Jacaylbaro

17th October - Xuska Maalinta Mujaahidiintii SNM

Recommended Posts

Dhidib weeyi taariikhdu iyo waayo soo dhaca e

Dhalaankiyo caruurtay u tahay dhaxal u meel yaale

Dhafoor qiiqlayaal iyo cabdow dhuuncas iyo gaade

Iyo baado dhalandhoola oo dhagar u soo xaytay

Dhidar iyo waraabiyo abees diir wax dhilanaysa

Iyo qaar dhac loo soo diroo shayna dhaafaynin

Waatii dhufays yaday qoteeen loogu soo dhacye

Markuu soodhku dhaashaday markuu dhiigu shalaxbeelay

Markuu qumuca dhiilada sidaa laba dhaclaynaayay

Sida dhool gu’ oo da’ay markuu dhibicu heehaabay

Dhab markii dagaal loo galiyo dhiidhi dirirreedka

Dhudi yaa lahaayeey markii lagu dhawaaqaayey

Dharaartaa ninkii maali jiray dhici xaqiisiiye............Muj. Abdirahman Cawl - Baqdaadi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadh-cad bay ahayd maalintay, rag is Haleeleene

Burco duuray Halasii ka dhacay, Hugufkii baaruuda

Waa Haanka maalintaan rag jaray, meel Halbawla ahe

Waa Hanfigu maalintuu la tegey, Hootadii ******e

Waa Habar wacii Coodanliyo, Heegan dirirkiiye

... Waa Hig-layntii Balanbaal kolkuu, ka Harbay kaariiye

Waa Habar-heshooy maalintii, laysku Horay Suuge

Waa Habaqlahoodii markaan, Hawd ugaadhsadaye

Habqankoodu waa maalintuu, qubay Hubkiisiiye

Hanbadooda waa maalintaan, Heensadee cunaye

Hawl-galkeedii weeyaan Birjeex, Huushii aan helaye

Huugii waa Madheeriyo kolkaan, jebiyay Haamiiye

Waa Dhagaxii reer Herer Gurtiyo, Huguguftiisiiye

Waa Hugunkii Bali-dhiig kolkii, Faaqash ku hoobteene

Waa Halkaan Cadaadlay wadhiyo, guutadaan Helaye

Waa Hillaacii Buuraha ka baxay, Hiririgtiisiiye

Waa Halkaan hoggaankii ku gubay, Hurunshadiisiiye

Waa Hargeysa Duqayntuu la dhacay, Miiga Hawlihiye

Waa Hayaankii Burco lagu furiyo, Hooso shididiiye

Hubkii ina Siyaad waa markaan, Haabtay keligaye

Hindisihii ina Xaashi waa, Lama Hilmaamaane

Duqsi waa Halkuu Galay Raggii, Huriyay Duullaane

Waa Halkuu Wadaad-Diid Go`aan, Qaatahy aan Hadhine

Waa Horseedkii Koosaar Wadiyo, Haybsigii Madare

Waa Horkicii Jimcaaliyo Ragguu, Soo Hannaan baraye

... Waa Hoggaankii Siilaayo iyo Tuur, ku Hinjin-toodiiye

Waa hawshii Xassaan Ciise iyo, Hagar Bixiisiiye

Halbawlihii Lixlaa loo Jarjaray, iyo Aadan Heegane e

Harag-waafi iyo Waa Haygu-Guban, Himiladoodiiye

Hay-liqin iyo Waa Maxamed Cali, Hadaf u Oollaaye

Halyey Aadan Shiinaan Tebaa, Hibadii Saarrayde

Haldoorkii Dawaarraa God Galay, Hoyday Waa Hoore e

Waa Haanka Dhiiggii Ka Baxay, Hilibkii Koodbuure

Waa Hootadii Ina Mire iyo, Hiilkii Qarameede

Waa Hubkuu Aroornimo Qaddimay, Weerarkii Hoore e

Jimcii Waa Harraatida Burcoo, Cadawgu Haysteene

 

