Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amisom peacekeeping forces on their way to the Garowe clan enclave

Recommended Posts

Puntland Oo Ciidamo Amisom La Keenayo

Lasanod Online Monday, October 03, 2011

 

Garowe,(Lasanod Online)-Afhayeenka maamulka Puntland Axmed Libaax Joore oo saxaafadda gudaha u waramay ayaa shaaca ka qaaday

 

arin beryahan soo baxaysay oo la xiriirta in maamulka C/raxmaan Faroole uu codsaday in 2,000 askari oo ka socda hawlgalka Amisom la keeno deegaanada Puntland ka dib markii dawladda Puntland wax ka qaban weysay xaalada amni.

 

Waxaa tan iyo Khamiistii ina dhaaftay magaalada Garowe ku sugan wafdi saraakiil ciidan ah oo gaaraya 10 xubnood kuwaa oo isugu jira saraakiil Uganda iyo Burundi ah iyo saraakiil ka socota DKMG Soomaaliya. Wafdigaasi oo si qarsoodi ah ku yimid Garowe ayaa waxay wadahadalo aan la ogeyn waxa ka soo baxay waxay la yeesheen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo saraakiisha amniga.

 

Afhayeenka Puntland oo markii ugu horeysay saxaafadda gudaha u waramay ayaa xaqiijiyey in ujeedada socdaalka wafdiga Amisom ee jooga Garowe ay tahay in ay indhadheeyaan xaalada amniga Puntland ka dibna ay u googol xaaraan ciidamo gaaraya 2,000 askari oo ka socda Uganda iyo Burundi oo la keenayo deegaanada Puntland. Inkastoo afhayeenka uusan sheegin in meel gaar ah la geynayo iyo inay amaanka madaxtooyada Garowe sugi doonaan.

 

Afhayeen Joore wuxuu kaloo warbaahinta u sheegay in sidoo kale socdaalka saraakiisha uu ku jiro in Puntland loo qaado askar loogu soo tababari doono Uganda kuwaa oo ah deeqaha DKMG ka hesho dibadda ee ay qeyb ahaan u siisay Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cumar Xersi “Libaax Joore”, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in deegaanada Puntland ay imaan doonaan laba kun oo askari oo Amisom ah.

 

Mr. Libaax Joorre, ayaa wuxuu tilmaamay in deegaanada Puntland ay ku sugan yihiin saraakiil ciidan oo ka kala soco, Amisom iyo Dowladda uu hogaamiyo Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna sheegay in dhinaca ammaanka ay ka wada hadleen.

 

Maamulka Faroole ee Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in laba kun oo askari oo Amisom ah ay imaan doonaan deegaanada Puntland, si’ay uga qeyb qaataan dhinaca amniga Puntland oo xilliyadii ugu dambeysay faraha ka sii baxaayay.

 

Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cumar Xersi “Libaax Joore”, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in deegaanada Puntland ay imaan doonaan laba kun oo askari oo Amisom ah.

 

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in labada kun ay ka kala imaan doonaan wadamada Uganda iyo Burundi, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku imaan doonaan qaabka ay hadda ku joogaan magaalada Muqdisho”.

 

Mr. Libaax Joorre, ayaa wuxuu tilmaamay in deegaanada Puntland ay ku sugan yihiin saraakiil ciidan oo ka kala soco, Amisom iyo Dowladda uu hogaamiyo Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna sheegay in dhinaca ammaanka ay ka wada hadleen.

 

Afhayeenka ayaa wuxuu xaqiijiyay in saraakiisha Amisom ay ogolaadeen baaq uu u horey ugu jeediyay Madaxweynaha Puntland, oo ku aadan in laba kun oo askari oo Amisom ah ay yimaadaan deegaanada Puntland, si’ay ammaanka uga qeyb qaataan.

