Sign in to follow this  
Somalina

Gudoomiyaha ASWJ oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdishu

Recommended Posts

Somalina   

9/24/2011 3:26:00 P

 

Gudoomiyaha golaha sare Ahlusuna Wlajmaaca ee dalka Soomaaliya Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Aadan Cade International ee magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo kictimay dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia si uu howlihii golahaasi u dardar geliyo.

 

DSC06469.JPG

Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ayaa waxaa garoonaka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa si haayaha xafiiska gudoomiyaha golahaas ahana Afhayeenka guud ee golaha sare Ahlusuna walaaca ee dalka Soomaaliya Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Soomow, Gudoomiyaha maxkamdda ciidamada qalabka sida G/le sare Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo gudoomiyaha Ahlusuna waljamaaca ee Gobolka Banaadir Sheekh Axmed Sheekh Aadan (Sheekh Axmed Shuqul), iyo xubno ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusuna Waljamaaca,Anaasrunsuan, culumaa'udiin isugu jirtay dariiqooyinka kala duwan ee dalka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

 

 

DSC06474.JPG

Gudoomiyaha golaha sare Ahlusuna Waljamaaca ee dalka Soomaaliya Dr. Sheekh Shariif Sh. Muxyadiin o shir jaraa'id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa ugu horeyn mahad balaaran u jeediyay dhamaan masuuliyiintii kala duwanaa ee maanta sida weyn u soo dhaweeyay soo laabashadiisa, wuxuuna ka warbixyay mudadii uu dalka dib uga maqnaa, isagoo hoosta ka xariiqay in arinta ugu weyn ay aheyd kooxda AL-shabaab oon weeraro ku soo qaaday hoygii uu ka deganaa magaalada Muqdisho,isagoo Ilaahey uha mahad celiyay soo laabashadiisa uu dalka ugu soo laabtay si nabad ah.

DSC06475.JPG

Dr. Shariif Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale Ilaahey ka baryay in dalka iyo dadka nabad acaam ah u keeno si looga baxo dhibaatada labaatan jirsatay ee ku habsatay sahacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu u mahad celiyay ciidamada xoogad dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, isagoo ka codsaday in kooxaha nabad diidka ah ay ka saaraan guud ahaan dalka Soomaaliyeed.

DSC06482.JPG

 

Dhinaca kale gudoomiayah Golaha sare Ahlsuna Wal-jamaaca ee dalka Soomalaiya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id kaga hadlay abaarta iyo maculuusha baahsan ee ku habstay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Ilaahey uga beryay in Ilaahey abaarta iyo macluusha ka qaado uguna bedelo Barwaaqo iyo Horumar, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay wadamada beesha caalamka, kuwa Muslimka, ururada samafalka, jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo shaqsouyaadka sida gaarka ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay in umadda Soomaaliyeed colaada iyo gaajada uu ilaahey ka dul qaado nabadna caam ahna ugu bedelo.

 

Gudoomiyaha golaha sare ee Ahlusuna Wal-jamaca ayaa si gaar ah baaq nabadeed ugu diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobolada dalka, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo aan Ilaah raali ka aheyn in qof muslim ah uu qof kale oo muslim ah uu dhiigiisa baneysto taasoo lagu muteysan karo cara aduun iyo cadaab aakhiro.

 

Ugu danbeyntiina gudoomiyaha Ahlsuna Waljamaaca ayaa sheegay in maalnta berito ah uu shir jaraa'id u qaban doono saxaafada kaasoo uu si guud ugu faahfaahin doono maraxaladaha kala duwan iyo qaabaka uu u wejihi doono howlihii kala duwanaa ee golaha sare ee Ahlusuna wal-jamaaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Ahlu sunna waljamaacah waa wadaado fiican; sida kuwan cusub ee al-shabab ookale argagixiso maaha. They usually mind their ow business. Laakiin, iyaguna dadka masaakiinta ah bay xoolaha iyo raashinka ka dhameeyaan. Siday u joogaan bay ku odhanayaaan shkh A jeylaani siyaaradiisii baa soo dhow e laba jawaan oo canbuulo ah iyo sadex neef oo adhi ah keen. Haddana siyaasaddii bay geli rabaanba oo xaalkoodu waa bariga dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca oo xarun dadka lagu quudiyo ka furay Muqdisho

 

July 25, 2011

 

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_2.JPG

Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ayaa xarun dadka lagu quudiyo waxaa ay ka fureen magaalada Muqdisho, taasoo loogu magac daray xarunta quudinta Agoonta iyo Barakacayaasha, iyadoo xaruntaasi Muqdisho laga furay ay ka quutaan maalintii 700 oo Qoys, kuwaasi oo isugu jira Agooman iyo dadka ka soo barakacay abaaraha dalka ka jira.

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_6.JPG

Goobtaasi dadka lagu quudiyo oo saxaafada lagu casuumay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jiidiyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca,kuwaasoo ka warbixiyay ujeedada ay u fureen xaruntan cusub ee dadka lagu quudinayo.

