Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: hargeysa airport terminals reconstructed+new surveillance camaras installed+PICS

Recommended Posts

Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Madaarka Hargaysa

October 25th, 2011

 

Haragysa (Somaliland.Org):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port ee magaalada Hargaysa iyo dib u habayn lagu sameeyay dhismeyaasha madaarka.

 

Mashaariicdan kala duwan ee laga hirgeliyay madaarka Hargaysa ayaa isugu jira dib u habayn lagu sameeyay qqar ka mid ah dhismeyaasha madaarka sida Terminalada iyo xafiisyada, wadooyin cusub iyo dib u habayn lagu sameeyay dhinaca amaanka madaarka iyada oo lagu xidhay kamaradaha amaanka oo casri ah.

 

Xafladdii xadhiga lagaga jarayay dhismeyaashan cusub iyo dib u habayntan lagu sameeyay madaarka, waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta, masuuliyiin ka tirsan wasaarada Duulsita hawada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port.

 

Wasiirka duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ugu horayn faah-faahin ka bixiyay mashaariicdan ay madaarka ka hirgeliyeen iyo waxa ay u kala qaybsan yihiin waxaanu yidhi “Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintan kale ee qaranka waxaanu halkan maanta (shalay) ku maamuusnay mashaariic laga hirgeliyay madaarka, kuwaasi oo aanu mudaba gacanta ku haynay in aanu xaqiijino, mashaariicda aanu madaarkan ka hirgelinay iyo kuwa laga hirgelin doonaaba waxay salka ku hayaan isbedelkii balaadhnaa ee xukuumadan ay gadhwadeenka ka yihiin madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, ee xisbiga KULMIYE-na ummada u balanqaaday ayay salka ku hayaan in isbedelwayni uu dalkan ka dhaco, horumarkiisa, dhismihiisa, maamulkiisa, quruxdiisa, iyo wixii la mid ah, ma ahayn taasi hadalo beer laxawsi ah oo cod qudha lagu doonayo waxay ahaayeen mabaadii iyo wax runtii dareen siyaasadeed oo aanu aaminsanahay ah.”

 

Wasiirku waxa uu sheegay in ay doonayaan in madaarka Hargaysa ay u ekaysiiyaan madaarada caalamka maamul ahaan iyo qaab ahaanba, isaga oo xusay wasiirku in ay dhawaan bilaabi doonaan mashruucii ay dawlada Kuwait ku caawisay ee ahaa in la balaadhiyo dhabaha madaarka, waxaanu wasiirku sheegay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay mashaariic cusub ku soo kordhiyaan madaarka mudadii ay xukuumadoodu xilka haysay, mashaariicdaas ay madaarka ka sameeyeena ay ka mid yihiin balan qaadyadii xisbiga KULMIYE. “Madaarkan oo ah madaarkii caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa, xukuumadani waxay doonaysaa in ay u ekaysiiso qaab ahaan iyo maamul ahaanba madaarada caalamiga ah ee dhigiisa ah ee geeska afrika ku yaala, mashaariic badan baa noo soo socota, mashruucii dawlada Kuwait noogu deeqday oo ahaa in dhabaha dib loo qaabeeyo, kamarado ilaaliyana lagu sameeyo waxaanu qandaraaskiisii daabici doonaa saddexda bisha November, waxaana uu dhamaan doonaa lana bixin doonaa saddexda bisha janoury ee sanadka 2012-ka, mashruucaasi wax wayn buu ka bedeli doonaa qiimaha iyo qaayaha uu madaarkani leeyahay, muddadii sanadka iyo saddexda bilood ahayd ee aanu joognay, isbedel wayn baanu ku samaynay madaarkan waa markii labaad ee aanu mashaariic xadhiga ka jarno, mashaariic fara badan oo hore ayaanu ka furnay, waxaanu balaadhinay markii ugu horaysay Terminalka socdaalka, oo la dhisay 1958-kii oo aad isku bedelay ayay markii ugu horaysay xukuumadani balaadhisay, waxaa kale oo aanu balaadhin wayn ku samaynay iyana Terminalka laga dhoofo oo maanta nafis ah oo qaadi karo dad aad u tiro badan, balaadhinta Terminaladu waxay ku xidhan tahay dadwaynaha Somaliland ka dhoofa iyo kuwa ka soo dega madaarka, xadigiisa yaanu naqaanaa oo aanu ognahay markaa waxanu u arkaynay labaduba in ay ahaayeen laba diiq ah, iyada oo aan aduun badana loo haynin ayaanu ku dhiiranay, intaa waxa raaca waxaanu bedelnay qaabkiisii loo mari jiray ama loo dhex socon jiray wadooyinka laga soo gelayo iyo baarkinada waxaanu u arkaynay in ay tahay wax runtii u ekaysiinaya madaarada caalamka, waxa weeyi isbedelkii la doonayay ayay ka mid yihiin.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland.

