Sign in to follow this  
Liqaye

Un-doing one of the few things he had done right!? Madaxweyne Faroole oo kala diray Maamulki Mudug

Recommended Posts

Liqaye   

Madaxweyne Faroole oo kala diray Maamulki Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland

 

Madaxweyniha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/raxman Faroole ayaa maanta wareegta uu kasoo saaray Magaalada Garowe ku kala diray maamulkii gobolka Mudug ee Puntland, isagoo maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo.

 

Wareegtada ayaa lagu sheegay in la kala diray maamulkii gobolka Mudug ee uu madaxda ka ahaa Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke, waxaana guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigray). (:))

 

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu magcaabay laba guddoomiye ku xigeen oo uu gobolku yeesho, waxaana guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Farxaan Cali Xirsi oo ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulkii la kala diray. Iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaadna loo magacaabay Axmed Muuse Nuur oo guddoomiye ka ahaa maamulkii la kala diray ee degmada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug u magacaabay maamul cusub, waxaana guddoomiyaha iyo duqa degmada loo magacaabay Siciid Cabdi Faarax, halka ku xigeen looga dhigay Daahir Maxamuud Muuse, kuwaasoo la sheegay inay xilka haynayaan inta laga dhisayo gole deegaan oo soo dooranaya maamulka degmada.

 

Maamulka maanta la kala diray ayaa waxay ahaayeen xubno KMG ah iyadoo xilka hayay muddo todoba bilood ah, iyadoo lagu bedelay maamulkii gobolka iyo kii degmada oo sidan oo kale loo kala diray, balse lama sheegin sababta loo kala diray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this