Carafaat

SSC Conference Khaatumo2: The final part.

Recommended Posts

Reer Yagoori Oo U Diyaar Garoobaya Soo Dhoweynta Gudida Qaban Qaabada Khaatumo2-

 

Lasanod Online. Saturday, September 10, 2011

 

 

Yagoori,(Lasanod Online)- Shir balladhan oo maanta ka dhacay magaalada yagoori ayaa lagaga hadlay sidii magaalada yagoori Loogu soo dhoweyn lahaa..

 

waftiga gudida qaban qaabada khaatumo2 oo la filayo inay maalmaha soo socda soo gaadhaan Magaaladaas.

 

Cuqaasha, waxgaradka iyo bulshada reer Yagoori oo dhamaantood shirkaas goob joog ka ahaa ayaa sheegay inay diyaar u yihiin kulanka gudida iyo shacabka reer Yagoori. Waxayna cadeeyeen inay yagoori la mid tahay degaamada kale SSC ee gudidu soo martay. cid ku faro gelin karta hawlahoodana aysan jirin.

 

Waxaa iyana shirkaas hadalo kaso jeediyey oo u mahad naqay shacabka reer Yagoori xubno horudhac ah oo ka tirsan gudida oo uuna ka mid yahay afhayeenka gudidu Cabdalla Cagalule oo hadda sugan magaalada Yagoori.

 

Gudida khaatumo oo shalay gaadhay magaalada Xudun si wanaagsana loogusoo dhoweeyey, ayaa weli ku guda jira socdaalkoodii wacyigelinta shacabka deegaamda SSC,

 

Gudida qaban qaabada ayaa la sugayaa inay ilaa berri soo gaadhaan deegaanka yagoori.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Yagoori Oo Codsaday Inay Martigeliyaan Shirka Khaatumo2-

 

Lasanod Online. Sunday, September 11, 2011

 

 

Yagoori,(lasanod Online)- Xaflad si heer sare ah losoo agaasimay oo lagusoo dhoweeynayey gudidii qaban qaabada Khaatumo2 oo maanta gaadhay..

 

 

degmada yagoori ayaa ka dhacday magaaladaasi.

 

Gudida qaban qaabada Khaatumo2 ayaa waxaa laga hortigay meel 20km oo jirta oo magaalada Yagoori oo ah dhinaca deegaanka Jidbaale, halkaas oo lagaga soo gelbiyey Baabuur iyo fardo ilaa intay soo geliyeen magaalada Yagoori.

 

Shacabka ku nool magaalada Yagoori iyo dadweyne kale oo tiro adan kana yimid magaalada laascaanood ayaa safnaa wadooyinka magaalada ilaa inta waftiga Khaatumo gaadhay gurigii loogu talo galay.

 

Nasasho iyo iswaraysi kooban kadib waxaa wafdiga la geeyey goobtii xaflada weyn loogu talo galey, halkaasoo qado sharafna loogu sameeyey.

 

Axmed Maxmauud Sanbalooshi oo isagu ah afhayeenka Gudida Odayaasha 21ka ee Laascaanood oo ka mid ahaa odayaasha la kulmay maanta gudida ayaa Lasanod Online u xaqiijiyey in shacabka reer Yagoori ay aad usoo dhoweeyeen fariintii wafdigu siday ee ahayd qabashada shirka Khattumo, iyagoo weliba ay codsadeen inay magaalo ahaana martigelinayaan.

 

Xubno u hadalay gudida oo xafladas hadalo kasoo jeediyey ayaa u mahadnaqay shacabka Yagoori, iyaagoo xusay in soo dhoweyntan maanta loogu sameeye Yagoori ay wax badan ka bedeshay dareenk gudida ee ku aadan Yagoori, ayna tixgeliyaan codsigaas martigelinta wadatashi kadib.

 

Wafidiga ayaa caawa u hoyday magaalada yagoori, waxaana weli go'aan laga gaadhin goobta kale ee ku tegi doonaan safarkoodan wacyigelinta shacabka SSC.

 

Lasanod Online waxay hadii Allah idmo dhowaan idiinsoo tebin doonaa maqal iyo muqaal xafladii soo dhoweynta gudida Khaatumo2 ee maanta ka dhacday magaalada Yagoori..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Gudiga Xoreynta Laas Caanood iyo SSC ee loo xilsaaray Qaban Qaabada Shirka khaatumo #2 oo Yagoori lagu soo dhaweeyay

 

Sunday, 11 September 2011 13:36

 

Yagoori(Jidbaale):- Maaanta duhurkii magalada yagoori ee gobolka sool soo gaadhay gudidiii qaban qaabada shir waynaha khaatumo oo ber yahan ku sugnaa Degmada xudun ee Gobolka Sool.

 

 

 

Saaka subaxii ayaa magaalada Laascaanood odoyaal iyo wax garad kale ka baxeen dhinacaa iyo magaalada yagoori si ay uga qayb qaataan soo dhawaynta gudiga khaatumo.

 

Magaalada yagoori si wayn loogu soo dhaweeyay Gudiga khaatumo, magaalada yagoori ayaa lagu arkay dad weyne badan ah oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada, gudida qabanqaabada shirwaynaha khaatumo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually reading it again Liibaan changed the tittle of the report of Jidbaale they didn't say anything regarding gudiga xoreynta lol

 

War liibaanow dadka maxaad u walaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

carafaat did you know Mr Abdirsaaq khalif dawdar is the second cousin of garaad jamac garaad ismacil he paid and organized the inauguration ceremony of the garaad in laascanood in 2009, he also hails from Yaagoori

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Carafaat and Xun Juf, you two need to focus on your Somalidiid -land, Las Anod & Unionist SSC Region of Somalia is NOT your business.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Carafaat;745529 wrote:
Liibaan, what do you mean with "Gudiga Xoreynta Laas Caanood iyo SSC"? Is the same gudi as the one of khatuuma2? or another gudi?

 

The whole purpose and objective behind SSC Movement and Khaatumo Conference I in London and Khaatumo Conference II in SSC Region of Somalia is very simple to liberate Las Anod & Unionist SSC Region from Clan Secessionist militia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.