 

Isaga oo sharaxaya Wasiirku waxyaabaha ay mashaariicdani ka kooban yihiin waxa uu yidhi “Mashaariicdani waxay ka kooban yihiin ilaa sagaal mashruuc ka ugu horeeyaana waxa weeyi mashruuca la xidhiidha amaanka madaarka oo ka ugu horeyaa yahay kaabadahaasi aanu madaarka ku wareejinay, ka labaad ee isna amaanka la xidhiidhaa waxa weeyi CCTV, Kamera ayaanu markii u horaysay ka samaynay madaarada Somaliland ka Berberana waxaanu ka samaynay sanadkii hore, kana imika ayaanu dhamaystirnay, ilaa bil iyo dheeraad wuu shaqaynayay habkani, waa hab casri ah oo aduunka oo dhami ku shaqeeyo, mashruuca saddexaad waxa weeyaan qurxinta barxadan VIP-da ee madaxda qaranku ka soo galaan oo albaabo cusub loo sameeyay, mar-marna la dhigay, ta afraadna wxa weeyi hoolkan wayn ee laga dhoofo oo isna markii hore meelihii ay xukuumadani wax ku kordhisay ka mid ahaa oo aanu isagana qaabkiisa wax ka bedelnay, waxaa weheliyay dhismeyaal kale oo goos-goos ahaa oo badnaa oo uu ka mid yahay shaqaalaha iyo ciidanka dabdemiska oo aan markii hore meel ay ku nastaan haysan, oo aanu iyagana u samaynay qol wayn oo bakhaar ah oo agabka lagu kaydiyo, mashaariicda kale ee aanu qabanay waxaa ka mid ah wado laba boqol oo mitir ah, wadadaasi oo iyaduna ciid ahayd, imikana waxaa qurxinteeda gacanta lagu hayaa calaamada uu caanka ku yahay madaarku.”

 

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in mashaariicdani ay ka caawiyeen shirkado iyo ganacsato reer Somaliland ah iyo dawlada hoose ee Hargaysa, isaga oo wasiirku si aad ah ugu mahad naqay dhamaanba shirkadahan iyo ganacsatadan gacanta ka siiyay hirgelinta mashaariicdani “Guud ahaan mashaariicdaasi waxaa gacan wayn naga siiyay ganacsato iyo shikado reer Somaliland ah oo aan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo, shirkadahaa waxaa ka mid ah ganacsadaha la yidhaahdo magaciisa Jaamac Oomaar, ganacsadaha Cumar Caydiid, Axmed Geele Arab, shrikada Somtel, shirkada Salaama Bank, iyo xawaalada Mustaqbal, waxaa kale oo aan iyadan halkan uga mahad naqayaa dawlada hoose ee Hargaysa, oo iyaduna naga taageernay mashaariicdan qaar kood sida wadaa iyo baarkinka qaybo ka mid ah.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

 

