A_Khadar

Happy 2nd Anniversary - SSC state of Somalia

Recommended Posts

A_Khadar   

DSCF1710-300x225.jpg

waxaa Maanta Laga Xusay Magaalada Buuhoodle Ee xarunta G/cayn

Sanadguurada Labaad Ee Maamulka SSC waxaana si wada jira uga

soo qayb galay hogaanka sare ssc bulshada qaybeheeda kala gadisan.

 

ciidamada qaranka ee maamulka ssc oo yaguna goobtasi ka sameeyay

dhoolatus malatari iyagoo magaalada ku soo maray gaardis waxaana

ciidamada daba socday tiknikada ciidamada xooga ssc.

 

xafladan ayaa ah midii labaad ee ka soo wareegtay sanad guurada 2 ssc

waana markii labaad ee siwayn looga xuso magaalada buuhoodle waxana

dhamaan bulshada reer buuhoodle saaka ka muuqatay shucuur dareen farxadi

ku dheehantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

UAE - Dubia

magaalada shaariqa

gaar ahaan hoteelka weyn ee lagu magacaabo MUBARAK CANTER xaflad aad u qurux badan xafladaas oo ay

soo abaabuleen jaaliyada ssc ee wadanka imaaraadka iyo dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi

imaaraadka iyaga oo aan u kala hadhin gobol kasta oo ay ka soo jeedaan.umadii soomaaliyeed ee ku dhaqney imaaraadka

Nasiib wanaag waxaa isna goob joog ka ahaa GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL DUCAALE oo goob joog

ka ahaa indhihiisana ku arkayey munaasabadii goobtaas lagu soo bandhigey.

FURITAANKII. XAFLADA.

Waxaa lagu furey aayado quraan ah oo uu soo jeediyey sheekh cali maxamed obsiiye oo dadkii goobtaas ku sugnaa

ugu duceeyey in ay sanadka kiisa kale ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo denbi dhaafna ee uu siiyo intaa ka dib

waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL DUCAALE .

Garaadku waxa uu ugu horeyn u mahad celiyey jaaliyadda ssc ee wadanka imaaraadka sida wanaagsan ee ay u soo

dhaweeyeen .waxa kale oo uu u mahad celiyey dadweynihii soomaaliyeed ee goobtaas ku sugnaa garaadku waxa uu

guud ahaan kula dardaarmey in ay umada soomaaliyeed gacmaha is wada qabsadaan kana shaqeeyaan sidii qaran

soomaaliyeed u soo noqon lahaa loona ilaalin lahaa wadajirka iyo midnimada umada soomaaliyeed.

DHANKA SSC IYO SHIRKA KHAATUMO 1- 2

Garaadku waxa uu goobtaas ilyartu is qabatey ka sheegey in uu soo dhaweynayo shirka khaatumo ee ka dhici doona

magaala taariikhiga ah ee taleex isla markaana uu ka qeyb geli doono hadii alla idmo waxa uuna bulshada ssc ka

codsadey dal iyo dibadba in ay u diyaar garoobaanka ka qeyb galka shirkaas .

Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha jaaliyadda ssc ee imaaraadka ENG CALI XAAJI CIGE

ENG CALI XAAJI CIGE mahad celin ka dib waxa uu warbixin ka bixiyey aasaaskii ssc isga oo goobtaas ka sheegey

in umada degta gobolada ssc ay u taagan yihiin sidii la isugu keeni lahaa umada soomaaliyeed ee kal irdhowdey

ENG cali waxa uu cambaareeye falkii arxan darada ahaa ee 4/10/2011 ka dhacey magaalo madaxda soomaaliya

ee muqdisho kaas oo lagu xasuuqey ardey soomaaliyeed oo aan waxba kalabsan waxa uu u tacsiyeeyey umadii

soomaaliyeed ee awlaadoodu halkaas ku geeriyootey waxa uuna ilaah uga baryey in uu naxariistii jano eebe ka waraabiyo

kuwa dhaawacan ilaah uu caafimaad siiyo dhanka shirka khatumo mar uu ka hadlayey waxa uu sheegey in ay jaaliyad ahaan

taageersan yihiin waxa shacaweynaha ssc ay rabaan kaas oo ah ka qeyb galka shirka khaatumo ee ka dhici doona magaalada

taleex waxa uuna sheegey in ay u dirsana doonaan wafti aad u culus oo ka qeyb gala shirkaas.

waxaa isna lagu soo dhaweeyey xildhibaan ka mid ah xildhibaanada dowlada federaalka xildhibaan kaas oo ah

xildhibaan CABDI WELI SHEEKH MAXAMED waxa uuna u hambalyeey dhamaan bulsho weynta ssc meel kasta oo ay joogaan

Waxaa isna goobtaas gabey ay dadkii ka soo qeyb galey dareenkooda ruxey ka soo jeediyey Maxamuud cali cade CAWJAD.

