Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Howlgallada 2011 final battle

Recommended Posts

Kadib markii duqeymo iyo dagaalo xoogan ay maanta ka dhaceen deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow, ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay dagaalo culus kula wareegto.

 

Dagaalo culus ayaa waxay maanta ka dhaceen deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan duqeymo xoogan oo dhinaca cirka ah oo loo-geystay Shabaabka Qooqaani.

 

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni, ayaa waxay dagaalo qaraar ay Xoogaga Shabaab kula galleen deegaanka Qooqaani.

 

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni, ayaa waxay xaqiijiyeen gacan ku heynta deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Wariyaha Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com ee magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Deeq Cabdulle “Deeq Fantastic”, ayaa wuxuu xiriir khadka teleefanka uu kula sameeyay, Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir.

 

Masuulkaan ayaa wuxuu Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com uu caawa u sheegay, inay dagaalo xoogan kula wareegeen deegaanka Qooqaani, isagoo sheegay in Xoogaga Shabaab ay si weyn u wiiqeen, ayna iskaga carareen deegaanka Qooqaani.

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo ku aadan in dagaalada ka dhacay deegaanka Qooqaani loogala wareegay deegaankaasi, hase ahaatee saacadaha soo socda ayaa waxaa dhici kareysa, inay ka kala hadlaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadda Dowladda Kenya oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, ayaa waxay caawa ka soo tallaabeen dhinaca xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxayna soo gaareen degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan degmada Dhoobleey, ayaa waxay goor dhaw ay Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com ay u sheegeen, in Ciidamadda Dowladda Kenya oo ku hubeysan hubka cul culus ay caawa soo gaareen degmada Dhoobleey.

 

Ciidamadaaan ayaa waxaa la-socda ciidamo kale oo Soomaali ah, kuwaa oo la-sheegay inay caawa ka soo tallaabeen dhinaca Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isla-markaana lama shaacin ujeedka ay caawa ku soo gaareen degmada Dhoobleey.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaan ay soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, isla-markaana waxaa lagu wadaa inay yeeshaan kullan balaaran.

 

Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu wadaa inay qeyb balaaran ka qaataan, dagaalada ay Dowladda Soomaaliya iyo Jabhadda Raaskambooni kula jiraan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

 

Wasiirka Amniga ee Dowladda Kenya George Saitoti oo maanta Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay kula dagaalami doonaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo taasi sabab uga dhigay in Shabaabku ay qafaal ka wadaan gudaha dalka Kenya.

 

Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya Yuusuf Maxamed Xaaji, ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay tahay koox cadow ah, oo duullaano ku soo qaaday buu yiri dalka Kenya, isla-markaana wuxuu sheegay inay xaq u lee-yihiin, inay kula dagaalamaan goob kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadda Dowladda Kenya oo xalay u soo tallaabay dhinaca Soomaaliya, ayaa waxay goor dhaw ay soo gaareen deegaanka Taabto ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbbada Hoose.

 

Ciidamadaan oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, ayaa waxaa socdaalkoodu ku wehlinaaya ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in boqolaal ciidamo ah ay iminka ku sugan yihiin deegaanka Taabto, isla-markaana qorshahoodu ayaa wuxuu ku wajahan yahay inay gaaraan deegaanada Qooqaani iyo Cabdi Jamaal oo labaduba ka tirsan degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in kolkii ay soo gaareen deegaanka Taabto, ay si weyn u soo dhaweeyeen saraakiil iskugu jira saraakiisha Dowladda iyo Raaskambooni, ee iyagu ku sugan deegaanka Taabto.

 

Shamso Ducaale oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Taabto, ayaa waxay goor dhaw ay Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com ay u sheegtay, in Ciidamadda Dowladda Kenya ay soo gaareen deegaanka Taabto.

