha,allah

 

http://azaania.org/?p=1359

Share this post


Link to post
Share on other sites

May I suggest both Professor Abtigis and The Zack be invited to this conference. They are very important personalities and will greatly contribute to the realization of Azania project .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this