Sign in to follow this  
Saalax

Awdal Ugaas banned from visiting parts of Awdal? clan tensions between Awdals

Recommended Posts

Saalax   

di-U00X.jpg

 

 

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Caawa Boorama Kulan Kula Yeeshay Ugaaska Beelaha ******** Oo Xukuumadu Ka Hor-taagan Tahay In Uu Socdaal Ku Tago Deegaano Ka Tirsan Awdal Iyo Salel.

 

Boorama (Ramaas) Oct 19,2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta socdaal ku tagay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa caawa kulan la yeeshay Ugaaska beelaha ******** Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Ugaas Rooble.

 

 

 

 

 

Kulankan Madaxwayne ku xigeenka iyo Ugaaska beelaha ******** oo aan la ogeyn xaqiiqo ahaan waxa lagaga wada hadlay ayaa haddana wararka ka soo baxayaa waxa ay tibaaxayaan in Madaxwaynuhu Ugaaska cadaadis ku saaray inuu baajiyo socdaal la filayo inuu dhawaan Ugaasku ku taggo deegaano ay ka mid tahay degmada Lughaya oo dhismaha dekedeeda muran ka taagan yahay.

 

 

 

Kulankan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo Ugaaska beelaha ******** Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Ugaas Rooble oo dadka reer Boorama ay saadaalinayaan waxa ka soo bixi kara, iyadda ujeedada Madaxwayne ku xigeenku ugu deg-degay kulanka Ugaaska lagu macneeyay inay tahay sidii uu ugu guulaysan lahaa baajinta socdaalka Ugaaska oo aan ilaa hadda laga war-qabin waxa xukuumadu Ugaaska uga hor-taagan tahay inuu taggo deegaano ka tirsan Awdal iyo Salal.

 

Magaalada Boorama waxa hore u sii joogay wasiirada wasaaraha Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) hawlaha guud Prof Ismaaciil Muumin Aare iyo dib-u-dejinta Md Cabdirisaaq, kuwaas oo iyagana ujeedadooda lagu sheegay inay la xidhiidhay sidii ay Ugaaska u baajin lahaayeen.

 

Wixii war ah ee ka soo kordha socdaalka Madaxwayne ku xigeenka ee Boorama iyo kulanka uu la sheegay Ugaaska ******** kala soco RAMAASNEWS.COM

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this