Sign in to follow this  
Muslim1st-Somali2nd

Gaal waa gaal

Recommended Posts

Boondheere waxaad i soo xasuusisay maahmaah caan ah!

 

Man Dakhala Fii Qhayri Fannihi Ataa Bil Cajaaib - Ruuxii Fanigiisa Fanni aan aheyn galaa Cajaaib buu la yimaadaa!

 

Imaam shaafici wxuu dhashey 135 Hijra ma uusan dhalay 150 hijra

mana uusan geeriyoon sida aad ku andacootay ee ah 204 h ee imaam shaafici wuxuu geeriyooday 188 hijra

Daliil?

 

waa kan culimadda Ashaaciradda aad u nisba sheeganaysid waxay ku qoreen homepagekooda caanka: Date-ka uu dhintay fiiri!

 

http://qa.sunnipath.com/issue_view.asp?ID=1582

 

 

first waxaa tiri caliphates dhaxaltooyo ma aheyn waa BEEN ABUUR CAD.-

waan kuu cadeeyey inay arintaa sidaa aheyn. waadna qiratay inay xukun dhaxaltooyo aheeyd marka laga reebo less then 5% of caliphates time

BEEN

 

waxaad kaloo qiratay in madaxdaada la doorto ay tahay wax fiican, haba ahaatee ninka aad dooraneysid NIN MADOOW.

taana waad qiratay waa elections doorasho. taasoo ah saldhiga dimuqraadiyada.

Been, hadalka aad sidaas u dhigtay "waa qiratay" waa been cad, meel aan ku diiday ma jirto in muslimiintu doortaan amiirkooda.

Soo qor meesha aan ku diiday in muslimiintu amiir dooran karaan?

 

of course aniga as ahlusunnah waljamaaca waa adag tahay inaan non somali madhab from saudi arabia wax aan ka badneeyn last 30 years qof wax ay ku soo shubteen inaan isku si wax u aragno. waa habeenkii xalay tagay.

Ahlu Sunnah wal jamaca ma tihid! Laguma noqdo sheegashee, camal iyo fahan diin baa lagu noqdaa. Adna waxaad la soo tagantahay inaad xataa been ka sheegtid wakhtigii Imam shaafici dhashay! Waligiisna Imam Ahmed ismaynan arkin baad leedahay!

 

Xataa gaalada Wikipedia samaysay baa og inuu Imam Shafici dhashay 150 dhintayna 204! Imam Ahmedna ay aad isugu dhawaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

maashaa Allah walaal boondheere hadaad imaatay meesha la rabay .

hadeey ogoshahay dimuqraadiyada in basic dastuurka wadamada islaamku uu noqdo diinta islaamka ,waaba sidi larabay .

diinta islaamka waxey leedahay shareecada islaamka vote lama galiyo sidaa darteed otomaatik waa inaan u qaadanaa shareecada islaamka maadaama eey diintu leedahay amarkeyga yaanan war la gelinin.

 

arinta wax ka qaadashada imaamyada waxuu imaamu shaafici iyo kuwa kalaba eey yiraahdeen '' haduu xadiithku saxmo (sax yahay) waa madhabteyda , mana jirto meel uu imaamu shaafici ama imaamu bukhaari iyo muslimba eey ku yiraahdeen kuweena bas aya saxan .

 

qofka heysto madhabta imaamu shaafici ( waxan ka hadlayaa arimaha fiqiga ) ,maadaama mahaadibta eey ka waramaan fiqiga , qasab ma ahan inuu madhabta imaamu axmed ama maaliki qaato ,wey jiraan aqwaal meelaha qaar looga xoog badanayo imaamu shaafici , ( imaamu shaafici fiqigiisu wuxuu ku dhisan yahay xadiithka nabiga ee ka tag wixii ku shaki galiyo aadna waxaanan ku shaki galin ) ,sidaa darteed ayaad arkeysaa inuu meelaha qaar ku adag yahay .

