Sign in to follow this  
djibsomali

What is it so majestic about borama and awdal???

Recommended Posts

After the heavy delegation of university of mogadisho, university of bossaso, garowe, hargeisa who has taken their training in Amoud university it is now the turn of south somalia clan elders that came to borama..

It is the first time ever that clan elders from south came directly to borama to train in traditional leadership ...

What is next??????????????????????????????????????????

 

 

Boorame(HWN) Maalinimadii shalay magaalada Boorama waxaa dib uga ambabaxay wafti balaadhan oo oday dhaqameedyo ka yimid koonfurta Soomaaliya oo dhanaa shan iyo toban xubnood.

 

Oday dhaqameedyadan oo soo gaadhay magaalada Boorama habeenimadii ay soo galaysay salaasadu ayaa socdaalkooda waxaa ku wehelinayay saddex xubnood oo oday dhaqameedyo Somaliland ah kuwaas oo iyagu ka soo raacay magaalada Hargaysa si ay u keenaan magaalada Boorama oo ay ahayd markii ugu horeysay ee ay yimaadaan oday dhaqameedyo koonfurta soomaaliya ka yimid.

Oday dhaqameedyadan ayaa mar ala markii ay yimaadeenba Boorama waxa ay kulamo gooni gooniya la yeesheen oday dhaqameedyadii beelaha Awdal sida uu noo xaqiijiyay mid ka mid ah oday dhaqameedyadii ay la kulmeen, kulankoodan ayaa waxa uu xanbaarsanaa sidii beelahan halkan ku nooli ay ugu guulaysteen nabadaynta, walaalaynta beelaha ay la nool yihiin in ay ka siiyaan waaya aragnimadii ay guushaas ku gaadheen ayna maanta natiijadeedii hoos hadhsanayaan.

Ugu danbayn kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen oday dhaqameedyadii ka socday koonfurta Somaaliya oo run ahaantii ahaa cududii koonfurta iyo oday dhaqameedyadii Awdal ayaa kulan balaadhan galinkii hore ee shalay iskugu yimid hotel Maana ee magaalada Boorama , halkaas oo labada dhinacba hadalo nuxur leh ay is waydaarsadeen, tallo iyo tusaale waaya aragnimo badana laga siiyay qaabkii iyo habkii quruxda badnayd ee ay ku gaadheen nabada ay iminka ku naaloonayso guud ahaan Somaliland.

Isku soo duuboo, waftigii oday dhaqameedka Koonfurta ayaa isla shalay ka anbabaxay magaalada iyaga oo aan ilaa iminka la sheegin meelaha kale ee ay sii mari doonaan, waxaase uu ahaa booqashadii ugu horeysay ee noocanoo kale ah ee ay ku yimaadaan oday dhaqameedyo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya raadinayayna bal in ay waaya aragnimo iyo tallo ka helaan bulshadan Alle ku manaystay Nabada iyo wada tashiga ee awdal.�

 

Wariye C/fitaax aam

Xafiiska HadhwanaagNews

Boorama

 

http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=47761

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this