Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Abdirahman Mohamed Mahamoud Farole en route to London God-willing

Recommended Posts

GAROOWE: Madaxwaynaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo uu ku sii jeeda Dalka Ingiriiska

 

October 12, 2011

 

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

 

4-300x156.jpg

Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay Puntland

 

Safarka Madaxwayna Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qayb galayaan shir looga hadlayo ka hortaga falalka burcad badeedka oo ka dhacaya wadanka Britain gaar ahaan magaalada London.

 

Hadal kooban uu madaxwaynaha Puntlanda Saxaafada ku siiyay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu tilmaamay shirkaasi ka dhacaya magaalada

London uu yahay mid intiisa badan looga hadlayo nabaad guurta iyo xaalufka kooxaha burcad badeedka ay ku hayaan biyaha soomaaliya.

 

Waftiga uu hogaaminayo madaxwayne waxaa ka mid ah wasiirka dekadaha iyo la dagaalanka burcad badeedka, Xoghaynta gaarka ah ee madaxwaynaah ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland.

 

Waxaana lagu waddaa inay kusoo hakan doono magaalada Nayroobi oo ay kulan kula qaadanayaan hay’adda caalamiga ah ee daneeya arimaha Puntland.

 

Siciid Cabdisalaam Siciid

Wakiilka Puntlandpost-Garowe PL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo u kicitimay London iyo Kuxigeenkiisa oo Garoowe ku soo laabtay+Sawiro

 

October 12, 2011

 

Madaxwaynaha Puntland Dr Crixmaan Sheikh Maxmed Maxamuud Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaraha ee magaaalda Garawe iyagoo oo ku sii jeeda magaalada London ee Caasimada Dalka Ingriiska Halkaas oo uu ka dhacayo kulan looga hadlayo arimaha Burcad badeeda iyo arimo kale.

 

Madaxweynaha ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee dalka kenya oo ay isaga iyo wafdigiisuba kulan kulayeelan doonaan dowladaha daneeya arimaha Soomaliya kadibna usii gudbidoonaan magaalda London ee dalka ingiriiska.

 

Madaxwayanaha oo inta uusan ka duulin garoonka diyaaraha war fidiyeenka hadal kooban siiyey ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey socdaalkodaiyo cida ay la kulimi doonaan waxaana uu sheegay in ay ku horayndoonana magaalada Nairbobi oo ay kula kulmayaan dalalka daneeya arimaha Soomaliya wakiilada ujooga dalka Kenya iygoona uga sii gudbidoona dalka England oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah uu sheegay madaxwaynu in uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan dhibaatooyinka burcad badeedu ku hayso soomaliya gaar ahaan Puntland oo kamid ah meelaha ay burcad badeedu sida wayn u saamaysay.

 

Madaxwaynaha waxaa ku waheliyey safarkiisa xubo ka mid ah golaha xukuumada iyo gudiga doorashooyinka

Dhankale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garawe madaxwayne ku xigeeen Puntland Gen C/samad Cali Shire oo baryahan dalka dibadiisa ku maqanaa.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu safarkiisan uu ugu soo laabtay magalada Garoowe xarunta Puntland uu kaga yimid wadamo dhoowr ah ooka mid ah wadamada Deriska sida Wadamada Ethoipia iyo Kenya.

 

DAAWO SAWIRADA IMAANSHADA MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO SAFARKII MADAXMYNAHA.

 

Sawirada MAdaxweynaha Safarkiisii

 

Maxamed Siciid Maxamed

SBC International Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Puntland oo kicitimay Britain iyo ku xigeenkiisa oo dalka ku soo laabtay

 

Madaxweyne-faroole-2.jpeg

 

Madaxwaynaha Puntland Dr Crixmaan Sheikh Maxmed Maxamuud Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaraha ee magaaalda Garawe iyagoo oo ku sii jeeda magaalada London ee Caasimada Dalka Ingriiska Halkaas oo uu ka dhacayo kulan looga hadlayo arimaha Burcad badeeda iyo arimo kale.

 

Madaxweynaha ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee dalka kenya oo ay isaga iyo wafdigiisuba kulan kulayeelan doonaan dowladaha daneeya arimaha Soomaliya kadibna usii gudbidoonaan magaalda London ee dalka ingiriiska.

 

Madaxwayanaha oo inta uusan ka duulin garoonka diyaaraha war fidiyeenka hadal kooban siiyey ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey socdaalkoda iyo cida ay la kulimi doonaan waxaana uu sheegay in ay ku horayndoonana magaalada Nairbobi oo ay kula kulmayaan dalalka daneeya arimaha Soomaliya wakiilada ujooga dalka Kenya iygoona uga sii gudbidoona dalka England oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah uu sheegay madaxwaynu in uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan dhibaatooyinka burcad badeedu ku hayso soomaliya gaar ahaan Puntland oo kamid ah meelaha ay burcad badeedu sida wayn u saamaysay

 

Madaxwaynaha waxaa ku waheliyey safarkiisa xubo ka mid ah golaha xukuumada iyo gudiga doorashooyinka.