 

isku soo wada duub madaahibta ma ahan diin ee waa culimo aruursay arimaha fiqiga ku saabsan ,mana dhimi karno sharafta mid ka mid ah ayagaana iska keen jeclaa AUWN , sucuudiga qofkii ka yimaado ee madhabta imaamu ahmed heysto in lagu tilmaamo brainwashed waa arin laga fiican yahay ,sidaad shaafici u heysato ayuu u heystaa wax layiraahdo qeybtaan shaaficiyo ayey u xiran tahay ama maalikiyana ma jirto , madhabtaad ku qanacsantahay inaad raacdo wax diidayo diiniyan ma jirto . madhab ayaa qaldana waa danbi weyn .

 

boondhere maadaama shaafiya aad heysato soomaalida badankoodna eey shaaficiyo yihiin , ma ahan in dadka xanbaliyada( wahaabiya sidaad ula jedo) eey brainwashed yihiin .taas na waxaa kuu cadeeynaya wadaadada ugu waaweyn ee soomaaliya hada joogaan waxey wax kasoo barteen sucuudiga ama culimo sucuudiga ka imaatay ayey wax ka aqristeen .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabad_dadaye;740741 wrote:
maashaa Allah walaal boondheere hadaad imaatay meesha la rabay .

hadeey ogoshahay dimuqraadiyada in basic dastuurka wadamada islaamku uu noqdo diinta islaamka ,waaba sidi larabay .

diinta islaamka waxey leedahay shareecada islaamka vote lama galiyo sidaa darteed otomaatik waa inaan u qaadanaa shareecada islaamka maadaama eey diintu leedahay amarkeyga yaanan war la gelinin.

 

.

sxb xaqiiqdii wax diinta islaamka quraanka iyo axadiista ka soo horjeesanaya inaad dooratid madaxdaada ma jirto.. haddii aad tiraahdo CODBIXIN(vote) lama ogola your version of islam markaa ma waxaad rabtaa dictatioral goverment inay shacuubta muslimiinta wadamada kala duwan deggan dunidan ka bilaaw indonisia ilaa turkey afrika aad ka tagto ku dhaqan inay sameeystaan XUKUN sidii talibanka oo ooo nin waligiis wajigiisa aan la arag wajiga qarsada sida MULLA Omar oo kale maamulo shacuubta islaamka ama AFDUUB uu ku heesto?

 

islaamka waa qabaa inaad DOORASHO aad gashid qofkaaga kuugu wanaagsan aad u doorato MADAXDA hogaamisa shacabkaaga.

 

 

mida kale islaamku waa ogol yahay AXDI QARAMEED inaad qoroto. quraankeena ayey ku taalaa kala qorta AXDI. OOFIYANA axdiga aad kala qorateen.

 

marka DASTUURKA ama eray bixinta saxda ah ee ah AXDI QARAMEED waa inuu wadan waliba sameeystaa laakiin AXDI qarameedkaa waaa inaysan ku jirin wax quraanka iyo axaadiista saxiixda ah ka hor imaaneyn.

 

 

AXDI qarameedka ama sida dad qaar yiraahdaan DASTUUR waa sidan soo socota oo kale

 

1:- jamhuuriyada somalida waa wadan islaamka sharuucdeedana waa inay ku saleeysnaadaan islaamka, wax alle wxiii islaamka ka hor imaanayana SHARCI ama sharuuuc uma noqon karto wadanka SOMALIA.

 

2:- JAMHHRIYADA soomalida madaxweynaheeda waa inay shacabka doortaan.

3:- jamhuuriyada soomaalida calankeeda waa noocaas iyo noocaas.

4: jamhuuriyada soomalida xuduudeedu waa halkaa iyo halkaa

 

 

waa tusaaale AXDI qarameedka ama dadka qaar ugu yeeraan(dastuur)

 

haddii aad la timaado wahaaabiya ee aad tiraaahdo AXDI lama kala qoran karo markaa waxaad ku been abuuratay kitaabka quraanka kariimka.

 

waayo TRAFFIC LAWS waa axdi ay dad qorteen iskuna raaceen. waa sidaasoo kale axdi qarameedka sida traffic laws oo kale axdi qarameed aan islaamka ka hor imaaneyn ayaad sameeysaneysaaa.

