Sign in to follow this  
djibsomali

NO HALLUCINATIONs BUT A SOBER STORY (FROM AMOUD UNIVERSITY TO CAMBRIDGE UNIVERSITY)......

Recommended Posts

No joke! Amoud university is a worldwide university!!!

And his not reading no mirqan subject.

But PHD in education (can you believe it cambridge accepted him straight from camud university)??????????????

??????????????????????????????

?????? MARVELOUS !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

do you have someone to care in somalia ?? then take it to Amoud university......

 

Warbixin: Jaamacada Camuud illaa Jaamacada Cambridge + Sawiro

 

25-08-2011 London (Bnn) Toddobaadkan aan ku jirno waxaan booqasho gaaban ku taggey magaalada Cambridge oo ku taalla waddanka Britain, Cambridge waa magaalo yar oo aad u qurux baddan waxaana dhexdeeda mara wabi dheer oo baladhkiisu kooban yahay, jidadka magadaalada ayaa ah kuwo aad looga shaqeeyey nadaafadooda iyo quruxintooda, sidoo kale meesha aad martaba waxaa indhahaaga soo jiidanaya bilicda ubaxa, geedaha iyo tigaada laggu beerey heeraraha wadooyinka, dadka magaalada ku nooli waa dad aad u deggan oo boqolkiiba shan iyo sagaashan*95%*shaqadoodu tahay buug, qalin iyo waxbarasho.

*

 

*

 

Cambrige waa Jaamacada maanta uggu horeysa Jaamacadaha Caalamka, taas oo miisaaniyadeeda (Budget) laggu qiyaaso in ka baddan illaa 56 billion oo Pound sanadkiiba, waxaa wax ka barta arday tiradooda kor u dhaafeyso illaa*100*kun oo ardey, kuwaasi oo Jaamacada ka barta culuun kala duwan sidda Siyaasada, Saxaafada, Suugaanta, Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarshada, Engineerinka iwm, Sidoo kale waxa ay ardaydaasi baddankoodu culuuntaas kala duwan ku qaataan Shahaadada PHD.

*

Markii aan gaadhey Campuska weyn ee Jaamacada Cambridge waxaan la kulmey Professor Ridwan Mohamed Osman oo ah arday dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal, Prof Ridwan waxa uu ka mid yahay ardayda wax ka barata Jaamacada Cambridge, inkasta oo aan muddo dheer saaxiibo ahayn dul ahaana aan isla soconey, hadana kulankayagii*waxaa na dhex martey sheeko aad u dheer, waxaanan la yeeshey wareysi dhinacyo baddan taabanaya oo ku sahabsan noloshiisa, waxbarashadiisa iyo halka uu maanta marayo, Prof Ridwan waxa uu ka mid ahaa ardeydii laggu furey Jaamacada Camuud sanadkii*1998kii isla markaana waxa uu ku jirey Lodkii uggu horeeyey ee sanadkii*2003*ka qalin jabiya Jaamacada Camuud.

*

Professor Ridwan Mohamed Osman sanadkii aan ka soo gudubney ee*2010*dabayaaqadiisii ayuu deeq waxbarasho (Scolership) ka helley Jaamacada Cambridge (Darlington Studentships of Cambridge University), sidda uu ii sheegey waxa uu Scolership-kaasi u dhammaadey sanadkan aan ku jirno barantankiisa, nasiib wanaagse waxa uu isla sanadkan aan ku jirno Jaamacada Cambrige ka helley deeq waxbarasho oo labaad taas oo ku sahabsan diyaarinta Shahaadada PHD, isaga oo takhasuskiisu noqon doonto maaddada waxbarshada (Education) waxaa kale oo uu ii xaqiijiyey in uu Jaamacada Cambridge joogi doono illaa labo amma saddex sano oo dambe.

