Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Nuur Daalacay Gets a hero's welcome in Gabiley City+PICS

Recommended Posts

Gudoomiyaha Degmada Gabiley Iyo Dadwayne Kale Oo Si Balaadhan Usoo Dhaweeyey Fanaanka Nuur Daalacay.

 

 

“Hadii Hore Loo Odhan Jiray Colka Wadhaf ma Lagu Dayey, Anna Waxaan Leeyahay Imika Xilka Dumar ma Lagu Dayey…” Siciid Cumar

 

Gabiley (Gabiley News):- Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) iyo Dadwayne kale oo aad u tiro badan ayaa maanta galinkii danbe si-wayn u soo dhaweeyey Fanaanka wayn ee Nuur Aw Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) oo muddo Labaataneeyo Sanno ah ka maqnaa dalka iyo Siciid Cumar Axmed oo ka mid aqoonyahanka Qurbe-jooga reer Somaliland ee dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

 

Gudoomiyaha iyo Dadwaynaha soo dhawaynta Qaran u sameeyey Fanaanka waxaa kale oo ku wehelinayay booqashadiisan oo lagu soo dhaweeyey Astaamaha lagu yaqaan Gobolka Gabiley ee Hadhuudhka iyo Gallayda ayaa Munaasibad ballaadhan oo loogu qabtay Barxada Gurigiisa oo ku yaala magaalada Gabiley waxa ugu horreyn ka hadlay Maayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo si wayn ugu soo dhawaysay Fanaanka iyo Xubnaha kale ee wehelinayay, kuna wargalisay in ay ku soo dhawaadaan Gayigooda.

 

Maayarka oo tilmaam ka bixinaysay in Fanaan Nuur Daalacay mudan yahay in soo dhawayn qaran loo sameeyo ayaa tidhi: “Nuur Daalacay waxaan Si gaar ah ugu hambalyaynaynaa, heestii qaranka ahayd ee uu qaaday, waa heestii sanadka cusbay ahaydee. Dadka dhiiri galin faro badanbay ku samaysay. Anaku kolay waxaan u niyaysanahay inaad madaxwaynaha u qaaday wadaniga dhabta ah, waxaanu is nidhi malaha cid ka muwaadinsani madaxwaynaha ma jirto sanadkaa maanta aynu joogno. Markaa Nuur iyo Siciidba aadbaan usoo dhawaynaynaa, waanay ku mahadsan yihiin. Waxaananu leenahay labadoodaba gobolkiiniibaad timaadeen ee kusoo dhawaada.”

 

Waxa Isaguna Munaasibadaa ka hadlay Fanaanka wayn ee Nuur Jaamac Aadan oo si wayn ugu mahad celiyey Maayarka, iyo Dadwaynaha soo dhawaynta Qaran u sameeyey “Gudoomiyaha Degmada Gabiley Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa Dadwaynaha reer Gabiley sida wayn ee ay ii soo dhaweeyeen”. Ayuu yidhi Nuur Daalacay. Waxaanu tilmaamay sidii ay u arkayeen Maayarka Gabiley markii ay sida joogtada ah uga maqleen Wax qabadyada ka socda Gabiley, wakhtigii ay Qurbaha joogeen, “markaan joognay halkaa(Qurbaha) ee aanu maqalnay Wax-qabadyada is-daba jooga ah ee laga soo sheegayey Maayarka Gabiley inay ka fulisay Gabiley aad iyo aad ayaanu ugu diirsan jirnay oo aanu ku farxi jirnay aad iyo aadna waan ugu Hambalyeynayaa”.

 

Siciid Cumar Axmed oo ka mid ah Xubnihii wehelinayey Fanaanka, kana mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee UK ayaa Isaguna Si wayn ugu dhiiri galiyey Haweenku in ay ka qayb qaataan Hogaaminta Dalka, waxaanu Tusaale ugu soo qaatay Doorka Haweenka ee hadii loo dhiibo Hogaminta. “Hadii hore loo odhan jiray Colka Wadhaf ma lagu dayey, Anna waxaan leeyahay Imika Xilka Dumar ma lagu dayey, sababta oo ah waxa tusaale inoo ah Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo aynu aragnay Wax-qabadkeedii, oo ah Qofka kaliya ee Dumar ah eek u soo biiray Hogaaminta Dalka”. Ayuu yidhi Siciid.

 

Waxa Iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Xuseen Jameeco, Maamulaha Dugsiga Sheekh Muxumed Warsame Axmed Maxamud Shirwac iyo Gudoomiye Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ee Now Deeqa Aw Muuse. Oo dhamaantood si wayn ugusoo wada dhaweeyay gurigiisii hooyo fanaanka Nuur Daalacay.

 

Waa markii ugu horaysay ee mudo labaatan sanno ah fanaanka wayn ee Nuur Daalacay yimaado guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan gobolka Gabiley oo ah meeshii uu ku dhashay kuna barbaaray. Fanaanka ayay wajigiisa ka muuqatay farxad iyo qiiro isagoo dadka si fudud ku xasuusanayay qaar badan oo kalena uu magacaantooda maqlay laakiin aanu muuqooda arag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xumaha dhaafaha

Wanaaga dhashaha

wixii dhacayana

dhankiisa hayaha

wadaniga dhabta ah Allow dhowr

Somaliland Allow dhowr

 

.................................................. ............. Nuur Daalacay

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this