 

 

 

Abū ʿAbdullāh Muhammad ibn Idrīs al-Shafiʿī (Arabic: ابو عبدالله محمد بن إدريس الشافعيّ‎) was a Muslim jurist, who lived from 767 CE to 820 CE. He was active in juridical matters and his teaching eventually led to the Shafi'i school of fiqh (or Madh'hab) named after him. Hence he
is often called Imam al-Shafi'i
.

 

 

Born 135 AH

Gaza, Palestine

Died /188 A

http://en.wikipedia.org/wiki/Al-Shafi%E2%80%98i

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boondheere, it says in your own link:

 

Death

 

He died at the age of 54 on the 30th of Rajab in 204 AH (820 AD). He was buried in al-Fustat, Egypt.

Bal akhri mar labaad, linkiga aad adigu meesha soo dhigtay!

 

And even look at the wiki link u posted, dhinaca midigta, meeshay ay ku qorantahay dadka uu saamaynta ku lahaa Imam shafi3i: Imam Ahmed!

Share this post


Link to post
Share on other sites

link aan soo qoray dhinac midig waxaa ku qoran

Islamic scholar

Abū ʿAbdullāh Muhammad ibn Idrīs al-Shafiʿī

Title Imam of the Abode of Emigration

Born 767 CE/135 AH
Gaza, Palestine

Died 820 CE/188 AH (aged 52-53)
Fustat, Egypt

Ethnicity Arab

Maddhab Sunnah

School tradition Sunni Islam

Main interests Fiqh

Notable ideas Shafi'i madhhab

Works Kitabul-Athar, Fiqh al-Akbar

Influences Imam Malik,[1] Sufyan ibn `Uyaynah, Muhammad al-Shaybani

Influenced Ahmad ibn Hanbal, Abu

 

suaashu waa whos who ayaa is influence gareyey??

 

waad aragtaa waxaad tiri wuxuu dashey 150 ah dhinteyna 204.

 

halkaa waxaa ku qoran 135 dhashey geeriyooday 188

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boondheere

 

Linkiga aad soo dhigtay waxaa ku qoran sidaan sheegay:

Death

 

He died at the age of 54 on the 30th of Rajab in 204 AH (820 AD). He was buried in al-Fustat, Egypt.

Markaa bal adigu waxaad aragtay dhinaca midig waxaa ku qoran:

 

Born 767 CE/135 AH

Died 820 CE/188 AH (aged 52-53)

 

Waa akhbaar qalad ah! 820 hadii hijri loo badalo waxay noqonaysaa 204! Marka ma noqonayso 188Ah sida meesha ku qoran. Waa xisaab qalad ah!

 

Sidoo kale hadii 767 loo badalo hijri waxay noqonaysaa: 150, mana noqonayso 135 AH.

 

Marka way iska cadahay akhbaarta ay meesha ku qoreen artikel-ka way ku saxeen, laakiin dhinaca midigta way ku qaldameen. Waayo xisaab ahaan waaba qalad. dad caadi ah baana qora wikipedia, adaaba hadeer gali karoo sixi kara hadaad rabtid, meesha "Edit" taaboo eeg.

 

Hadaad rabtid homepage-kan isticmaal si aad u aragtid hijriga: http://www.assiddiq.org/hijra_date_converter.asp

 

Adigu markaa ku qor bal 820 sanadkay tahay xaga hijriga, iyo 767 waxay tahay sanadka hijriga.

 

Mida labaad

 

suaashu waa whos who ayaa is influence gareyey??

doodeenu ma waxay ahayd "yaa influence gareeyey who", mise waxay ahayd "ismaba yaqaanan, ismaynan arag, waxba iskam qaataan"!

 

Halkana waxaa ku cad inuu Imam shafici INfluence gareeyey Imam Ahmed, waayo arday buuba u ahaa, oo fiqiga ka barta. Waana intaan maantoo dhan lahaa. Daliiladii hore aan kuu keenayna waad diiday.