*

Muddo 24 saacadood oo aan joogey Cambridge ayaa waxa aan la kulmey waxyaabo layaab ku abuurey nafteyda halka ay qaar kale iggu abuureen xiise xasuus ballaadhani ku ladhan tahay, hadaba haddii aan ku horeeyo dhinaca la yaabka waxey iigu layaab badneyd mar aan wakhti fiid ah fallaadhaha cadceeduna beegsadeen godka galbeed dhiniciisa aniga iyo prof Ridwan si wadda jir ah u fadhiisaney makhaayad meel koone ah ku taalla oo Coffee lagga cabo, taas oo aan dhexdeeda ku arkey Library kooban oo buug la dhigey looguna tallo galley in dadka makhaayada ka qaxweynaya qofkii rabba in uu wax akhristo inta uu shaaheynayo la soo baxo buug ka mid ah buugta raseysan meel loogu tallo galley maktabada makhaayadan suuqa ku taalla, mar aan si kaftan ahaan ah Prof Ridwan arrintan igga yaabisey wax ugga weydiiyeyna waxa iigu jawaabey "Abdirisaaqow dadka deggan magaaladan Cambridge noloshoodu waa waxbarasho, wax akhris, buug iyo qalin", Waxaa kale oo iigu layaab badnaa in ay indhaheygu qaban waayeen qof boolis ah (Police) iyo waliba baabuurta gurmadka deg dega ah (Ambulance) kuwaasi oo marka aad dhex joogto magaalooyinka kale ee Britain mar walba indhahaagu qabanayaan boolis fara baddan amma dhagahaagu maqlayaan dhawaqa qaylada baabuurta ay wataan.

*

Waxyaabaha xiisaha gaara iggu abuurey waxaa ka mid ahaa ka dib markii Prof Ridwan Mohamed Osman i tusey sawiro taariikhda xusuustoodu ka baddan tahay nus qarni (half century) aniga oo la ashqaraarsan muuqaalka guud ee ka muuqda oo ahaa mid qadiim ah laakiin si wanaagsan loo ilaaliyey oo wasakh iyo dil dilaas lagga dhawrey ayaan indhaha mid mid ulla raacey, sawiradaas waxaa ka mid ah mid muujinaya maalintii seeska la dhigey dugsigii sare ee Camuud, waxa sawirkaas iiga baxey muuqaal sifeynaya illaa labo wastaad iyo saddex kuuli oo dhismaha seeska dul dhigaya dhagaxa ay ku qoran tahay*

*

THIS STONE WAS

LAID BY

CRV BELL OBE

FEB 1952.

*

Dhagaxan oo dushiisana la mariyey xadhiga saaqiyada u ah qiyaasta dhismaha si aan u qaloocan darbiga amma gidaarka la dhisayo, mid kale oo ka mid ah sawiradaas waxa uu muujinayaa dhalinyaradii uggu horeysey ee wax ka barata dugsigii sare ee Camuud oo maalintii uggu horeysey la qorayo Schoolka, kuwaasi oo qaarkood ay hilaabnaayeen go'yaal cad cad, laakiin sawirada qaarkood waxa ka muuqda in markii dhalinyaradaas ardeynimo loo qaatey ay xidhnaayeen shaadhadh cad cad iyo saraawiil luga dheere iyo dabo gaab isugu jira, sawiradaas mid ka mid ah waxaa ku sawiran sagaal ardey oo ka mid ah ardaydii fasalkii uggu horeeyey la qoro dugsigii sare ee Camuud, mid ka mid ah Sagaalkaa arday ayaa laggu tilmaamaa oo ay u baddan tahay in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo maadaama uu ka mid ahaa ardaydii uggu horeysey dusigii sare ee Camuud, waxa kale oo aan aad ulla dhacey muuqaalka baabuurta laggu gurayey ardaydaas oo aanan waligey arag, mid ka mid ah odayada reer Awdal ee London ku nool oo ku dhashey kuna barbaarey magaalada Borama isla markaasna ahaa Lodkii labaad ee galla dugsigii sare ee Camuud oo aan wax ka weydiiyey magaca baabuurtaas ayaa ii sheegey in la odhan jirey*Big Ford.