Isaga oo murti aad u qurux badan ka soo jeediyey xafladaas taas oo ay muujineyso sida ay uga goantahey bulshada ssc uga

midha dhalin lahaayeen shirkaas khaatumo ee taleex

waxaa isna habalyo ka soo jeediyey ILYAAS HUSEEN CALI oo ku hadlayey magaca AWDAL STATE

Waxaa isna halkaas ka hadley odey SICIID SAALAX oo ku hadlayey magaca maamulka RAAS CASER

Ugu danbeyntii xafladaas waxa ay ku soo gaba gabowdey jawi aad u heer sareeya oo lagu farxo.

31-300x225.jpg

911-300x225.jpg

121-300x225.jpg

Gard-jama-300x225.jpg

hadaladii-300x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
nemo   

Happy anniversary SSC wow only been two years? It seems so long now since I have been hearing about them. Two thumbs up

 

Self-rule the only way for Somali regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Holland oo lagu xusay sanad guuradii labaad ee SSC isla markaana lagu taageeray gudiga G6 iyo shirka khaatumo II.

Written by C/rashiid Galbeedi

Monday, 17 October 2011 07:42

Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Vlaardigen oo ka tirsan wadankan Nederland xaflad aad u balaadhan oo looga kala yimi wadama Belgem,Faranca, Garmany iyo dhamaan Gobolada wadankaan Nederland .

 

Xafladan oo loogu dabaal degayey sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay aasaaskii SSC ayaa waxaa laga soo jeediyey khudbado aad u qiimo badan iyo weliba gabayo,riwaayado iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka .

 

Ugu horayn waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah,intaas kadib ayaa Xuseen kaneec oo xaflada xidhiidhinayey wuxuu kusoo dhaweeyey codbaahiyaha Gudiga jaaliyada SSC ee Holland oo ay u hadleen laba xubnood oo kala ahaa C/laahi Dhega horay iyo Caasha shire Cabdi iyagoo ka war bixiyey aasaaskii SSC iyo wixii ay qabteen intii ay jirtay,waxay kaloo ka hadleen shirka khaatumo Two ee ay ka socoto qaban qaabadiisii gudiihii dalka gaar ahaan Magaalada Talleex waxayna ku booriyeen dhamaan dadkii kasoo qayb galay xaflada sidii ay maal,muruq iyo maskaxba ugu taageerilahaan shirkaas.

 

Dhanka kale waxay isku raaceen oo ay sibuuxda u tagaareen dhamaan dadkii shirka kasoo qaybgalay Gudiga G6 ee kasoo shaqayey soona qaban qaabisay shirka khaatumo II ee dhawaan la rajaynayo in uu ka dhaco gudaha dalka.

 

 

 

Waxaa iyana lagu soo dhaweeyey Codbaahiyaha Xamsa Hanoolaato oo masuulka ah mid ka mida ururada Soomaaliyeed ee ka dhisan wadankan Nederlan Xamsa waxay ku dheeraatay sida ay usoo dhaweynayso uguna faraxsantahay SSC oo ay tidhi waxay u taagantahay Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyadoo sheegatay in ay markasta garab taagantahay SSC iyo cidkasta oo Soomaalinimada jecel oo aan raali ka ahayn in lakala gooyo dalka.

 

 

 

Intaas ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey codbaahiyaha martida ka soo qayb gashay shirka oo qaarkood ka yimaadeen wadamo ka baxsan dalkaan Nederland kuwaas oo kasoo jeediyey khudbado aad u qiiro badan iyagoo sheegay inay sibuuxda u taageersanyihiin SSC ayna la shaqayn doonaan.

 

Waxaa iyana goobta ka hadashay Maryan Xassan Goonle oo ka timi dalka Faransiiska kana soo jeedisay xaflada khudbad ka qiiraysiisay dhamaan dadweynihii ka soo qaybgalay xaflada iyadoo ku boorisay in ay midoobaan cadowga dalkooda kusoo duulayna ay sidii ay uga xorayn lahaayeen gacmaha isu qabsadaan dalkii iyo dadkiina ay ku taageen waxkasta oo ay awoodaan si looga samatabiyo dhibaatadan ku habsatay .

 

Waxaa iyana aad looga maqsuuday oo xaflada lagu soo bandhigay gabayo ay tiranayeen dhalinta SSC kuwaas oo ku cabirayey gabayadooda dhibka haysta dadkii iyo dalkii iyo sidii looga samata bixinlahaa.

 

Waxaan la hilmaamika Hobaladhii iyo fanaaniintii kasoo qaybgashay xaflada oo aad u ruxay dadka iyagoo goobta ka qaaday Heeso isugu jira Guubaabo iyo Cishqiba waxaana ka mid ahaa fanaaniintaas Siciido Shiino iyo Maxamed Deeq iyo Sidiiq Iidle.

 

Ugudanbayn waxaa lagu soo gunaanaday xaflada ciyaaraha hidaha iyo dhaqan oo si aada loo soo agaasimay isla markaana ay gabdho iyo wiilaal sifiican uyaaqaanaa ay hal mar isala heleen Jiibta iyo jaantaba

 

C/rashiid Galbeedi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.