 

Bal hadaad marba wikipedia u aragtid daliil, halkan fiiri:

 

http://en.wikipedia.org/wiki/Ahmad_ibn_Hanbal

 

waxaa ku qoran:

His travels lasted several years. Upon returning home, he studied under Imam Shafi on Islamic law.[11][12] This and the fact that he was a scholar of hadith, were responsible for his deep devotion to the textual views on Islam, and his opposition to innovation of any kind.[13] Imam Shafi, who was a scholarly giant in his own right, stated:

 

"I left Baghdad, and I did not leave behind me a man better, having more knowledge, or greater fiqh (understanding), nor having greater taqwa (piety) than Ahmad Ibn Hanbal."[10]

Akhi bes hadaba dee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaal boondheere ma jiro wax la yiraahdo your version of islam ,diintana malahan versions diinta waa hal kitaabkana waa hal .

aniga kumaan oran vote oo dhan waa qalad balse waxaan ku iri shareecada ma isku xukunnaa mise taas ayaa qalad ah .

balse intaan kale sida traffic low,xuduudaha ,qaab nololeedka kale , waa caadi in qawaaniin loo dagsado . balse ayagana waa ineysan tacaaliimta islaamka kasoo horjeedsanin .

 

madaxweynaha umada in loo codeeyo oo si xor ah loo doorto qofkooda ugu haboon waa shey diinta eey ogoshahay ,daliilna waxaa u ah doorashadii asxaabta eey doorteen abuu bakar , balse waxaan diidanahay shacabka hala dhaxdhigo shareeca ma qaadanaa mise , zaka ma bixinaa mise ,yacni wax yaalaha loo yaqaana '' macluumu diini bi daruura'' .

 

arinta aad kusoo celcelisay ee madaxda afkhanistan sida sh mullah m Omar , ma wuxuu wajigiisa duubnaa waqtiguu madaxweynaha ahaa , mise inaad camera hortagto waa waajib ? . waqtiguu maamulayay diinta sideey ku ahayd afkhanistaan ? ,dagaalka intaan lagu qaadin ka hor iyo hada xaalada sideey tahay ? , kaligiis taliyana muu ahaa mise arinka shuura ayuu ku socday mise borobagaandada raqiiska ah ee reer galbeed ka ayaad aamintay , wey jiraan qalaad tira badan iney dhaceen . dhalibaan ma alqaeda ayaa loogu marmarsooday mise meel laga qabtaa la la'aa markeedi horaba . sorry hadaan threadka meelkale u weeciyay .

 

siday diinta uga tirsantahay in lakala qorto axdiyada balamada ayey in shareecada islaamka laysku xukumo uga irsan tahay diinta , diintana inaan qeyb aqbalno qeyb madiidi karno . hadaad ka wado duruufta hada lagu jiro gaaladuna eey ka xoogbadan yihiin muslimiinta dhan walbo (dhaqaale ,military, technology .i.w.m) ,waa inaan dowlad dimuqraadiya suubsanaa maadaama dimuqraadiyada la qurqurxi eey xoriyada diinta ugu dhaw dahay ,daruuro darteedna aan sida usuubino , hergalinta arimahana islaamka halagu dabaqo ,waa fikir iska macquul ah waqti kooban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nabadaaye waxaad tiri elections DOORASHO VOTE lama ogola diinta islaamka. haddana waxaad leedahay ,MADAXWEYNAHA wadankaaga waad dooran kartaa??

 

elections = democracy. marka kala hadalka ah dimuqraadiyada waa xaraam. marna la yiraahdo saldhigii ugu weeynaa ee dimuqraadiyada ee ahaa inaad doorasho gasho oo aad madaxdaada doorato waa wax wanaagsan.

 

anigu waxaan u arkaa xoogaa kala hadal ah iyo degdeg lagu yaqaan dadka raaca manhajka soomaalida u taqaan wahaabbiya.

 

waxaan ku irir AXDI QARAMEED(dastuur) umadda muslim ah sida somalia sameeysaneyso diinta islaamka waa ogoshahay. OF COURSE wax islaamka ka soo horjeedo laguma qorayo dastuurka(axadi qarameedka Somalia)

 

waadna qiratay inuu islaamka ogol yahay inay shucuub wadan ku nool xaq u leeyihiin SHARCIYO inay sameeystaan sharciyadaas aan contradiction ku aheeyn islaamka ama aan ka soo horjeedin.

