Sign in to follow this  
Carafaat

Somalilans Secondary School Exams Result(per region)

Recommended Posts

Carafaat   

Natiijadii Imtixaanka Dugsiyada Somaliland oo lagu dhawaaqay Iyo ardayda gobol walba Imtixaanka u fadhiisatay Talaado, September 13, 2011 (HOL) — Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ku dhawaaqday natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ahaa ee fasallada afaraad iyo sideedaad ee jamhuuriyada Somaliland.

 

Wasiiraddu waxay sheegtay inay sanadkan ay ahaayeen kuwo yar ardayda ku dhacay imtixaanaadka, taasoo ay sheegtay inay keentay dadaal badan oo ay sameysay wasaaradda waxbarashda.

 

Guddoomiyaha imtixaanaadka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in imtixaanaadka sanadkan ardayga ugu sarreeya uu noqday qof dumar ah, taasina ay keentay in doorkan dumarku ay kaalin weyn ka galeen imtixaanaadkii shahaadiga ee sanadkan.

 

Guud ahaan waxaa imtixaanka u fadhiistay Somaliland 10,711 arday, waxaana baasay 9,571 arday oo u dhiganta (89%), waxaana dhacay 892 arday oo u dhigma(11%), iyadoo aysan imtixaanka gelinn 248 arday.

 

Ardaydan lasoo dhajiyay imtixaankooda oo ka kooban dugsiyada sare, dhexe iyo kuwa hoose ayaa ka kooban lixda gobol ee Somaliland ay ka kooban tahay, iyadoo gobol walba ardayda imtixaanka u fadhiistay ay kala ahaayeen sidan:

 

1.Gobolka Maroodi-jeex waxaa imtixaanka u fadhiistay 5,445 arday, waxaana baasay 4,785 arday, waxaana ka dhacay 581 arday, waxaanan galin imtixaanka 79 arday.

2.Gobolka Awdal waxa u fadhiistay imtixaanka 1,555 arday, waxaana baasay 1,286 arday, waxaana ka dhacay 235 arday, iyadoo aysan imtixaanka gelin 34 arday.

3.Gobolka Saaxil waxaa imtixaanka galay 467 arday, waxaana gudbay 448 arday, iyadoo ay dhaceen 12 arday, waxaanan galin imtixaanka toddoba arday oo keliya.

4.Gobolka Togdheer waxa imtixaanka u fadhiistay 1,850 arday, waxaana gudbay 1,758 arday, waxaana dhacay 39 arday, waxaanan imtixaanka galin 53 arday.

5.Gobolka Sanaag, waxaa imtixaanka u fadhiistay 856 arday, waxaana baasay 800 arday, waxaana dhacay 21 arday, waxaana galin imtixaanka 35 arday.

6.Gobolka Sool, waxaa imtixaanka u fadhiistay 538 arday, waxaana gudbay 494, waxaana dhacay afar arday oo keliya, iyadoo aysan imtixaanka galin 248 arday.

 

Sidaas darteed, dugsiyada hoose, dhexe iyo sare waxaa sannadkan kaalimaha koowaad galay laba gabdhood, waxayna kala ahaayeen: Sahra Aw-Ciise Jaamac Qaalib oo kaalinta koowaad ka gashay dugsiyada hoose iyo dhexe, waxay keentay 558-dhibcood iyadoo ka socotay dugsiga la yiraahdo Sh. M. Warsame oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

 

Gabadha kale ee Nasra Jaamac Cabdullaahi Bulxan ayaa iyaduna gashay kaalinta koowaad ee dugsiga sare, waxayna keentay 735 dhibcood, waxay ka socotay dugsiga gaarka loo leeyahay ee Ilays oo ku yaala magaalada Hargeysa.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sanadkan aad u yaraa ardayda dhacday, iyadoo kaalima sare ee ay haweenku ka galeen waxbarashada hoose iyo midda sare ay dhiirrigelin u tahay hablaha.

 

Barkhad M. Cumar

barkhadladiif@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this