 

Shamso ayaa waxay kaloo ay inoo xaqiijisay in deegaanka Taabto ay ka jirto saxmad ciidan oo aad u balaaran, waxayna sheegtay in ciidamaddu ay ku wajahan yihiin deegaanada Qooqaani, Cabdi Jamaal iyo qeybo kaloo ka tirsan degmada Afmadow.

 

Ugu dambeen Dowladda Kenya ayaa waxay ka dhabeyneysaa in Xarakada Al Shabaab ay kula dagaalami doonto gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan baqdin xoogan oo ay muujinayaan shacabka ku dhaqan Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa saakay saakay degan xaaladda demada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose kaddib markii xalay fiidkii ay halkaasi la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku sii siqayaan deegaannada kale ee gobolkaasi.

 

xaaladda deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ayaa degan kaddib markii xalay fiidkii ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo wararka aanu ka heleenno halkaasina ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ku sii wajahan yihiin deegannada kale ee gobolkaasi.

 

Wariye Maxamed Ilka Case oo ka mid ah wariyaasha warbaainta qarab ee gaaray deegaanka Qooqaano oo aanu la hadalnay ayaa sheegay in xaaladda deeganka ay aad u wanaagsan tahay islamarkaana dadka deegaanka ay si weyn usoo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale wararka ayaa inta ku daray in ciidamada dowladda ay taaritaanno ka billaabeen deegaanka Qooqaana si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee deegaanka kaddib markii Al-Shabaab halkaasi laga xureeyay.

 

Saraakiisha ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa inoo sheegay in aii wadayaan howl galka Jubooyinka ay ka billaabeen oo aynaan joogsan doonaan howl gallada inta Shabaab deegaanka ka tirsan Jubbooyinka ay ku sugan yihiin.

 

Dabayaaqadii todobaadkii aynu soo dhaafnay ayeey ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliyeed ay si xoog ah ula wareegeen deegaanka Taabta oo ka mid ah meellaha Shabaabku ay ku lahaayeen saldhiyada ugu wa weyn hasa ahaatee ay laad la dhaceen Mujaahidiinta qaranka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadda Dowladda Kenya oo xalay u soo tallaabay dhinaca Soomaaliya, ayaa waxay goor dhaw ay soo gaareen deegaanka Taabto ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbbada Hoose.

 

Hmmmmmmmmmmmmmmmmm ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka Naga soo gaarayo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa kuwarama in Xarakada Al-Shabaab ay guud ahaan faarujiyeen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose iyadoona ay halkaasi ay hada ku dhaw yihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Raaskanbooni ay Wehgliyaan Cidamo Kenyan ah.

 

Kabixitaanka Al-Shabaab ay ka baxeen Afmadow ayaa kadanbeysay kadib marki ay ka war heleen in Ciidamo Soomaali iyo Kenyan oo Diyaarado iyo Dabaabado Dagaal kuhubesan ay kaabiga kusoo hayaan Degmadaasi sidaa darteedna ay isaga baxeen Degmadaasi.

 

kahor inta aysan Shabaab ka bixin Afmadow ayaa lagu arkaya Diyaarado Dagaal fara badn oo dul heehabaya kuwaa oo ana wax duqeymo ah geesan balse cabsi galiyay Dadka Shacabka ah iyo Xarakada Al-Shabaab.

 

 

Dad Goob joogayaal ah ayaa ku warama in Xaalad Kacsanaan iyo cabsi ay hada ka jirto Degmada Afmadow mana jirto cid hada si toos ah u mamausha Degmadaasi ee labada dhinac marka laga reebo Shabaab oo ka abxay iyo Cidanka Huwanta ah oo kusi jeeda hada.

 

Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Danbe insha Allah.

 

Allbanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab oo ka baxday Afmadow

 

Wararka ka imanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda al-Shabaab ay xalay 3-dii habeennimo ka baxeen fariisimihii ay kaga sugnaayeen magaaladaasi.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan magaalada Afmadow, maleeshiyada al-Shabaab oo watay gawaari tekniko ah ayaa waxay u kala dhaqaaqeen dhanka Bu’aale iyo Kismaayo.

