Sign in to follow this  
Liqaye

araakiisha AMISOM sheegay iney fashiliyeen miino lala damacsanaa in lagu qarxiyo samafalayaal u dhas

Recommended Posts

Liqaye   

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika AMISOM Capt. Panddy Ankunda ayaa sheegay iney fashiliyeen qarax miino oo la doonayey in lala beegsado samafalayaal u dhashay dalka Turkiga oo howlo isugu jira quudin iyo daweyn ka wada kaamka RAJO oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu intaa ku daray afhayeenka AMISOM in miinadaas lagu xiray derbi ku yaala xeradaas xili habeenimo ah ayna soo sheegeen qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee xeradaas ku jira taasna ay keentay in laga hortago ka hor inta aysan geysan waxyeelo geysanin.

 

“Miinadu waxay aheyd mid remuutka lagu hago, markiiba waxaa goobta gaaray ciidamada AMISOM waxayna arkeen fiilo dheer oo ka soo baxeysa halka miinada lagu rakibay oo ku jirta gudaha xerada, wey fur-fureen, miinadii iyadoo aan qarxin ayeyna goobta ka soo saareen” ayuu intaa ku daray Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika AMISOM Capt. Panddy Ankunda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this