Sign in to follow this  
Somalina

Mogadishu 2011

Recommended Posts

Somalina   

tartanka-xeebta%20liido%20(1).JPG

tartanka-xeebta%20liido%20(11).JPG

 

 

Sabti, December 24, 2011 (HOL) − Ururka dhalinyarada ee SYL II ayaa xeebta liido ee magaalada Muqdisho ku qabtay shalay tartan ciyaareedyo kala duwan, kaawaasoo ay ka qayb-galeen dhalinyaro fara badan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, iyadoo tartanka lagu aadiyay Jimce oo xeebtu ay tahay meel ay ku sugan yihiin dadweyne badan oo u soo tamashle tagay.

 

Tartan ciyaareedyada ayaa isugu jiray: orodka bootinta, dheri-jebis, xarig-jiid, jawaan ku bood iyo bootinta caadiga ah, iyadoo dhallinyaradu ay guulo kala duwan ka gaareen tartammadan.

 

Ugu horreyn waxaa lagu bilaabay ciyaarta xarig-jiid ah oo illaa afar kooxood ay ku tarmayayeen, taasoo ahayd mid aad u xiiso badan oo kooxaha ay si awood ah ugu loolamayeen xarig-jiidka, iyadoo koox ka mid ah labada kooxood ay ku guuleysatay xarig-jiidkaas.

 

Sidoo kale, waxaa la ciyaaray orodka bootinta oo ahaa mid xiiso badan, waxaana ku baratamay dhallinyaro rag ah, iyadoo kooxahan ay muujiyeen ciyaar wanaag waxaana ugu dambeyn ku guuleysatay koox ka mid ah labada kooxood.

 

Waxaa kaloo xiiso gaar lahaa ciyaarta dheri-jebis oo ay ku tarmayeen gabdho dhallinyaro ah, iyadoo meel la suray dheri ay ku jireen hadiyado qaali ah, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwo maran oo aysan waxba ku jirin, waxaana uu ahaa mid nasiibka lagu kala eegayay ciddii dheriga jebisa, iyadoo ay gabdhaha indhaha ka xirnaayeen lagana doonayay inay haleelaan dheriyada si ay u jebiyaan.

 

Labo ka mid ah gabdhaha ka qayb-galay ciyaarta dheri-jebinta ah ayaa helay hadiyadihii qaaliga ahaa ee lagu qariyay dhariga kaasoo ay ku guuleysteen inay jabiyaan, halka gabdhaha kalena ay haleeli waayeen, bacdamaa aanay dheriga waxba ku jerin jebintiisa aanay hadiyado ku helayn.

 

Tartannada waxaa ka mid ahaa jawaab ku boodka waxaana ku tartamayay wiilal iyadoo xeerku ahaa in jawaan ku boodka laga soo bilaabayo dilimmo loo xariiqay kuna soo ordaan iyagoo jawaanka lugaha ugu jiro, balse qaar ka mid ah kuwii ka qaaygalay ayay u suurogeli waday inay ciyaartaas ku guuleystaan; halka qaarna ay ay guulo ka gaareen.

 

C/llaahi Axmed Rooble oo ka mid ah mas'uuliyiinta ururka SYL II oo gaba-gabadii tartankan ka hadlay ayaa sheegay in ciyaarayahan ay qayb ka yihiin tartammo ay qabtaan bil walba, isagoo sheegay in tartanka ay ku qabteen xeebta liido ay ka duwan yihiin kuwii hore, isla markaana tartankan uu ahaa mid guud oo lagu kulmiyay dhammaan ciyaaraha fudud.

 

Mas'uulku wuxuu sheegay in ururka SYL II uu wax-baro 500 oo dhalinyaro ah oo rag iyo dumar isugu jira, isagoo xusay inay dhallinyaradan soo xuleen si loo baro xirfado kala duwan, isagoo intaas ku daray in dhallinyarada ay baraan xirfado ay ka mid yihiin: makaanikada, dabka matoorka, kombuutarka, xogheynnimada, kalkaalisenimo iyo saxaafadda.