Hanadkii La Ciilaaba Waa, Haajiraa Ficile

Waa Halkuu Warmaa iyo Tolwaa, Qaatay Hootada e

Waa Habbane Dagaalkuu La Galay, Hororkii Waalaaye

Waa Hujuunkii Ina Kaahin iyo, Holac Afuufkiiye

Waa Halaskii Ina Biixi Dhigay, Heegan Dirirkiiye

Waa Hoobiyii Carab Madfaca, Laba Higgoodkiiye

Halgankii Bidaar iyo Malloosh, Hubanti Weeyaane

Waa Hawsar Dhega-wayne Riday, Maalin Haliseede

Hilmaan ma leh Xaliimiyo ninkii, Madhiyay, Huushtiiye

Dhagax waa harraadkuu mutiyo, haarihii dhibaye

Waa xusuusta Halkuu igaga yaal, Haybe Maxamuude

Waa hogtuu Illeeyana lahaa, Jiibab baad Heliye

Waa Heestii Ina Mooge iyo, Hoobal Caan Baxaye

Waa Hadraawi Gabayguu Tirshiyo, Hoga-tuskiisiiye

Hal-abuurkii Gaariyaa ku Ladhan, Tix iyo Hawraare

Waa Halyaydii Raamaha Lahayd, Libintay Hooyeene

Halgankii Qadhaadhaa Jidkii, Lagu Halaakoobay

Hanbalyiyo Abaal marin Halkaan, Higil ka Dhawraayay

Hogwaa Inaad ku sheegtiyo inaad, Hadur ka soo Qaaddo

Waa kuu Halhays Xumo Inaad, Dib u Hilmaantaane

Ku Hagoogta Taariikhda waa, Lagu Hal-maalaaye!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedba marbay qolofi ka dhacdaa, gorada guudkiisa

Ummadi gobanimo way higsataa, goor la gawracayee

Gantaalihi shicibka ku dhiciyo, nabaradii gaadhey

Gef laynaga galuu ahaayoo, guul Ilaah bixiyee

Halgan dhiiga dhuuxiisiyo gala, jiidhka gudahiisa

Mid aynu u wada guntanu ahaa, shicibka guushiise

Guhaadkii haween iyo carruur, Talisku gaadhsiiyey

Geeddi iyo jid dheer baa loo mariyo, geyi shisheedaade

Gufaac dabayl iyo habar dugaag, guri lagula hoydee

Guryo iyo adduun baa ku lumay, hanti ma guuraane

Galbeed iyo Barri buu is qabsaday, galalac baaruude

Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye

Raggii garaad iyo aqoonba, Guulle ku manaystay

Geesiyadii geedka u galee, goobtan ka xoreeyay

Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii ay Dhammaysey nirgaha dhuunta galin weyday

Ee ay dhallaankii gabteey dhiilka naga laadday

Ee dhoonbir kii raaci jiray gaajo kala dhuubtay

Ee ay martida soo dhacda xoor ka dhami wayday

 

 

Waatay rag baa dhiidhiyee uga dhex siibteen

Waatay dhibaatooyin iyo dhaxan u jiifeene

Waatay habeenkoo dhag yidhi kala dhex tooseene

Waatay dhafoorada rasaas kaga dhug siiyeen

Waatay dhufaysyadad ogayd dhamac ka oogeene

Waatii markay dhabi dhab timid badi dhaqaajeene

Ninkii shaarubaha dheer lahaa, dhacanta sii laadye

Dharaartaa wixii ****** ku dhacay waa la dhaygagaye

 

Haddii aan raggii dhiirranaa dhiraha soo jiidhin

Oon dhiig ku quban Yousow kuma an dhaadteene

Oo guul ma dhalineen, haddaan qaar usoo dhimane

 

Nimanyohow dhab-taa lagu hadlaa dhaar haddaad mariye

Dhulka qaybtan leeyahay haddaan dhacan ku soo jiidtay

Maxaan dhimay adduunyada nin nool dhaygag bow hadhaye

 

 

Ahmed H Ismail

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqoosnigu waayo waayo

Hadduu nagu yara adkaado

Annagu kuma aamusayno

Dadaalkana oolin mayno

Wixii lixdankii la eeday

Markale ku ilduufi mayno

Dalkeenana iibin mayno

Cidkale kuma aaminayno

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad Balaadhan Oo lagu xusayay maalinta shuhadada SNM oo lagu qabtay Hargeysa

 

October 17th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17-ka October, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada. waxa munaasibadani ay salka ku haysaa dagaalkii qadhaadhaa ee ciidamadii Siyaad bare iyo xoogagii ururkii SNM ku dhex maray deegaanka Burco Duuray 17 bishii October sannadkii 1984-kii oo laga joogo 27 Sanadood.

