Sign in to follow this  
Wiil Cusub

magaaladda Laascaanood iyo soo dhaweyn diiran oo uu kala kulmay

Recommended Posts

Laascaanood(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa saaka salaadii subax gaadhay magaaladda Laascaanood halkaas uu ilaa hada ku sugan yahay isaga iyo weftigiisiiba

Madaxweyne Siilaanyo oo socdaal ku marayay gobolada bari ee Dalka oo saaka la filayay inuu dadweynaha reer burco kala hadlo meel fagaare ah aya mar kaliya lagu wra helay isaga oo ka Jarmaaday isla markaan ku waabariitay badhtamaha Lascanod.

sida ay waaheen u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Madaxda la socota weftiga Madaxweynuhu waxa ay sheegeen in sii diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood goor dhaw na uu dadka la hadli doono Madaxweynuhu.

Magaaladda Laascaanood oo baqdin laga qabay Dilalka qorshaysan ee madaxda gobolkaasi lagu khaarajiyo ayaan illaa saaka wax dhibaaato ah aanu weftigi kala kulmin, waxaanay Saraakiisha dhinaca Amaanaku sheegayaan in ay xaaladu ilaa hada degan tahay oo aanay jirin wax cabsi ahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayaan labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska ayaa booqday Jiida hore ee Ciidamada Somaliland

Gambadha(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hogaaminaya wefti balaadhan oo ka tirsan Xukuumaddiisa, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo taliyayaasha labada Ciidan ee Milatariga Nuux Taani iyo Booliiska Saqadhi Dubad ayaa booqday fadhiisimada ay ciidamadda Somaliland ku leeyihiin xuduudka Somaliland iyo Puntland gaar ahaana afar fadhiisin oo ay aka mid yihiin Gambadha iyo Tukaraq, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo saraakiisha wehelinaysaaba uga jeediyeen Khudbado la xidhiidha hawsha ay Qaranka u hayaan.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay Ciidamadda ayaa ku booriyay inay xukuumaddu xil iska saari doonto sidii ay kor ugu qaadi lahayd taageerida Ciidanka isagoo sheegay Mushaharooyinkooda inay u hagar bixi doonto isla markaana darajadoodii sida ugu dhakhso badan loogu toli doono.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigaba waxa farxad galiyay Ciidanka Qaranka ee Jiidaasi degan oo uu mid mid salaan sharaf uga qaatay intii uu dhex marayay jiida ay degan yihiin, waxaana la filayaa inuu goor dhaw dib ugu soo laabto magaaladda Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood (RBC) Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyadoo amniga si weyn loo adkeeyey.

Wafdiga Axmed Siilaanyo ayaa waxaa ka mid ah taliyihiisa ciidamada Gen Nuux Taani iyo taliyaha booliska Maxamed Saqadhi Dubbad.

Wararka ayaa sheegaya in xalay markii uu Siilaanyo tegey magaalada bandow la saaray, waxaana magaalada la dhigay ciidamo fara badan oo ah kuwa booliska Somaliland.

Dhanka kale Axmed Siilaanyo iyo wafdigiisa ayaa saaka waabarigii booqday jiida hore ee Gambara iyo Tukaraq halkaasoo ay ku horfadhiyeen ciidamada Puntland iyo Somaliland oo sanadihii la soo dhaafay dagaalo ku dhexmareen.

Booqashada Axmed Siilaanyo ee Laascaanood ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago Laascaanood mudo siddeed bilood ah oo uu xilka hayey. Waxayna ku soo adeeysaa xilli magaalada Laascaanood ay ka taagan yihiin xaalado amaandarri oo aad u cakiran.

Ciidamada Somaliland ayaa dagaal ku qabsaday Laascaanood sanadkii 2007 xilligaasi oo ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan magaalada, waxaana tan iyo markii Somaliland ay qabsatay Laascaanood ka taagnaa magaalada falal dilal ah iyo qaraxyo iyadoo dhanka kale ay dadka deegaanka ka soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Come on now JB, you are the number 1 person that attacks photo's that don't make your secessionist government look good. I.e you are the only person that would claim the PL, TFG and NW Somalia health minister's representing Somalia at the WHO conference was photo shopped.

 

You can't choose what positive photo's you want to believe and which ones you will deny!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Jacaylbaro;750441 wrote:
Somaliland President is in Gambadha sxb ,,,,,, and visited Lasanod
:D

Sorry, he visited or is visiting the city? How long was he there for?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this