Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Ministerial delegation arrives in sanaag +VIDEO

Recommended Posts

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka hadlay dilkii Taliyihii Saldhiga Daallo ee Magaalada Ceerigaabo

August 24th, 2011

 

Ceerigaabo (Somaliland.Org):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa booqasho ku tegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Waxaana socdaalkan ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliayada Warsame Siciid Cabdi, iyada oo sidoo kale la filayo in uu ku soo biro Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle oo ka tirsan muddaneyaasha Golaha wakiilada.

 

Markii uu weftigani gaadhay magaalada Ceerigaabo waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka gobolka iyo ka degmada taliyeyaasha ciidamada iyo dad wayne kale iyadoo weftigaasi ay ku degeen guriga martida ee magalada Ceerigabo.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi AwDaahir Cali oo war baahinta uga warbixiyay u jeedada socdaalkooda ayaa sheegay in safarkoodani uu isugu jiro dhinacyo kala duwan oo ay ugu horayso arrinta dilkii loo gaystay taliyihii saldhiga Booliska Daallo ee magaalada Ceerigaabo, iyo mashaariic horumarineed oo laga fulin doono gobolka sanaag.

Dr Cabdi AwDaahir waxaa uu xusay in ta laabada koowaad ee ay qaadayaan inta ay joogaan magaalada Ceerigaabo ay tahay sidii ay waayeelka iyo wax garadka magaalada Ceerigaabo gacan uga siin lahaayeen dilkii dhawaan lagu khaarajiyey Taliyihii saldhiga Booliska Daallo ee magaalada Ceerigaabo, oo aan ilaa hadda la haynin cidii dilkiisa gaysatay.

 

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in muddada ay joogaan magaalada Ceerigaabo ay ka qaban doonaan mashaariic horumarineed oo laga fulin doono gobolka kana mid yihiin todoba Ceel biyood oo laga qodi doono gobolka Sanaag iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka caafimaadka xoolaha, iyada oo ay mashaariicdaasina ka caawin doonto Hay’ada FAO sida uu cadeeyay wasiirku, waxaanu intaasi ku daray Dr Cabdi AwDaahir in muddada uu ku guddo jiro socdaalkiisa uu dhagax dhigi doono saylad cusub oo ay yeelan doonto magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waa markii ugu horaysay ee uu Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland uu socdaal ku tago gobolka Sanaag gaar ahaana magaalo madaxdiisa Ceerigaabo tan iyo intii uu hayay xilka wasiirnimo ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this