Sign in to follow this  
Liqaye

Qorshe si degdg ah saraakiil Shabaab ka tirsan loogu biirinayo Dowladda KMG ah oo si hoose uga socda

Recommended Posts

Liqaye   

Qorshe si degdeg ah saraakiil Shabaab ka tirsan loogu biirinayo Dowladda KMG ah oo si hoose uga socda magaalada Muqdisho

 

Warar lagu kalsoon yahay oo ka soo baxaya qorshe si xowli leh ku socda laguna doonayo in saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab loogu biiriyo Dowladda KMG ah ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, iyadoo xubno iyo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda, Shabaab iyo shaqsiyaad gacan-saar la leh labada dhinac ay isaga dab qaadayaan madax ka tirsan Dowladda iyo saraakiisha Shabaab ee iyagu sameynaya isbedel siyaasadeed oo ka duwan midkoodii hore.

 

Xubnaha ku lugta leh Saraakiisha Shabaab ee Dowladda ku biiraya waxaa ka mid ah: C/llaahi Shirwac, Horjoogayaal ka soo goostay ururka Al-Shabaab, Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale, xubno ka tirsan qurba-joogta Soomaalida dibadda iyo xubno ka tirsan Dowladda iyo saraakiisha Shabaab, waxaana dadaaladaasi oo bilowday laba toddobaad kahor la sheegayaa inay iminka marayaan heer gabagabo ah.

 

Kulamo qarsoodi ah oo dhowr goor dhex maray xubnaha magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo kala gooni gooni ah, kuwaasi oo dhex maray dhinacyada Dowladda iyo saraakiisha Shabaab oo la kala kulmeen xubnaha isaga dab qaadaya ee iyagu doonaya in xaajada si hoose loo dhameeyo isla markaana aan la shaacin qaabka ay howlahaani ku dhacayaan.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Shabaab ee lagu wado inay Dowladda ku biiraan ayaa la sheegayaa inay yihiin saraakiil sare oo dhowaan ciidamadooda kala baxay magaalada Muqdisho una horeeyo Muqtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur", Madaxa Shabaab u qaabilsan gobolka Sh/hoose Maxamed Abuu Cabdalla, laba sarkaal sarsare oo magacyadooda aan weli na soo gaarin iyo horjoogayaal tiradoodu gaareyso ilaa shan horjooge, kuwaasi oo iyagu hoggaaminayay maleeshiyaadka Shabaabka ee ka dagaalada ka waday magaalada Muqdisho, balse ciidamadooda kala baxay Muqdisho.

 

Dhinaca kale qorshahaan ayaa la sheegayaa in meel marintiisa ay kahor yimaadeen caqabado la xariira in dhinacyada Dowladda iyo saraakiisha Shabaab ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka qorshahaasi lagu hirgelinayo, iyadoo dhinaca saraakiisha ay shuruudo dhowr ah ku xireen ku biiritaankooda Dowladda, waxaana caqabadahaasi ka mid ah meeleynta maleeshiyaadkii ay hoggaaminayeen saraakiishaasi iyo horjoogayaasha ururka Shabaab ka tirsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Maxaa all-shabab ku soo daraya dowlada, ma waxaa la rabaa in aay haawshoodii meeshii ka sii wataan? All-shabab saraakiisha ka tirsan waa gacan ku dhiig la yaal , hadii la cafiyo waa in aay shacab noqdaan ee ma aha in hub kale ee umada soomaaliyeed aay ku layaan loo gacan galiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this