 

Xaflada lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay Marwada koowaad ee Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale.

 

Mujaahid C/salaan Turki oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta waddanka oo xafladaasi ka hadlay ayaa waramay baahida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM si bulshada iyo jiilka koraya looga tago taariikh halgameedkii qadhaadhaa ee loo soo maray dib u xoraynta.

 

C/Salaan Turki waxa kale oo uu ku baaqay in wax loo qabto agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM iyo naafadii ururkaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin cisbitaalo dibadeed.

 

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Md.Xirsi Cali X.Xasan oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo agoomihii SNM, iyo Madxaf lagu Muujiyo taariikhdii Ururkaasi lahaa oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan xukuumada iyo Guddi ka tirsan Ururkii SNM.

 

“Waxaan muhaahidiinta iyo SNM waxaan Salaan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadani waxba kama hagranayso wax u qabashada ururkii SNM, waxaana ka go’an inay taageerto mujaahidiintii dalka,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono taalladii uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhagax dhigay magaalada Bali gubadle taas oo lagu maamuusayo dhamaanba intii ku shahiiday halgankaas.

 

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii garabkii milatari ee ururkii SNM ayaa tafaasiil ka bixiyay taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen mujaahidiintii SNM iyo ciidankii taliskii Maxamed Siyaad Barre.

 

Maxamed Kaahin waxa uu ka sheekeeyay sidii uu u dhacay dagaalkii Burco Duuray ee ku sinaa 17 bishii October 1984-kii, kaas oo ahaa hujuumkii u horeeyay ee SNM ku qaado fadhiisimadii ciidankii Siyaad barre, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee SNM soo gaadhay iyadoo ay ka geeriyoodeen shuhado tiro badan oo uu hormood u ahaa Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle.

 

Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu soo saaray awoodii garabkii Ciidanka ee SNM.waxaanu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo shuhadadii nafahoodii u huray dib u xoraynta Somaliland.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda ,isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duureey ka dhacay uu ku soo beegmay xili isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM, iyo Cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Itoobiya.

 

Md.Muuse Biixi waxa uu xusay in dagaalkii uu ku geeryooday Alla ha u Naxariistee Muj Maxamed Xaashi Diiriye (lixle) iyo shuhadadii kale ay noqdeen dhimbiishii hurisay halgankii dalka Lagu xoreeyay, waxaanu intaa ku daray in la gaadhay guushii iyo midhihii ka soo baxay halgankaas.

 

Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxaa uu cadeeyay in Tabasho kasta oo ay qabaan Mujaahidiintii iyo agoomihii SNM,aanay marnaba ka bixin balanqaadyadii Xisbiga kulmiye ku galay ololahii Doorashada.

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu shacbiga ku guubaabiyay in qaran ahaan Somaliland ku jirno halgan ka duwan kii hore kaas oo ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale.

 

Ugu dambayn Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde (Aamina Waris) oo kulankaas ka hadashay ayaa ILAAHAY uga bariday inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo intii ku geeriyootay xoraynta dalkooda isla markaana u rajaysay in dhamaanba mujaahidiintii ururkii snm ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan wadankooda .

 

Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Masuuliyiin iyo Mujaahidiin kala duwan oo ka tirsanaa Ururkii SNM oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyada ay maalinta Shuhadadu u leedahay dalka iyo dadkaba.

 

Dhinaca kale waxa xaflado noocan oo kale ah oo lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM lagu qabtay Magaalooyinka Burco Iyo Gabilay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabiley Oo Si Weyn Looga Xusey Maalinta Shuhadada SNM, Xukuumaddana Loogu Baaqay In Ay Majaro Habaabinta Ka Deyso Ubucdii Halganka

 

waxana ka markhaati ah Maxamed Kaahin oo og xilliga uu tallaabay iyo halka uu ka soo galey SNM

 

Gabiley: (GNS)- Waxa maanta magaalada Gabiley ee xarunta GobolkaGabiley si weyn loogu xusay maalinta loo asteeyey shuhadada SNM ee 17May, taasi oo laga wada xusayo gebi ahaanba gobollada iyo degmooyinkadalka oo dhan.Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey maalinta shuhadada oo lagu qabtayHutel Askar ee magaalada Gabiley ayaa waxa ka soo qeyb galaymaamullada heer Gobol iyo heer Degmo ee magaalada Gabiley, cuqaal,ururrada bulshada iyo kuwa haweenka, iyo weliba qaar ka tirsanmujaahidiintii SNM.