 

Ninka la yiraahdo mulla cumar markuu maamulayey afghnistan wajigiisa waa uu qarin jiray. cid maanta afghnistaan deggan ee garaneysa sida uu u eg yahay mulla cumar waa ay yar tahay.

 

MULLA CUMAR wuxuu ahaa nin umadda afghanitsna aad u neceb tahay, wuxuuna ahaa nin afduub ku heeystay. xaqiiqdii iskama oranayo arintaa, waxaad weydiisaa qof afghanistaan ka timid waliba u dhashey qabiiilka mulla umar ee bashtuuga, waxaaad weydiisaa Wajigiisa ma la arki jiray markuu madaxweynaha ka ahaa afghnistaan?

 

 

mudaddii u madaxda ka ahaa ninkaa wahaabiga ahaa ee mulla umar dalka afghnaitsaan waxaa wadankaa ku yimid gadaal dhan dhinac waliba ah xagga waxbarashada. xagga horumarka, xagga dhismaha xagga caafimaadka. practically waxay ku noolaayeen shcuubta afghistaaan CASRUL XAJAR ama STONE AGE.

 

Waa dhibaatada khawaariiyada casrigan ee ay culumada waa weeyn islaamka ka digeen weeyaan. in shucuubta islaamka dib u dhac dhinac waliba lagu rido. ayna afduubtaan Niman wajiyadooda qariya sida Mulla cumar iyo AHMED GODANE OO KALE niman dunida jecel dadkodana afduub ku heeysta. hadhow markii la eryadana aan wajigooda si aan looo garan NOLOSHA jaceylka ay u qabaan awgeed.

 

waxaan ku leeyahay your version of islam waayo nmanjhajka wahaabiyada maaha islaamka saxda ah waayo haddii aadba xayeeysiineysid NIN WAJIGIISA xitaa dadkiisa ka qarin jiray sida Mulla cumar iyo AHMED GODANE oo kale markaa waxay noqoneysaa dadka afkaartaa aamisan . afkaarta khawaarijiga casrigan ee hor moodka u ahaa mulla cumar iyo usama ben laden iyo AHMED GODANE iyo danbiilayaal kale umadda islaamka wax aan aheeyn halaag iyo darxumo u soo jiiday iyo inay xasuuqaan shacuubta islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

there is language barrier here. bondhere is not clear enough to reap comprehension. he is buying ideologies at face value.

afareey ingiriis ah,iyo kuus somali ah,,,

democracy is a replica of western want. to understand, recall the hamas election? it was denied because the west didn't want.

 

democracy kills more than weapons, me thinks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

boondheere walaal waxaad si qalad u fahamtay qoraalkeyga .

in ummada muslimka eey doorato hogaankeeda wey banaantahay , horeyna waxaad u tiri mareykanka ma ogolo in state inuu ka go'o dalka intiisa kale uu cod u qaado , so ummada muslimka ah waa xaaraam iney tiraahdo ma u codeynaa inaan tukano ,shareecada islaamka laysku xukumo , in salaadaha la tukado. intaas oo idil waa macluumu diini bi daruura .

qaacida kaloo fiqi ayaa jirta oo leh '' ad-daruuratu tubiixul maxduuraat'' yacni wixii dantu qasabto wey banaan yihiin ,balse waa in lasuubiyaa in ku kooban baahidiisa .

sida hadii dowlad daalimad ah eey tiraahdo masaajida laguma tukan karo ,guriga ayaa leysaga tukanaa maadaama eey dantu keentay .

in madaxda umada ladoortana dimuqraadiyad laguma baran ee waa mabda' diinta islaamka ku saleysan in amiirka la mubaayaceeyo.

 

haduu magaca wahaabiyada dadka qaar dhibayo ,diintu ma ahan wahaabiyee ,diintaada ilaasho ,iyo wixii kitaabka Alle iyo sunada nabigeena suuban waafaqsan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this