Sign in to follow this  
The Zack

Tarzan to get a new job..

Recommended Posts

The Zack   

You know the current Banadir governor and Mogadishu mayor, right? Well if you don't, his name is Tarzan and he used to live in London before Shariif Canbe got the presidency. I am being told that he will be appointed as the new ambassador to Turkey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Kn: Warar KismaayoNews kasoo gaaray caasimadda ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir lagu wado in loo magacaabo safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, iyadoo xilkiisa gobolka Banaadirna loo magacaabi doono nin cusub oo qurbo-joog ah.

 

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ka sokoow in xukuumada cusub ay dooneyso in ay wax ka badasho maamulka Banaadir hadane Maxamuud Tarzan uusan ahayn bartilmaameedka balse xil ka tagistiisa la doonayo in daadka lagu qaadsiiyo xubnaha kale ee maamulkiisa oo qaarkood lagu eedeeyey in ay amaandarada magaalada qeyb ka yihiin.

 

Xaflad balaaran oo dhawaan ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha DKMG ah, wararku waxa ay sheegayaan in xafladaasi qeyb ahaan ay ahayd mid taageere uu madaxweynaha ugu muujinayay Tarzan, waxaana la arkayay madaxweynaha iyo Tarzan oo shirib isla tumanaya sawiro lagu faafiyey warbaahinta qaranka.

 

Magacaabista Tarzan ee Turkiga ayaa lagu micneeyey in ay tahay jagada ugu haboon ee wasiirnimo ka hooseyso ee lagu abaalmarin karo Tarzan oo lagu amaanay waxqabadkii uu caasimadda ka geystey, waxqabadkaasi oo uu ku abuurtey cadaw badan oo kasoo horjeedey sida uu wax u qabtay.

 

Markii ay dowladda la wareegtey caasimadda waxa loo baahney istaraatiijiyad cusub oo lagu hanto caasimadda, iyadoo qorshihii Tubta Toosan (Roadmap) ee shirkii wadatigasha uu dowladda qasab kaga dhigayo in maamul adag ay ka samayso caasimadda inta aanan laga hadlin meel kale oo ay ka taliso dowladda.

 

Gudoomiyaha cusub oo aanan wali la shaacin waxaa laga doonayaa in uu soo magacaabo gudoomiyeyaal cusub oo ah degmooyinka gobolka Banaadir, dowladda waxa ay si gaar ah u dooneysaa in ay meesha ka saarto gudoomiyeyaal degmooyin oo lasoo baxay falalkii hogaamiye kooxeedyada, waxaa sidoo kale laga doonayaa in uu wax ka badali qaabka uu haatan maamulka u dhisanyahay oo awoodo badan oo uu gudoomiyuhu lahaan lahaa siinaya ku xigeenadiisa taasoo ay ka timaado qalalaaso.

 

Safiirka Turkiga u fadhinaya dowladda ayaa saameyn badan ku yeelanaya maamulista deeqaha badan ee Turkiga uu Soomaaliya siinayo.

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lool@abmashadoor.

 

tarzan is naceska ugu wayn Somalia. In nairobi people are saying Tarzan sent 30 of his relatives to Turkey scholarships. Mr. cambe sent 120 of his family to turkey. minority clans didn't get any scholarships from mogadishu at all. All scholarships went to shariif cambe family and tarzan close relatives.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ heheheh hadee thats the coffee shop talk + Kismaayo news quite funny mix,,, nobady took it personal sxb walahi just love ur coffe shop talk, if u want this so called news to be taken serious atleast back ur story with a credible source and evidence,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ lool haye waa kow taasi haddee kan ka koreeyaana ka waran, i am being told .... meeshaad ku qortay, hade provide uswith another source oo an aheyn kismaayo news since u are being told,, mise waa the coffe shop talk ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^I guess you don't have connections from the hearts of Somalia hence your misunderstanding of my earlier statement. Unlike many, some of us don't rely everything on some "news" portals writen in living rooms of unemployed indiviuals. Some of us do hear directly from the ground. Calaa iyo xaal, just watch the news in the next few weeks, you will hear uncle Tarzan has moved to Turkey. Hopefulll they will appoint a local person for the mayor/governor post this time. The keyword here is "hopefully".

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOOOOL haye ii wad sheekadaa,, sxb waxba ha is cajabin what happened to hassan daahir surrendering to Amisom, atleast i have reliable connections in madaxtooyada and Nairobi, afhayeeno,saraakiil milleteri,xildhibaano and safiiro and warkaan hadey run ahaan lahed trust me i would know sxb rageedi waaye Tarzan wuu na istaahila safiir laga dhigo..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Deeqdii Waxbarasho ee Dowlada Turkey siisey Puntland, oo ey qeybsadeen reer Mudug iyo Reer Nugaaleed.

 

 

Akhristayaal hadii aan nahey reer Puntland waxaan mar-waliba ka dagaalanaa cadaalad-xumo iyo in dowlada TFG-Somalia ey-ku tumato xuquuqda reer Puntland, Hadaba webkan Allsanaag ayaa horey uuga hadley deeqadii waxbarasho ee Dowlada, Turkey siisey Soomaaliya oo Mogadishu lagu qeybsadey ayaa nasiib-wanaag waxaa Puntland loo qoondeeyay 118 Ardey. Hadaba waxaa nasiib daro ah in,deeqdii Waxbarasho ee Puntland la siiyay 2,Gobol bal aan eegno qaabkii ey wax u dhaceen. Waxaa arin lagu qoslo ah Wasaarada-Waxbarashada Puntland warkii ey maanta sheegtay oo ahaa in Ardey 5.000 qof ah laga qaadey.