 

Ku simaha Gudoomiyaha Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ahna Afhayeenka Culumaa'udiinkaasi Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Soomow ayaa sheegay in ujeedada loo furay xaruntan cusb ay tahay ka jawaabidda baahida abaareed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay in loo baahnyahay maanta in la samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

"Anagoo ka jawaabeyna baahida shacabkeena tanina ay tahay bilowgii Ahlusna Wal-jamaaca,ayaan waxaan furnay xaruntaan halki maain ay ka quutaan 700 oo qoys" ayuu yiri Shiikh Soomow oo intaa ku daray in Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ay waqtiyada soo socda ka furi doonaan magaalada Muqdisho xarumo kale oo dadka dhibaateysan klagu quudinayo, isagoo sheegay inaan la kala sooceyn shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Shiikh Soomow ayaa sheegay in xaruntan maalintii ay ku quudiyaan 700 o qoys, isagoo tilmaamay in xaruntan ay ugu talo galeen in ay ku quudiyaan agoomanka iyo dadka barakacayaasha ah, wuxuuna sheegay in xarunta dadka lagu quudiyo uu gacan ka geystay NGO-ga Roob.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ansaaru-suna Wal-jamaaca Sheekh Suldaan Sheekh Aadan Macallin Sugow (Sheekh Suufi yare), kaasoo ugu horeyn baaq u diray Hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahey in ay kaalmo degdeg ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen, wuuxuna sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay u gargaaraan walaalahooda ku xoolo waayay abaaraha dalka ka jira.

 

Sheekh Suufi yare ayaa sheegay in culumaa'udiinka Ahlsuna Wal-jamaaca ay qorsheeyeen in laba goob oo kale ay ka furayaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu tilmaamay in lagu quudin doono dadka agoomanka ah iyo kuwa soo barakacay.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ahlusuna Wal-jamaaca ee gobolka banaadir Sheekh Axmed sheekh Aadan dheere (Sheekh Axmed Shuqul) kaasoo sheegay in ay faraha ka baxday xaalada bani'aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay abaarta ka jirta Soomaaliya inay iminka mareyso mid aanay waxba ka qaban karin geeska Afrika ama Afrika, isagoo sheegay in xaalada abaareed ee Soomaaliya ay u taalo Q/midoobay iyo beesha caalamka.

 

"Maanta wey dhaaftay xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya inay wax ka qabtaan wadamada geeska Afrika ama wadamada kale ee Afrika,marka waxaan ugu baaqweynaa Beesha caalmak iyo Q.M in ay wax ka qabtaan xaaladaas, hadii qof Soomaali ah uu macluul iyo gaajo u dhinto maanta wixii ka damneeya waxaa masuuliyadeeda iska leh Q/midoobay " ayuu yiri Gudoomiyaha Ahlusuna ee gobolka Banaadir.

 

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inay masuul ka tahaya dhibaatada dalka ka jirta, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dadka ka hor isataageen in gurmad la gaarsiiyo, wuxuna tilmaamay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed ee xiligan abaaraha ku dhufteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo ku laabtay Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay

 

Sabti, September 24, 2011 (HOL) — Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo ka mid ah mas'uuliyiinta ururka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Banaadir ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

 

Dr. Sheekh Shariif ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, iyadoo sidoo kale ay halkaas ku sugnaayeen wadaaddo ka tirsan duruqada suufiyada oo markii uu kasoo dagay diyaaradda ka qaaday halkaas qasaa'id Nebi ammaanno ay kusoo dhaweynayeen Dr Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin.

 

Xubnihii soo dhaweeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh C/qaadir Soomow, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ah guddoomiyaha makxmadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah, Sheekh Axmed Sheekh Aadan (Sheekh Axmed Shuqul) oo ah guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolka Banaadir iyo xubno kale, oo ka kala socday dariiqooyinka kale kala duwan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max'ud Axmed Nuur (Tarsan), Abwaanka wayn Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Ibraahim Kaah ayaa iyaguna soo dhaweeyay Dr. Sheekh Shariif.

 

Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ugu horreyn mahad ballaaran u jeediyay dhamaan mas'uuliyiintii soo dhaweeyay, wuxuuna ka warbixyay mudadii uu dalka ka maqnaa, isagoo hoosta ka xariiqay in imaanshihiisa ay tahay sidii uu dib ugu sii amba-qaadi lahaa howlihiisa.

 

Sidoo kale, Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin wuxuu ALLE ka baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu siiyo nabad caam ah si looga baxo dhibaatada 20-ka sano jirsatay ee Soomaaliyeed ku habsatay, isagoo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay nabadda ka shaqeeyaan.

 

Dhinaca kale, Sheekh Shariif wuxuu ka hadlay abaaraha iyo maculuusha baahsan ee ku taagan Soomaaliya, wuxuuna Ilaahay ka baryay inuu macluusha ka dul qaado dadka Soomaaliyeed uuna ugu bedelo barwaaqo iyo horumar, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay waddamada beesha caalamka, kuwa muslimka, ururada samafalka, jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka sida gaarka ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed.

 

Wuxuu sidoo kale baaq nabadeed u diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobolada dalka, isagoo xusay in Alle uusan raalli ka ahayn in qof muslim ah uu qof kale oo muslim ah dhiiggiisa baneysto, taasoo lagu muteysan karo caro Alle iyo cadaab aakhiro, isagoo beelaha ku boorriyay inay hubka dhigaan.

 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Ahlsunna Waljamaaca ayaa sheegay in berri oo Axad ah uu shir jaraa'id u qaban doono saxaafadda kaasoo uu si guud ugu faahfaahin doono maraxaladaha kala duwan iyo qaababka uu u wejihi doono howlihii uu dalka ugu soo laabtay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this