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka Duulista iyo Hawadu uu wax qabad badan sameeyay farxad wayna ay u tahay in uu arko isbedelka lagu sameeyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port, madaaraduna ay yihiin muraayada laga dheehdo qaran kasta umadiisa wax qabadkeeda iyo jiritaankeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Md Saylici waxa kale oo uu intaasi ku daray in masuul kasta oo ka tirsan xukuumada in looga baahan yahay in uu waxqabad iyo firfircooni muujiyo si uu umada wax ugu qabto, himilada dawlada cusubna ay ka mid tahay in nin kasta oo masuul qaran ahi uu ka tago waxyaabo lagu xasuusto, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii farxadwayn bay maanta ii tahay in aan arko isbedel wayn oo lagu sameeyay madaarka caalamaiga ah ee Cigal International, sida aad la socotaan madaaradu waa muraayada qaramada caalamka laga dheehdo umada ku nool jiritaankeeda iyo wax qabadkeeda, isbedelkana waa kii loo baahnaa ama waa kii aanu balan qaadnay, waxay tani muujinaysaa in bini’aadamku wax walba qabsan karo itaalkiisu inta uu doono ha ahaadee hadii uu isku tashado in uu wax badan bedeli karo, runtii wasiirka Duulistu wax qabad badan ayuu sameeyay, iyada oo aynu ognahay itaalkeenu inta uu yahay miisaaniyadeena iyo ka dawladeenuba inta uu yahay, oo aan inta badan dhaafin amniga oo culayska ugu badan inagu haya iyo adeegyada kale ee bulshada, dhaqaaleheenuna inooma saamaxayo in wax badan oo horumar ah la geliyo miisaaniyada, hadana runtii waxaa uu sameeyay dadaal, isaga oo umadiisii kaashaday haday shirkadaha diyaaradaha tahay iyo haday shirkadaha ganacsiga tahayba, markaa dhaq-dhaqaaqa uu sameeyay waxa uu suurto geliyay mashaariicdaasi, taasina waa sida looga baahan yahay nin kasta oo masuul qaran ah, in nin walba meesha uu joogo uu wax ka qabto, waana in uu nin walba firfircooni ku daraa meesha uu joogo si uu wax uga bedelo oo uu umada ugu adeego, Umada u adeegideeda waxaa ka mid ah in maamulkeena aynu wanaajino, in aynu yarayno musuq-maasuqa, Himilada dawladayada cusubi waxay tahay in aanay noqonin meesha kama tage waxna kuma tare, ee ay noqoto ninkasta oo meesha ka tegayaa in uu wax ka tago.”

 

Wasiirka Wasaaraddda warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade, oo isna ka mid ahaa wasiiradii ka qayb galay munaasibadii xadhiga lagaga jarayay mashaariicdan laga hirgeliyay madaarka Hargaysa, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad naqay wasiirka Duulsita hawada, isla markaana uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay isbedelkan lagu sameeyay madaarka.

 

Axmed Cabdi Xaabsade, waxa uu sheegay in waxqabadyadan ay samaysay wasaarada Duulista hawadu ay ka mid yihiin isbedeladii ay balan qaaday xukuumadani “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay isbedelka wayn ee ku yimid madaarkii Hargaysa, waxaad moodaa madaar cusub in uu yahay, maalmo dhawayd sidan wuu ka bedelnaa saaka waxaa la moodaa in aynu joogno madaar caalami ah, oo quruxdiisa iyo qiimihiisa intuba ay wada yihiin wax la taan karo oo lagu faani karo, aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqayna wasiirka Duulista Hawada iyo shaqaalihiisaba isbedelkaa wayn ee ay madaarka ka sameeyeen, waxaanu leenahay ummadau way ku faraxsan tahay waanay ku farxi doontaa marka laga soo dego ee ninkii dibada ka yimid uu maanta yimaado madaarkii oo wax laga bedelay, taasina waa isbedelkii ay balanqaaday xukuumadani waanay sii korhdinaysaa.” Ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this