 

Imtaxaan iyagoo laga wada keenay gobolada, kadibna Imtaxaankii lagu saxey muddo 2,saacadood. Aduunyada lama sheegin Imtaxaan sidaa u weyn oo ey ka qeyb galeen kumanaan dad ah oo lagu saxey 2,saacadood, hadaba marka la eegayo sixida imtaxaanaatka waxaa sameeya guddi madax-banaan waxana guddigaas qiimeeyaan oo ey si-qoto dheer uu eegaan natiijada Imtaxaanaadka, Aduunyada horor-u martey waxa aad ku arkeysaa sixida Imtaxaanaadka oo muddo qaadata si Ardey walba u helo xaqiisa. Hadaba waxaa maanta Puntland ka dhacdey Khiyaano iyo ceeb aan horey u dhicin, waxaa maanta Garowe lagu ansixiyay natiijadii Imtaxaanka oo been aheyd iyo qaabka wax loogu qeybshey ardeydii Imtaxaanka gashey. Hadaba hoos ka akhri shaxda ardeyda loo qeybshey.

 

Gobolka Mudug 42,Xubnood

Gobolka Nugaal 66,Xubnood

Gobolka Bari 5,Xubnood.

Gobolka Karkaar 1,Xubin

Gobolka Sanaag 1,Xubin

Gobolka Haylaand Waxba

Gobolka Sool 5,Xubnood

Gobolka Ceyn Waxba

 

Hadaba Wasiirka Waxbarashada Cabdi-Faarax Juxa hadii ey cadalaadiisu sidan noqotey maxaa la gudboon dadka ka soo jeeda gobolada aan xaqooqdi lasiin.

 

 

A) Waa iney u qoraan cabasho iyo codsi, Wasaarada Waxbarashada TFG-Soomaaliya iyo Dowlada Turkey iyagoo u cadeynaya musuq-maasuqa uu sameeyay

wasiirka Waxbarashada Puntland Juxa iyo Dowlada Puntland.

 

 

B) Ardeyda kasoo jeeda gobolada xaqoodi la-duud siiyay waa iney sameeyaan Banaanbaxyo nabad ah iyagoo muujinaya shucuurtooda iyo qaabka loo dhacey deeqdii Waxbarasho ee dowlada Puntland heshay.

 

 

C) Ugu danbeyn dadka reer Puntland ee wanaaga iyo horomarka jecal waa iney arintaan ka hor-tagaan hadii kale Puntland waxa ey cagta saareysaa dhabad- burburka iyo kala taga.

 

 

Fiiro-Gaar, Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Juxa, hadii uu cadaalad moodey inuu Nugaal 66, Xubnood siiyo iyo Mudug 42, Gobolka ugu dhaqaalaha iyo dadkaba badan ee Bari uu helo 4, Xubnood waa arin lagu qoslo Taariikhdana meel ku qormeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Liqaaaye, good to see you again bro. Man that sounds a rip off! The 4.5 rule has been carelessly violated. Maryooleey are maryooleey. I bet farole gave it to his people and shariif canbe has prolly done the same thing.

 

Waryaa oba lool@madaxtooyada. Ok fine, you are an insider for obvious reasons :). Don't be so defensive sxbkey, I still haven't said anything about Tarzan's qualifications for this position. Not yet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack im not defensive i just know how kismaayonews works copy and paste,,

 

 

September 02, 2011 - QOL - Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay Villa Soomaalia oo laga helayo saacadihii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Tarsan ee wareershay dadka reer Muqdisho dhawaan loo wado in uu dalka dibadiisa xil ka qabto.

 

Xogta ayaa kudareyso in madaxweynaha kulan la qaatay Tarsan asagoo kala hadlay xil qadaadis taas inkastoo Tarsan madaxweyaha usheegay in isbadal badan kawado gobolka banaadir codsanaayo in xilkaas laga qaadin.

 

Madaxweynaha aya kusabarsiiye mudane Tarsan in lobadeli doono mid kamid ah safaaradaha ugu mashquulkabadan dowlada Soomaaliya kuleedahe dalalka caalamka inkastoo warar hoose sobaxayaan.

 

Arimo dhowr aya kasoo baxaayo arinkaas oo shegaya in madaxweynaha dowlada Soomaaliya soo gaartay warbixin shegeyso in Mareeykanka iyo midowga Yurub qorsheynayaan in xilka kaqadaan taasina sababtay in madaxweynaha umagacaabo xilkaan safirnimo madaama madaxweyne Shariif guryo waa weyn kuleeyahe dalka Turkiga oo qorsheynaayo goorta oo ka dago xilkaan oo saldhig kadhigto.

 

Sidoo kale, Warbixintaan ayaa raacineyso in Dowada Turkiga soo codsatay in safiir cusub losoo magacabo si loo xoojiyo xariirka kadhaxeyo laba dowladood madaama dowlada Turkiga qorsheyno in bishana duulimaad diyaaradeyd iyo Safaarad kafurato magalada Muqdisho sida uu balan qaaday ra'isulwasaraha dalkaas.

 

http://qaranimo.com/2011/sept/tarsan_laguwadao_inlagadhigo_safiir_sept_02_2011.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;749100 wrote:
Zack im not defensive i just know how kismaayonews works
copy and paste
,,

Kismayonews is writen by professional journalists who went to real journalism schools. They do write correct Somali with high-level vocabulary. I believe their news over many mini portals that a lot follow.

Anyways are you rebuffing the news? If so, why don't just clearly say so instead of huffing and puffing all around the place LOL. We shall see how it unfolds. Shariif Canbe is so predictable, waa nin liita.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this