Sign in to follow this  
isqarxis

BREAKING NEWS:Maxkamada Sare oo ku Dhawaaqday Xukunka Muranka Xisbiga UCID

Recommended Posts

isqarxis   

War Deg Deg Maxkamada Sare oo ku Dhawaaqday Xukunka Muranka Xisbiga UCID ….

 

Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Ku dhawaaqday Xukunka Maxkamada iyo Go`aanka Muranka ka dhex oognaa Xisbiga UCID.

 

Maxkamada ayaa Go`aamisay in Gudoomiyaha SHarciga ah ee Xisbiga UCID yahay Eng faysal Cali Waraabe sidoo kalena meesha ka saaray wixi ku meel gaadha aha ee jiray sidoo kalena waxay xukuntay go`aamisayna in muddo Saddex bilood ah gudahood lagu qabto shirweynaha xisbiga.

 

Maxkamada ayaa sidoo kale go`aamisay in wixii ka nool shirweynihii labaad ee xisbiga ay sharci yihiin …

 

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Yusuf Ismaaciil iyo Saddex Garsoore ayaa Ku dhawaaqay Xukunka iyo Go`aanka.

 

 

 

Masuuliyiin u hadashay Gudoomiyaha Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyey iyagu Go`aanka maxkamada se Garabkii Waqaf ayaan iyagu ilaa hadda hadlin se warar la isla dhex maray kolkii maxkamada laga soo dareeray ayaa sheegaya in ay Furanayaan Xisbi iyaga u gaar ah oo uu Hogaaminayo Waqaf.

 

Dhinaca Amaanka ayaa ahaa mid si weyn loo adkeeyey waxaana dhamaan laga joojiyey Baabuurta Wadooyinka Soo Gala Dhamaan Maxkamada sidoo kalena wadada Madaxtooyada hor marta ayaa iyana la xidhay.

 

Dhinaca Kale Wadooyinka Soo gala magaalada Hargeysa ayaa iyana Muddo xidhnaa oo aanay wax baabuur ahi ka bixin kana soo gelin.

 

Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Damaashaad iyo Farxad Mushxarad ku soo dhaweeyey Go`aanka Maxkamada Sidoo kalena waxay iyaga oo dabaal degaya watana Baabuur ku mareen Wadooyinka magaalada.

 

 

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Hargeysa

 

http://www.togaherer.com/2011/09/11/war-deg-deg-maxkamada-sare-oo-ku-dhawaaqday-xukunka-muranka-xisbiga-ucid/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good job, that is what i was expecting although I'm not Waraab's fun, but legally he has point and other said he was delaying shirwaynaha xisbiga isaga oo ka baqayaqayay in laga qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this