 

Dhankale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garawe madaxwayne ku xigeeen Puntland Gen C/samad Cali Shire oo baryahan dalka dibadiisa ku maqanaa.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu safarkiisan uu ugu soo laabtay magalada Garoowe xarunta Puntland uu kaga yimid wadamo dhoowr ah ooka mid ah wadamada Deriska sida Wadamada Ethoipia iyo Kenya.

 

Maxamed Siciid Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President left for London today passing by/through Kenya where he will attend an International Conference on how to combat Piracy effectively. He is accompanied by members of the President's cabinet as well as the Chairman of the Puntland Electoral Committee (PEC).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha oo Britain aaday

 

12 Oct 12, 2011 - 5:41:45 AM

 

GAROWEONLINE

 

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Garowe iyagoona ku sii jeeda dhanka dalka Britain si ay uga qayb galaan shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda.

 

Wafdiga Puntland uga qaybgalaya shirka ka dhacaya London oo uu horkacayo Madaxweynuhu ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng,Siciid Maxamed Raage,gudoomiyaha gudiga doorayooshinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo Yuusuf Maxamed Xasan oo katirsan xafiiska Madaxweynaha.

 

Garoonka diyaaradaha Garowe International Airport ayaa sagootinta Madaxweynaha waxa ka qayb qaatey madaxweyne ku xigeenka Puntland ,gudoonka barlamanka,wasiirada xukuumada, mudnayaasha barlamanka,saraakiisha ciidamada booliska iyo daraawiishta Puntland.

 

Ka hor inta uusan bixin ayuu Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxaa uu hadal kooban siiyey saxaafada oo ku saabsan socdaalkiisa,waxana uu sheegay in ugu horeyn magaalada Nairobi uu sii mari doono kulamona la qaadan doono wakiilada dalalka caalamka ee daneeya Somaliya u fadhiyana halkaasi.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay intaasi kadib in uu aadi doono London si uu uga qaybgalo shir halkaasi ka dhici doonoa oo loogu magac darey Todobaadka La Dagaalanka Burcad badeeda loogana hadli doono si burcad badeeda dhibaatada ku noqotay aduunka la iskaga qaban lahaa.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi ay kasoo qaybgali doonaan dalalka caalamka qaar,hayadaha caalamiga ah, shirkadaha maraakiibta iyo qaar shirkadaha caymiska aduunka.

 

‘’Anigu khudbadaan halkaasi kasoo jeedin doono waxaan sheegi doona sida ay ku dhalatay burcad badeednimadu,marxaladaha ay mareen,heerka ay maanta joogaan iyo Puntland juqraafi ahaan meesha ay kaga taal aduunka oo ah meel halis ah oo loo soo ugaarsi tago’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamed Maxmuud.

 

Mar su’aal la waydiiyey Madaxweynaha oo kusaabsan rajo intee le’eg ayay Puntland ka qabtaa in beesha caalmku fuliso balanqaayada ku saabsan

ladagaalanka burcad badeeda? Ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey arintaasi isga tilmaamey in aduunka ay soo kartey falalka ay ku kacayaan burcad badeedu haatana loo baahanyahay in la iska kaashado sidii loo joojin lahaa.

 

Dhanka kale waxaa maanta gegida daiyaaradaha Garowe waxaa soo gaarey wafdi heer sare ah oo ka tirsan Puntland safaro shaqana dalka dibadiisa ugu maqnaa waxana horkacayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen,Cabdi samad Cali Shire sidoo kalena waxa ka mid ahaa wafidga wasiirkahaweenka iyo arimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye iyo duqa degmada Garowe Cabdi casiis Nuur Cilmi Koor.

 

Waxaa xusid mudan in shirka 17 bishan ka furmi doonaa magaalada London burcad badeedana looga hadlayo ay Puntland tahay wafdiga keliya ee kascoda Somaliya oo ka qaygalaya shirkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Vice President Abdisamad shaking hands with Security Minister Khaliif C Mudan, the Vice returned today to Garoowe from his working visit to Ethiopia&Kenya.

 

sagot5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.C/raxmaan Faroole oo safar ku imaanya Dalka Ingiriiska

 

October 12, 2011 - Written by editor

 

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi la socda ayaa la filyaa in ay dhawaan soo gaaraan dalka Ingriiska iyagaoo ka hellay casumaad rasmi ah dowllada dalka Ingriiska.Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa inta uusan iman dalka Ingriiska waxaa warar hoose ay sheegayaan in uu soo mari dona dalka Kenya uuna kulamo la qaadan doono xubno ka tirsan beesha caalamka.

 

Ilaa hadda ma jiraan warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntlland balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay saxaafada hesho xog ku saabsan safarka madaxweynah Puntlland.