 

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Uganda ay ogalaatay, in Ciidamadda Maamulka Puntland lagu soo tababaro gudaha dalka Uganda, isla-markaana wuxuu qeexay inay taasi si weyn u soo dhaweynayaan, ayna uga mahad-celinayaan.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Maamul Goboleedka Puntland sheego, in Ciidamadda Midowga Afrika ay imaan doonaan deegaanada Maamul Goboleedka Puntland, inkastoo aysan Puntland cayiman meelo gaar ah.

abdirahman

Share this post


Link to post
Share on other sites

uchi;749456 wrote:
Going through Garowe and heading to Somaliland perhaps?
:)

Only planes heading towards Garowe stop in Hargeysa and remember what happened last time

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

If this news is true.. I bet Faroole is after money for what he thought bringing AMISOM troops, $$ will be in his hands... Nice try mate..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Afhayeenka dowlada Puntland ayaa ka warbixiyey wefdi Saraakiil ciidan ah oo kasocda DKG ah ee Soomaaliya iyo AMISOM oo beryihii u danbeey socdaal booqasho ah ku marayey deegaanda Puntladn.

 

Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) oo Warbaahinta Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa sheegay in ujeedada wefdiga uu hormuudka u yahay Sareeye guuto Cabdiqaadir Sheekh cali diini ay Puntland u yimaadeen ay tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen ammaanka gobolada Puntland.

 

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Axmed Cumar (libaax joorre) ayaa sheegay in mudadii labada beri ahaa ee ay wefidgaasi joogeen magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ay booqdeen xeryaha ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo qaar kamid ah xarumaha dowlada.

 

Wuxuuna intaas ku daray in sidoo kale intii ay magaalada Garoowe ku sugnaayeen ay aad ula dheceen xasiloonida ka jirta magaalada Garoowe , islamarkaana ay ku tilmaameen inay tahay mid ka turjumeysa sida ammaanka guud ee Puntland la isugu hallayn karo.

 

Wefdigan oo uu horkacayo Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Sareeye guuto Cabdiqaadir Sheekh Cali diini oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM ayaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Waxaana halkaa ku soo dhoweeye Mas’uuliyiin uu kamid yahay Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland , Wasiiro , madax ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo.

 

Wefdigan Saraakiisha ciidan ka kooban ayaa inta ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin booqan doona xeryaha ciidamada Puntland ee ku yaalla magaalada Gaalkacayo iyo degaanada ku dhow dhow.

 

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax joore) ayaa ugu danbayntii wax kama jiraan ku tilmaamay war ay qaar kamid ah Website-yada Soomaalidu soo daabaceen oo ah in ciidamo Amiso ka tirsaan la keeni doono Puntland , wuxuuna xusay in warkaasi uu yahay mid haba yaraatee aan sal iyo raad lahayn.

 

Si kastaba ha ahaatee booqashada ay Wefdiga uu horkacayo Taliyaha guud ee ciidamada DKG ah ee Soomaaliya ay ku yimaadeen Puntland ayaa ah mid salka ku haysa sidii loo xoojin xiriirka labada dhinac , iyo sidii ay ugu kuur geli lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida degaanada Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil iyo Ciidamo Amisom oo ku sii Qul Qulaya Garowe.

 

Posted by pi on October 10th, 2011

Garowe(Puntlandi.com);- Magalada Garowe ee casimada Dawlada Puntland ayaa maalmihii udanbeeyay waxaa ku sii qul qulayay saraakil Amisom.

 

Saraakiisha iyo cidamada ayaa ka soo kicitimay magalada muqdisho ee casimada Somaliya waxaana imaatinkooda Garowe lagu saleeyay in ay adkeeyaan amaanka wafuuda qaran ee shirka ka soo qaybgalaysa.

 

Gacan ku haynta amaanka Garowe inkastoo ay horay u sugeen ciidamada amaanka ee Puntland hadana imaatinka ciidamada Amisom waxaa lagu sheegay dalab ka yimid madaxda sare ee Dawlada Somaliya kuwaa oo lagu wado in shirka ka soo qaybgalaan.