 

Ugu dambeyn, Rooble wuxuu sheegay in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ay dhallinyarada u sameeyaan wacyi-gelin ku aadan wadaniyada, dhaqanka, tarbiyadda Islaamka iyo horumarinta bulshada, isagoo intaas ku daray inay sameeyaan shaqooyin ay ka mid yihiin inay caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha Muqdisho ayna u sameeyaan si mutadawacnimo ama bilaash ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sports update

 

Wadajir beat Howl Wadaag :D (3 - 0 all day everyday)

 

Yaaqshid beat Waaberi (3-1)

 

DSC06011.jpg

 

Semifinals

 

Hodan v Dharkenley

 

Wadajir v Yaaqshiid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

CIMG0574.jpg

CIMG0643.jpg

CIMG0580.jpg

CIMG0599.jpg

CIMG0604.jpg

CIMG0619.jpg

CIMG0611.jpg

CIMG0633.jpg

CIMG0589.jpg

 

Waxaa maanta airporka magalada muqdisho kasoo degay ciyaartoyda xullka soomaaliyeed ee gabdhaha kubadda koleyga, xulka Ciyaarta shataranjiga iyo kuwa ciyaaraha fudud kuwaas oo kasoo qeyb galay tartanka dalalka jaamacada carabta ee sanadkan lagu qabtay magaalada doha ee caasimada wadanka qadar

 

Xulkan maanta dib ugu soo laabtay magalada muqdisho ayaa waxaa hogaaminayey mas,uuliyiin ka tirsan Wasaaradda isportiga maamulka guddiga olombikada soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah xiriirada hoostaga waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya, qaar ka mid ah xiriirada dalka ka jira, bahweynta isportiga, ururada haweenka iyo taageerayaal aad u faro badan kuwaas oo ku faraxsanaa soo noqoshada xulalkaasi iyo guulaha ay soo hoyeen xulka qaranka soomaaliyeed ee gabdhaha kubadda koleyga .

 

Waxaana gudaha garoonka diyaaradaha saxaafada kula hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka isportiga Maxamed Muxudiin Shiiq Mursal oo aad ugu hambalyeeyay gabdhaha kubadda koleyga guusha la taaban karo ee ay soo gaareen .

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow Wiish iyo gudoomiyaha xiriirka kubadda koleyga oo iyana si isku mid ah ugu mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay iyaga oo sidoo kale u hambalyeeyay bahda isportiga iyo xulalka ay hogaaminayeen.

 

Ugu dambeyntii waxaa iyana halkaasi dareenkeeda ka muujisay Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka Caasho Cumar Geesdiir oo si qiiradeysan ugu hambalyeysay gabdhaha xulka qaranka kubadda koleyga.

 

Si kastaba xulalka sanadkan soomaliya u matalay tartanka dalalka jaamacada carabta ayaa muujiyay karti dheeraad ah waxaana si weyn loo amaanay gabdhaha kubadda koleyga oo soo hoyay guullo taariiqi ah oo ay u riyaaqeyn taageerayaasha soomaaliyeed oo la oran karo waxey u bukeen in dhagahoodu maqlaan guulo ay soo gaaraan xulalka kala duwan ee matala sharafta iyo sumcada Dalkeena.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;767880 wrote:
cynxx.jpg

 

That's beautiful , that's even Mogadishu ? What's point . Every time they built nice places , bullets take it down .

I would love to have place like this

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Somalina;767908 wrote:
Dharkenley 1 - 0 Hodan

DSC06056.jpg

Aniga iyo gabadhaas dhulka fadhido aad iyo aad ayaan uga xunahay in Hodan lagaraayey. Laakiin ciyaari waa galindanbe. Waxaan u maleeynaa Libaaxyada Hodan were still celebrating the 4 : 0 marka cawada waa in Qamiirka laga yareeyaa...

 

Dharkenleyna inteey eheed! Waligeey ma maqal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;767897 wrote:
Somalina dhismahaas neh xafadee ku taal? jaalana maxee uu tahi dambi waaye beh inee caadaan ahaatee eheed meesha xamar cadey bilaash looma bixinee

Waa qeyb ka mid ah dowlad la'aanta. Dowlad la'aanta ayaa keentay. Waagii dowladda jirtay waajib ayee ahayd in guryaha iyo aqalada darbiyadooda banaanka muuqdo dhamaantood nuuryo la wada mariyo ama rinji cad. Taas ayaana Xamar sii qurxooneysiin jirtay. Midabkaan sarta ka muuqato camal indhaha dadka ka qabanaayo Xamar looguma tala galin, perhaps Cuba iyo meelahaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this