 

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi la socda oo ka dhoofay Garoowe

 

October 12, 2011

 

Garoowe:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynah Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe , madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntlland Siciid Maxamed Raage , Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xassan iyo Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur.

 

Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo saxaafada uga waramay safarka madaxweynaha ayaa xusay in madaxweynaha Puntlland uu sii mari doono dalka Kenya ka dibna uu uga gudbin doona dalka Ingriiska oo uu uga qayb geli doono shirk u saabsan burcadbadeedka oo ay ka soo qayb geli doonaa dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya

 

Afhayeenka xukuumada dowllada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax Joor ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntlland uu dalka Ingriiska kula kulmi doono Jaaliyadda Puntlland eek u nool dalka Ingriiska isagoo uga xog warami doona xaalada dhinaca amaanka iyo horumarka ee ka jirta Puntlland.

 

Dhinac kale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdi samad Cali Shire iyo wadi uu hogaaminayey oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka Itoobiya , Madaxweyne ku xigeenka Puntlland ayaa noqday ku simaha Madaxweynaha Puntlland sida uu sharciga u degsan Puntlland ku xusan matka uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Puntlland Dr CabdiraxmaanFaroole.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weynaha Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka dhoofay Garowe, kuna sii jeeda Ingiriiska.

 

Wed, 12 Oct 2011 10:50:14 -0400 am -04:00 -14400

 

Garowe, Oct 12 – M/weynaha dawladda Punland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaraha ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

 

M/weynaha iyo waftigiisa ayaa ku wajahan waddanka Ingiriiska halkaasi oo ay ka heleen martiqaad rasimi ah ayna kaga qaybgali doonaan shir khuseeya arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna ula xiriira burcad-badeedda sida uu M/weynuhu ku caddeeyey shir saxaafadeed uu garoonka ku qabtay.

 

M/weynuhu waxaa uu sheegay shirkaasi in ay Puntland ahaan horgayn doonaan qodobo badan ee ku saabsan burcad-badeedda gaar ahaanna hababkii xal buuxa looga gaari lahaa joojinta falalka burcad-badeednimada, oo M/weynuhu ku tilmaamay mushkilad caalami ah, isagoo xusay burcaddu in ay tahay dhibaatoa ka dhalatay gurubsiga sharci-darrada ah ee lagu hayo khayraadka badaha Soomaaliya.

 

M/weynaha waxaa socdaalkiisa dibabadda ee maanta bilawday waxaa ku weheliya wasiirka dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage, wasiiru-dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Prof. C/qaadir Xaashi, guddoomiyaha guddiiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, agaasimaha hay’adda la dagaallanka burcad-badeedda iyo qaar ka mid ah xoghayeenadiisa gaarka ah.

 

M/weynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii hakan doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo ay kulamo kula yeelan doonaan madax badan oo beesha caalamka ah.

 

Safarka m/weynaha Puntland uu ku aaday dalka Ingiriiska ayaa ku soo beegmay xilli ay muuqdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo gobolka quseeya sida safarkii m/weyne Siilaanyo uu ku yimid deegaanno ka mid ah gobollada SSC, iyo u dhag-taagid la xiriirta shirkii wadatashiga ee lagu waday in Puntland lagu qabto kaasoo uu cago jiid ka muuqdo.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo Maanta Garoowe ka Dhoofay

 

Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo ay kamid yihiin Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka bada Siciid Maxamed Raage , Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xasan ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee magaala madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey safarka uu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) dalka dibadiisa ugu baqoolay.

 

Wuxuuna sheegay in safarka Madaxweynuhu uu xiligan ku wajahan yahay caasimada dalka Kenya ee Nairobi , halkaas oo uu kula kulmi doono qaar kamid ah Madaxda beesha Caalamka , iyo Hay’adaha Qaramada midoobey , iyadoo halkaasna uu kasii raaci doono Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur.

 

Libaax Joorre ayaa sidoo kale sheegay in marka uu Madaxweynuhu soo gaba gabeeyo kulamada uu magaalada Nairobi kula yeelanayo Madaxda beesha Caalamka uu usii gudbi doono magaalada London ee Caasimada dalka Ingriiska , halkaas oo uu kaga qayb gelayo kulan dhowr beri socon doona oo looga hadlayo dhibaatooyinka Burcad badeeda.

 

Afhayeenka Puntland ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheek Maxamed inta uu London ku sugan yahay uusidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono Jaaliyada Puntland ee dalka Ingriiska , iyo dalalka daneeya arimaha dalka Soomaaliya.

 

Safarka wefdiga uu Madaxweynaha Puntland hogaaminayo dalka dibadiisa ugu dhoofeen ayaa kusoo beegmaya xilli isla maanta uu dalka dib uga soo laabtay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire oo isagu in mudo ah ku maqnaa dalka Ethiopia.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this