Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Interesting Meeting in Hargeisa - AT Was There So they said

Recommended Posts

Hargeysa(Waaheen)-Wasiir ka tirsan Dawlada Goboleedka Somalida Itoobiya oo ay Weheliyaan Madaxda Saafarada Itoobiya ee Somaliland ayaa maanta Kulan ay Albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Magaalada Hargeysa Jaaliyada u dhalatay Kilalka shanaad ee Itoobiya eek u dhaqan Magaalada Hargeysa.

 

Kulankan oo ka dhacay Hoteelka Crown ee Magaalada Hargeysa, waxa soo qabanqaabisay Safaarada Itoobiya ee Somaliland, iyadoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Dib u dhiska iyo Jidadka Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya ee Kilalka dhanaad oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa hargeysa, Madaxda Safarada Itoobiya ee Somaliland, Saraakiil ka tirsan Dawlada federaalka Itoobiya iyo Boqolaal ka mida Jaaliyada Somalida ah ee u dhalatay Kilalka shanaad ee Itoobiya, kuna nool Caasimada Somaliland Hargeysa.

 

Safiirka Safaarada Itoobiya ee Somaliland Janaraal Barra Tasfaaya oo shirkaasi oo ahaa mid aan Saxaafada loo ogolayn ka hadlay ayaa ka waramay Jidkii ay Dawlada itoobiya ee hada talada haysaa u soo martay inay dalka Itoobiya ka dhisto dawlad Dimuquraadiya, kana takhalusto Xukunkii Dergiga ahaa ee Boqor Haile Maryam.

 

Waxaanu sheegay in Ururkii EPRDF uu Halgan dheer u soo galay inuu dalka Itoobiya ka xoreeyo waxa uu ku tilmaamay Dergigii macangaga ahaa ee Haile maryan, kana hirgeliyo nidaam dawladeed oo ku dhisan Dimuquraadiya, kaasoo uu tilmaamay inuu Dalkaasi gaadhsiiyay Horumar dhaqaale iyo mid Siyaasadeed oo muuqda.

 

Mr Tasfaaya waxa uu si kulul u dhaleeceeyay, Jabhadaha dagaalka kula jira dawlada Itoobiya, kuwaasoo uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday dalka Itoobiya, iyagoo gumaad iyo tacdi joogto ah ku haya Shacbiga Itoobiya, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolada Kilalka shanaad ee itoobiya.

 

Safiirka Somaliland ee dawlada Itoobiya waxa uu Jaaliyada Somalida ah ee Reer Itoobiya ugu baaqay inay wada shaqayn iyo xidhiidh dhaw la sameeyaan Dawladooda, iska fogeeyaan afkaarta guracan ee ay wataan Kooxda UBO ee ONLF, kuwaasoo sheegay inay cadaw ku yihiin Dalka iyo dawlada Itoobiya, waxaanu halkaasi ku soo bandhigay guulo fara badan oo uu sheegay inay Dawlada Itoobiya ku talaabsatay tan iyo markii laga takhalusay Boqortooyadii Dergiga ahayd ee Boqor haile Maryam.

 

Horumaradaasoo uu jaaliyada u soo jeediyay inay aaminaan oo kula shaqeeyaan Dawladooda.

 

Wasiirka Dib u diska Jidadka Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Khadar Cabdi Ismaaciil oo isaguna shirkaasi ka hadlay ayaa si kulul u weeraray Jabhada ONLF, taasoo uu ku eedeeyay inay shacbiga dawlada Deegaanka Somaliya ka reebtay Dalka Itoobiya intiisa kale, waxaanu cadeeyay inay Jabhadaasi gudaha ********iya si joogo ah uga fuliso Weeraro ay ku bar tilmaameedsanayso shacbiga aan waxba galabsan “ Kooxda UBO waxay agoomo ka dhigeen 5000 oo Caruura, waxay maalin kasta gumaad ku hayaan dadka Shacbiga ah, waxay dhibaato ku yihiin Noloshii dadka, waana cadawga ********iya, maaha inay dadka yidhaahdaan waanu idin xoraynaynaa, hadii ay wax xoraynayaan maxay labaatankaasi sanadood guul u gaadhi waayeen” ayuu yidhi Mr Khadar.

 

Waxaanu intaasi ku daray “ markaa maaha in afartan Nin ee Dibadaha ka hadlaa, umadda jahawareeriyaan oo been u sheegaan, waayo Caafimaadkii dadka ayay dadka ka hortaagan yihiin, waxbarashadiibay u diidan yihiin, Noloshii kale oo dhan ayay ku xidheen, markaa miyaanay cadaw ahayn, waa cadaw” ayuu yidhi Wasiirku

 

Waxaanu gabagabadii ugu baaqay Jaaliyada Somalida Itoobiya ee shirkaasi ka soo qayb galay ugu baaqay inay gacan ka geystaan Horumarka balaadhan ee ay Dawlada Deegaanka Somalidu ku talaabsatay muddooyinkan dambe, isla markaana taageeraan Dawladooda.

 

Kulankan oo gabi ahaanba aan Saxaafada loo ogolayn ayaa intii uu socday , waxa si weyn loo adkeeyay Hudheelkii uu ka socday, iyadoo gabagabadiina sida la sheegay uu guul iyo is afgarad ku dhamaaday.

 

Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay isku soo hor-fadhiistaan Madax ka socota Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Jaaliyadeeda ku nool Somaliland, waxaana la sheegay inuu daba socdo kulamo noocan oo kale oo ay Madaxda Dawlada Kilalka shanaad ku xidhiidhinayso Mawaadiniinteeda ku nool wadamada Jaarka la ah.

 

Dhinaca kale waxa uu shirkani ku soo aaday xili ay wax yar ka hadhsanyihiin wakhtigii ay Xukuumadda Somaliland u qabatay dadka sida sharci darada ah ku jooga wadankeeda, kuwaasoo ay ugu horeeyaan dadka ka soo jeeda Qoomiyadaha Itoobiya ee Somaliland sharci darada ku jooga.

 

Waxaana xusid mudan inaanay Xukuumadda Somaliland cidi uga qayb galay Shirkaasi, ilaa hadana la ogayn mawqifka dhabta ah ee ay ka taagan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

^^ Oo adba maad resourceful noqotid, ma cid baa faraha ku haysata? Mise revolutionary been beenaa tahay, Che Guevarana waad la baxdee?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;749168 wrote:
One gotta admire the Woyanes, they are resourceful bunch.

Not at all, just arrogant - indha adayg

 

Dawlada itoobiya ee hada talada haysaa u soo martay inay dalka Itoobiya ka dhisto dawlad Dimuquraadiya, kana takhalusto Xukunkii Dergiga ahaa ee Boqor Haile Maryam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this