Sign in to follow this  
Liqaye

Turkey offers to send 6,000 troops to Somalia and other intreasting tidbits....

Recommended Posts

Liqaye   

Sida ay inoo sheegeen saraakiil ku sugan aqalka madaxtooyada soomaaliya in xukuumada Turkiga ay u soo bandhigeen Madxweyne shariifka in dalka soomaaliya ay u soo dirayaan ciidamo gaaraya ilaa 6000kun oo askari kuwasoo ka koobnaan doona meleteri,Boolis iyo kuwa ciidamada Turkiga u qaalbisan dhinaca Logistikada.

 

Madaxweyne Shariif oo lama filaan ku noqotay dalabka Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa sida aan warka ku heleyno codsaday in waqti kooban laga siiyo kasoo fikirka dalbkaas,waloow uu markii hore aad ula dhacay dalabka xukuumada Turkiga balse wadatishiyo uu la sameeyey dalalka Ugandha iyo Itoobiya ay u sheegeen in Turkiga ku qanciyo dhinaca mucaawinooyinka loona daayo Midowga Afrika dhinaca howlgalada.

 

Dhinaca kale Wakaaladda wararka AFb ayaa dhawaan sheegtay in Madaxweyne Sheekh shariif uu dalka Itoobiya ka codsaday in ciidamadeeda ay soo galaan xuuduuda soomaaliya gaar ahaan,Bay,Bakool,Gedo iyo gobolka hiiraan balse Itoobiya ay diiday dalabkii DFKMG ee ahaa in ciidamada Itoobiya soo galaan Soomaaliya si ay gacan uga siiyaan la dagaalanka haragii al shabaab.

 

 

Itoobiya ayaa arrintaas shardi uga dhigtay in dalabku ka yimaado beesha caalamka, iyagoo xuseen insan fududeyn in markale ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya.

 

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan iyo wafdi ballaaran uu hagaaminayey oo dhawaan Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay Imtixaan loo bahan yahay in lagu waano qaato, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay nolosha ay ku nool yihiin qoysas fara badan oo indhahiisa uu ku soo arkay.

 

Ra'iisul Wasaare Erdogan Waxaa uu sheegay in Shacabka iyo dowladda Turkiga aysan marna ka seexan doonin walaalahooda Soomaaliyeed, dhowaana uu dib u howl geli doono safiirkooda, isagoo ku cel celiyay in qalbiga ay ku hayaan walaalahooda Soomaaliyed, marnana aysaniloobi doonin.

 

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday Erdogan in dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso xaga Amaanka hadii loo baahdo, sidoo kale ka qeyb qaadan doonta dib u dhiska wadooyinka Muqdisho, xarumaha dowladda, goobaha caafimaadka iyo arrimaha waxbarashada.

 

Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibada ayaa aad u soo dhaweeyey Tilaabada wax ku oolka ah ay qaadeen xukuumada Turkiga iyo shacabkooda,waana arin murugo galineysaa shacabka soomaaliyeed tilaabaadan uu shariifka uu ku diiday in ciidamo muslim ah ay u soo gurmadaad soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this