 

Munaasibaddan lagu xusayey shuhadada oo si heersare ah loo sooagaasimay ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay badhasaab ku xigeenkagobolka Gabiley, Cali Cabdi C/laahi, (Cali-Case) oo isagu sheegay inwakhtiyadii ay bilaabmeen dhaqdhaqaaqyadii jabhadii 4aad ee bilowgiisiteetamaadkii uu ahaa ardaydii wakhtigaa u tallowday, “Bilowgiisideetamaadkii ayaa ay ku beegnayd wakhtigii ay jabhaddii Afraad kahortimid maamulkii Siyaad Barre, xilligaasi oo ay ka bilaambeenhawlgalladoodii ugu horreeyey deegaanadoodii Alaybaday iyo Wajaale.Aniguna (Cali-Case) waxaan ka mid ahaa ardaydii wakhtigaa tallowday,ee ku biirtay jabhaddii Afraad, waxaanan ka mid noqday guutooyinkiigudaha u soo galay dalka ee u dhaadhacay buuraleyda waqooyiga,sannadkii 1984kii, waxaana na watay mujaahid C/laahi Askar. Rafaadbadanna aanu kala kulannay ciidamadii Soomaaliya,” ayuu yidhibadhasaab ku xigeenku.

 

Maayorka magaalada Gabiley marwo Khadra X. Geydh, oo munaasibaddaasika hadashay ayaa ballan qaadday inay u furayso jimciyadda Sooyaal eeGabiley, xafiis ay ku ururiyaan taariikhihii halyeyadii SNM, waxanayhoosta ka xarriiqday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland eewakhtigani uu yahay guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, islamarkaana yahay nin uga damqasho badan madaxweynayaashii ka horreeyey,“Xukuumadda iminka ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo waxa ka go’andaryeelka naafadii iyo agoomihii ay ka tageen shuhadadii SNM, waanaguddoomiyihii ugu muddada dheeraa, taas darteedna waa uu uga damqashobadanyahay madaxweynayaashii ka horeeyey isaga (Siilaanyo), anagunawaxaanu ballan qaadaynaa inaanu u furno xafiis jimciyadda Sooyaal eeGabiley, si ay ugu ururiyaan macluumaadkii taariikhihii hore ee SNM,waxa kale oo aan ballan qaadayaa in aan taallooyin iyo goobo laguxusuusto shuhadada SNM ka hirgeliyo deegaanadii ay ka bilaabmeenhalgankii SNM,” ayey tidhi marwo Khadra.Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mujaahidiintiiSNM, oo ay ka mid yihiin Daahir Muxumed Cige (Daahir Yare), MaxamedJimcaale (Maxamed-Dhuub), guddoomiyaha xafiiska Sooyaal ee Gabiley,Muj Fox, kuwaas oo dhammaantood ka tirsanaa xubnihii lagu aasaasayjabhaddii Afraad, waxanay dhammaantood ka sheekeeyeen taariikhdii SNM,iyo waliba sidii ay ku bilaabantay halganku, iyo weliba waxyaabihiidhaliyey inay ka hor yimaadaan maamulkii Siyaad Barre.Waxa kale oo iyagu halkaa ka hadlay caaqil Aw-Ciise Jaamac, caaqilMaxamed Cabdi Qawdhan iyo caaqil Axmed C/laahi Xareed, oo iyagu xukuumadda ugu baaqay in ay ka dayso majaro habaabinta ay kusamaynayso halka ay ka bilaabantay hawlgalladii SNM, “xukuumaddu waain ay ka deyso majaro habaabinta ay ku samaynayso halka ay kabilaabantay halgankii SNM, waxana ka markhaati ah Maxamed Kaahin oo og xilliga uu tallaabay iyo halka uu ka soo galey SNM, waxana mudan intaallooyinka koowaad laga sameeyo halkii halganku ka bilaabmay,” sidaawaxa yidhi Aw-Ciise Jaamac.Waa markii ugu horreysay oo muddo 15 sano ah, ee xuska shuhadada SNMlagu qabto guud ahaan gobolka Gabiley, waxanay ahayd munaasibadii ugudambeysay ee lagu xuso sannadii 1996kii, oo ku beegnayd bilowgiixukuumaddii Madaxweyne Maxamed X, Ibraahim Cigaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.