 

Waxaa sidoo kale Puntland soo gaaray taliyaha ciidanka xooga dalka Somaliya waxaana uu amaanay amaanka iyo kaladanbaynta kajirta deganada Puntland waxaana uu sheegay in imaatinkiisa Puntland ay go gol xaar utahay shirka wadatashiga.

 

Puntlandi.com Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Xaaji Xunjuf;751039 wrote:
Saraakiisha iyo cidamada ayaa ka soo kicitimay magalada muqdisho ee casimada Somaliya waxaana imaatinkooda Garowe lagu saleeyay in ay adkeeyaan amaanka wafuuda qaran ee shirka ka soo qaybgalaysa.

Maybe this lunatic should read his own articles. They are there to protect Sheikh Hotel and only for temporary reasons.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Well well well..

 

 

Wednesday, October 26th, 2011 at 02:40 pm

Khaliif Ciise Mudan oo Qiray in Amisom ay u Yeerteen Sheegayna in Beelaha Hubka Xoog looga Qaadi Doono

 

 

 

 

Khaliif Ciise Mudan

Gaalkacyo (RBC) Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in Puntland ay u yeeratay ciidamo ka socda Amisom kuwaasoo uu sheegay inay wax ka qaban doonaan amni darrida ka jirta Puntland.

“Waa run anagaa dalbanay Amisom, waayo ciidankaan waxaa loogu talagalay inay dalkoo dhan ka hawlgalaan.., Puntland waxay weydiisatay DKMG iyo Amisom inay ciidamo keenaan Gaalkacyo marka iyaga ayaan ka warsugeynaa”
ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

Khaliif wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in haddii ay yimaadaan Amisom ay wax weyn ka bedeli karaan xaalada amaanka, isagoo qiray in amnigii gudaha uu faraha ka baxay, maalin kastana waxaa dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan, siduu qiray Khaliif Ciise Mudan oo hore u ahaa ganacsade dhowaana madaxweyne Faroole uu u magacaabay wasiirka amniga.

“Anagu wax dhibaato ah uma aragno, dadka leh Amisom waxay keeneysaa dhibaato waa kuwo NABADA DIIDAN”
ayuu yiri wasiirka oo saadaaliyey in dadka reer Puntland ay raali ka noqon doonaan imaanshaha ciidamada ka socda Uganda iyo Burundi. Wuxuuna si kulul u dhaleeceeyey warbaahinta sheegewysa in Amisom ay maalin walba duqeyso shacabka reer Muqdisho isla markaana aysan kala jecleyn reer Muqdisho iyo reer Puntland.

Ciidamada waxaan geyn doonaa meelo cayiman, waxaana qorshaha iyo maamulka yeelanaya dawlada Puntland”
ayuu yiri Khaliif Ciise.

Sidee beelaha hubka looga dhigayaa?

Wasiirka amniga Puntland wuxuu sheegay in maamulku uu diyaarinayo qorshe ballaaran oo dadka hubka looga dhigayo, isagoo sheegay in cidii diida inay hubkeeda maamulka ku soo wareejiso si qasab ah looga qaadi doono.

“Maalin walba qabiilada ayaa isdagaala, waxaa dhaca falal amni daro waxaana waxaas sabab u ah hubkii oo dadku wada heysto, marka dawladu waxay bilaabaysaa hub ka dhigis”
ayuu sii raaciyey wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii madaxweyne Faroole oo hadal ka jeediyey magaalada London uu shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu weydiistay in Amisom ka caawiso sugida amniga ka dib markii ciidamada maamulku ay ku guuldareysteen wax ka qabashada amaanka dadweynihii ay masuuliyadooda qaadeen.

Waxaase dadweynuhu isweydiinayaan waxa ay qabanayaan ciidamada 10-kun ka badan lagu sheego ee dawlada mushaharka siiso mar haddii sugida amniga loogu yeeray Amisom.

RBC Radio

 

39 Responses for “Khaliif Ciise Mudan oo Qiray in Amisom ay u Yeerteen Sheegayna in Beelaha Hubka Xoog looga Qaadi Doono”

http://www.raxanreeb.com/?p=117009

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this