Sign in to follow this  
Siciid1986

Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Kormeer ku soo maray Wadooyinka iyo Huteelada Caasimadda Hargeysa

Recommended Posts

6175468283_45bbedce50.jpg

 

6175468897_d5ce29c82a.jpg

 

6175471377_288465e1fc.jpg

 

6176001300_7844471fb0.jpg

 

6175477461_b379261c3a.jpg

6176003134_057dcdd676.jpg

6176006066_0cfde1a325.jpg

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa markii sadexaad kormeer ku soo maray qaar ka mid ah meheradaha waaweyn ee laga dukaansado iyo shaaricyada caasimada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu booqday Huteelka ku yaala bariga magaalada ee KAAH wax yar ka hor xiligii salaada makhrib, waxaanu soo kormeeray qeybta leexooyinka ee carruurtu ku ciyaaarto ee Huteelkaasi, ka dibna waxa uu Salaadii Makhrib kula tukaday Masaajidka Huteelka dadkii ku sugnaa halkaasi.

 

 

 

Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa Huteelka KAAH waxa uu xogwaraysanayay dadweynaha ku sugnaa halkaasi oo uu la sheekaystay.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo watay baabuur gaar ah isla markaana aan wadan wax ilaalo ah waxa uu soo dhex maray jidka weyn ee dhex mara badhtamaha magaalada Hargeysa waxaanu sii maray suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu u gudbay dhinaca Huteelka iyo Dukaanka weyn ee Star ee ku yaala degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo la sheegay inuu ka dukaansaday oo uu ka iibsaday alaabooyin kala duwan.

 

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland uu soo maray Dukaanka weyn ee Edna Cosmatics ee ku yaala degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa. Ka dibna waxa uu ku soo laabtay xurunta madaxtooyada Somaliland.

 

Kormeerkani waxa uu salka ku hayaa qiimayn uu madaxweynuhu ku samaynayo ammaanka magaalada caasimadda Hargeysa. Waa markii sadexaad ee Madaxweynuhu sameeyo kormeer noocan oo kale ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Xaaji Xunjuf;747660 wrote:
President Siilaayo a real people's president Allah bless you

May god bless him indeed! Now THAT is what you call a true statesman.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

On second thought madaxweynuhu muxuu Burco u tegiwaayey horta, Hargeisa iyo Berbera uun buu ku wareegaaye? Mise rer Burco waa just a tad bit too hostile lol?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Mustafe;747762 wrote:
On second thought madaxweynuhu muxuu Burco u tegiwaayey horta, Hargeisa iyo Berbera uun buu ku wareegaaye? Mise rer Burco waa just a tad bit too hostile lol?

Burco muxuu ka doona, jeebka ayee ugu jirtaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Huteelka seedigii baa leh ama nin tolka ah.

 

By the way, Mustafe, adeer magaca dadka haka ciyaarinee orod magac been been ah meesha la imo. Waa maxay magaca dadka ee aad ku bacadlaynaysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

^ Lool, Ma magacaaga runta ah baa? Waa iska caadi anba boqolaal magacayga runta ah wata baan maalin walba arkaa, weliba kuwo doqomo ah imana dhibto markaa iska dulqaado sxb. If its any consolation, atleast anigu nin macquul ah baan ahay magacana ku ciyaarimaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this