*

Arrimahan oo dhan marka aad dib u milicsato waxa ay ku tusayaan taariikhda qarada weyn leh amma qotoda dheer leh ee ka dhaxeysa waddanka Britain iyo gobolka Awdal oo ah mid xidhiidhkoodu salka ku hayo dhinaca waxbarashada, Prof Ridwan Mohamed Osman ayaa isaguna nasiib u helley in uu noqdo aqoonyahankii reer Awdal uggu horeeyey ee soo nooleeya taariikhdaas soo jireenka ah ayaa baadi goob ka dib ku guuleystey in uu soo hello qoyska uu ka soo jeedo macalinkii u horeeyey ee wax bara ardaydii wax ka baran jirtey dugsigii sare ee Camuud kaas oo magiciisa la odhan jirey Richard Darlington kuna magac dheeraa naaneysta soomaaliyeed ee ah Gacmadheere.

*

Mr Richard Darlington oo dhashey*1919kii ayaa waxbarashadiisii ku qaatey waddanka Britain waxaana uu ka baxey Jaamacada Cambridge gaar ahaan kuliyada la yidhaado Gonville and Caius, Darlington oo dagaalkii labaad ee adduunka joogey dalka Burma ayaa halkaas kulla kulmey askar reer Somaliland ah oo u dagaalamayey ciidamadii Ingiriiska, waxaana uu Richard Darlington ka helley geesinimadii askartaasi reer Somaliland ahi muujiyeen wakhtigaas dagaalka labaad ee adduunku socdey, hase yeeshee sanadkii*1948kii ayuu Mr Darlington go,aansadey in uu daggo magaalada Borama ee gobolka Awdal wuxuuna halkaas ka billaabey dugsigii sare ee Camuud.

*

Qoyska uu ka soo jeedo Richard Darlington ayaa deggan magaalada Bures Suffolk oo ku taalla UK, Professor Ridwan Mohamed Osman oo booqdey magaaladaas waxa uu kulla kulmey qoyska Richard Darlington kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyey isla markaana marti qaad kulla joogey illaa dhowr maalmood, Richard Darlington oo sanadkii*2007*ku geeriyoodey magaaladaas Bures ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb galley dad fara baddan oo reer Somaliland ah kuwaasi oo qaarkood uu macalin u ahaa, Prof Ridwan ayaa soo arkey beertii, bustaanadii iyo guryihii uu ka tagey Richard Darlington, qoyska ka hadhey Darlington ayaa Prof Ridwan ku sii sagootiyey sawiro fara baddan oo taariikhi ah kuwaasi oo tillmaamaya wakhtigii uu Darlington degannaa magaalada Borama iyo waliba muddadii uu macalinka ahaa dugsigii sare ee Camuud, qaar ka mid ah qoyska Richard Darlington ayaa dhawaan booqdey Camuud waxaaney aad uggu farxeen in dugsigii sare ee camuud isku badaley Jaamacad taas oo midhihii ka soo baxeyna ay maanta indhahooga ku arkeen in ay aqoon dhaxal galka ah la wadaagayaan ardayda wax ka barata Cambridge oo ah Jaamacadii uu ka baxey Richard Darlington oo waalidkood ah.

*

Prof Ridwan Mohamed Osman ayaa ku guuleystey tijaabada ah in ardayda ka qalin jabisa Jaamacada Camuud ay yihiin arday kalsooni buuxda ay siiyaan Jaamacadaha Caalamka uggu horeeya sidda Cambridge University oo isagga siisey Scolarship-kii uggu horeeyey ee ay siiyaan qof Soomaali ah ka dib markii ay ku qanceen aqoonta uu ka soo qaatey Jaamacada Camuud in ay tahay mid tayadeedu aad u sareyso, ma fillayo in Prof Ridwan Mohamed Osman noqon doono ardaygii uggu dambeeyey ee ardayda reer Awdal ah isla markaana deeq waxbarasho ka hella dalalka uggu horumarsan Caalamka laakiin sidda ay saadaashu tahay dadaalada immika socdana muujinayaan, waxaa dhawaan laggu rajo weyn yahay in Scolarship kale ay Jaamacada Cambridge siineyso ardeyda wax ka barata Jaamacada Camuud.

 

SAM_31361.jpg

 

SAM_31382.jpg

 

SAM_31942.jpg

 

student.jpg

 

cambridge_university.jpg

 

source: http://www.boramanews.com/news/index.php?option=com_content&view=article&id=2059&catid=66

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this