 

Ka bixitaanka al-Shabaab ee Afmadow ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamada DKMG ah iyo kuwa ururka Raaskaambooni ay ballaariyeen howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

 

Ciidamada dowladda waxay shalay la wareegeen deegaanka Qooqaani oo 58 km u jira Afmadow, iyadoo dagaalkii shalay ay ka qeybqaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya, sida uu noo xaqiijiyay Korneel Maxamed Cabdullaahi Yuusuf oo ka tirsan taliska hogaaminaya ciidamda dowladda ee gobollada Jubbooyinka.

 

Korneelka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, ilaa iyo inta ay ka wada saarayaan deegaannada gobollada Jubbooyinka.

 

Ma jiraan ilaa iyo hadda mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac oo ka hadlay ka bixitaanka al-Shabaab ee Afmadow.

 

Kala soco Bar-kulan wixii warar ee arrintan ku soo kordha.

 

http://www.bar-kulan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay iskaga baxeyn degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kadib markii duqeymo dhinaca cirka ah loo-geystay Shabaabkii ku sugnaa deegaanada Taabto iyo Qooqaani, oo labaduba hoos-tagg degmada Afmadow.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo wata gawaarida waaweyn ee xamuulka iyo kuwa dagaalada, ayaa waxay baneeyeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka arrimin jireyn mudooyinkii ugu dambeysay.

 

Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu goor dhaw uu shaaca ka qaaday in Xoogaga Shabaab ay iskaga baxeyn degmada Afmadow.

 

Sababaha ay Afmadow uga baxeyn ayaa wuxuu ku sifeeyay, in duullaano xoogan ay kala kulmayaan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaaya Ciidamadda Raaskamboni iyo buu yiri saaxiibadeena, iyadoo uusan sheegin cidda ay yihiin saaxibadoodu.

 

Cornel Maxamed Faarax Daahir ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Ciidamadda Raaskambooni ay ku wajahan yihiin degmada Afmadow, oo uu sheegay inaysan iminka ka jirin wax maamul ah.

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo ku aadan sababaha ay uga baxeyn degmada Afmadow, hase ahaatee Shabaabka ayaa waxay horey uga soo baxeyn deegaanada Taabto iyo Qooqaani.

 

La-soco wixii kusoo kordha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;751769 wrote:
JB kenya ba dan baa ugu jirto ciribtirka shabaab marka kaalintooda dagaal waa soo dhaweyneena..

How about Ethiopia ?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee ka howlgallaya gobollada Jubooyinka ayaa gaaray nawaaxiga degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaga oo aan la kulmin wax dagaal kala hor yimaada ama iska caabiya.

 

Saraakiisha hogaamineysa Ciidammada howlgalka ka wada gobollada Jubooyinka ayaa goor dhow inoo xaqiijiyey ini saacadaha soo socda ay Ciidammadu si buuxda u xaqiijin doonaan gacan ku heynta degmada Afmadoow ayadoo Ciidammaduna hada ay howdka ku dhow Afmadoow ay gebi ahaanba ka baareen Maleeshiyaad la sheegay inay qoryaha tuureen oo deegaanadaasi ku dhuumaaleysanayaan.

 

Dhanka kalena Maleeshiyada Kooxda Shabaab ee ku sugneyd degmada Afmadow ayaa lasoo sheegayaa in gebi ahaanba halkaasi ay faarujiyeen ayaga oo aan xitaa gaadiidkii dagaaalka kala bixin magaalada maadaama uu roob xoog leh oo deegaanka ka da’ay darteed ay ku adkaatay inay ku cararaan.

 

Saacadihii lasoo dhaafay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa guullo isdaba joog ah kasoo hooynayey howlgallo ay ka sameeyeen qaybo ka tirsan gobolka Jubada Hoose taasi oo qeyb ka ah howlgalka dalka looga sifeynayo Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this