Sign in to follow this  
Muslim1st-Somali2nd

Gaal waa gaal

Recommended Posts

Boondheere dhowr wax aynu kala saarno horta.

 

1: Shaki kuma jiro qofkastoo Amiirnimada muslimiinta ka dhiga "dhaxaltooyo" wuu qaldamay, waayo taas nabigeenii(salallahu alayhi wasalam) kamaynan soo gaadhin

 

2: Boqortooyadii ummayadda iyo Cabaasiyiintii, iyo cuthmaaniyiintii kuligood qalado badan way lahaayeen. Laakiin waxyaabo badan oo sax ah way lahaayeen. Diintana aad bay ugu soo shaqeeyeen. Boqolkiiba boqolna waxay ka fiicnaayeen waxa maanta dunida jira. Waana ayagoo khalado lahaa.

 

3: Waxan aad leedahay Islamic democrazy wax jira maaha, that's only u, anigu kuguma raacsani. Diinta Islamku uma baahno anything att all, democrazy lagam keenin arinta ah in la doorto qofka wadanka xukumaya. Waxaas yaa kuugu sheekeeyey? Muslimiintii nabiga(salallahu alayhi wasalam) wakhtigiisii noolaa ma democrazy wax la dhaho bay yaqaanaan? Ayadoo saas ah ayagaa doortay dadkii xukumi lahaa.

Markaa ha u malayn in la doorto qofka amiirka kaliya inay ku xidhantahay democrazy.

 

4: Muslimiintu inay doorato qofka madaxwayne u noqonaya qof kugu haystaa ma jiro, waayo adigu ma waxaad sawiranaysay in uu qofka na xukumayaa cirka ka soo dhacayo?

The only people oo uu Allah doorto si toos ah waa nabiyadiisa. Laakiin ayadoo sidaas ah, waxaa la inaga rabaa inaynu doorana qof diin iyo aqoon leh.

Ee aysan bahasha 4.5 sida soomaalida lagu qaybinin.

 

 

5: Nabiga(salallahu alayhi wasalam) baa sheegay mar hore siday arimaha muslimiintu noqon doonaan, tusaale sidii xadiithkii caanka ahaa:

 

"The prophet-hood will last as long as Allah is willing, then he will lift it. Then, a rightly guided Khilafah will be according to the prophet’s way and will last as long as Allah is willing, then Allah will lift it. Then, there will be a hereditary power that will last as long as Allah is willing, then Allah will lift it. Then, there will be dictatorships that will last as long as Allah is willing, then Allah will lift it. Then, there will be a Khilafah according to the prophet’s way. The prophet, then fell silent."

Imam Ahmed, iyo Tabarani

Markaa in "dictatorship" iyo "hereditary"(dhaxaltooyo) isku badali doonto hawshu sida maanta nabigaa mar hore noo sheegay akhi. culimadda wahaabiyada aad ku sheegtidna iskuma haystaan.

 

IN ay khulafadii ka dambeeyey afartii ugu horaysay qalado badan galeena kutubtooda bay ka buuxdaa, wax la is waydiiyo maba aha. Tusaale arinta ah in dhaxaltooyo laga dhigay, culimadii wakkhtigaas noolayd, iyo kuwii ka dambeeyey bal adigu ka keen mid faaniyey? Waxaas waa cilmi yarid akhi.

 

Tusaale waxaa laga hadlaa mucaawiya wiilkii Yazid, iyo dhibaataduu waday. Xajaj bin yusuf iyo dhibaatadiisii, ilaa uu culimadii waawaynayd qaar dilay.

 

Markaa inay qalado galeen shaki kuma jiro.

 

Ayadoo saas ah, walee maanta waxa jira boqol jeer bay ka fiicnaayeen.

 

Adigu markaa iskaga hadh "Islamic democracy baan rabaa"

 

Ugu dambayn maadan fahmin waxay democracy tahay sxb. Maaha kaliya "the freedom to choose who you want to be the leader"!

Share this post


Link to post
Share on other sites

marka hore doorashada aad dooraneysid ninka kuugu caqli baddan haba ahaadee MADOOW sida aad tiri, waa haddii aad aamisan tahay sidaa .waxaad markaa tahay qof aamisan dimuqraadiyada.

 

 

 

xaqiiqdii erayga democracy micnahiisu waa

 

Democracy is a form of government in which all eligible people have an equal say in the decisions that affect their lives.

 

the rule of the people

haddii aad sameeyso xukuumad dadka u siman oo markii la dooranayo madaxweynaha wadanka ama afka carabiga(khaliifka) wadanka hadii ay dadka uu maamulayo awood u leeyihiin inay wax ka yiraahdaan. markaa waa 100% democracy.

 

 

democracy itself micnaheedu maaha waxaan doonaan sameeynayaa. tusaale united states of america. waa wadan dadkiisu ay doortaan madaxda maamuleysa. laakiin maanta state ka mid ah unity of states tusaale TAXES haddii ad dadka halkaa deggan doorasho( democracy) ah ka qaado oo ay majorty 90% yiraahdaan we do not want to be part of united states of america, waxaan dooneynaa inaan noqo jamhuuriyad madax banaan. miyeey kuula tahay in united states dawladeeda ay ka yeeleyso. kama yeeleyso.

 

marka democracyga naftiisa waxay leedahay xuduud. marka future big united islamic states of republic of ISLAAMEENIA . iyadoo democracy qeybta doorashada madaxdeeda ku dhaqmeysa ayey hadana tixgelineysaa quraanka kariimka iyo wax alle wixii diinta islaamka ka soo horjeeda.

 

as i said islamic democracy. choosing your leaders. dadkaaga hor marisid. shacabkaaga barwaaqo iyo bash bash aad u horseedid. freedom of speech inaad u ogolaatid united states of ISLAAMEENIYA. hogaanka jamhuuriyada ISLAAMEENIYA waxaa qabanaya wadanka MALEESHIYA, waayo aqoonta casriga ee maanta sahleysa nolosha baiaadamka halkaa ayey u taalaa shucuubta islaamka ah.

 

 

mida kale axaadith bukhaari ama daauud ama muslim ayaan sugayey waxaa soo qortay. tabarani iyo imam axmed oo ay xaqiiqdii mashaaikhda jaamacatul azhar ee meesha culuumta islaamka dunidan nr 1 ka ah aaminsan yihiin inay forgery yihiin axaadiis baddan lagu sheego inay nimankaas wariyeen. tusaaale erayga dictitorship ee xadiiskaa aad soo qaadatey ku jira ma aysan isticmaali jirin carabtii hore, xaqiqdii waa eray modern ah. sida uu modern u yahay kalmada( computer) oo kale, marka axaadiiskaas anigoo oraneyn been abuur wuxuu u eg yahay mid la fabrik gareeyey.

 

xaqiiqdii islamic democracy wax laga hari karo maaha. waa sida kaliya ee shacuubka billionska muslimiinta dunidan ay wadamadooda iyo shucubtooda ku hormarin karaaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boondheere akhi, waxaa kaa dhaadhacsan waxyaabo aad u khaldan runtii.

 

Meel an ka bilaabo maba garanayo.

 

democracy aad baad qalad uga fahantay. Waxaad u malaynaysaa kaliya "doorasho qofka madaxwayne noqonaya" uun! Basically democrazy means inay banii aadamku xukumaan waxkastay isku raacaan.

 

Tusaale haday isku raacan like in some of the countries in the west that "gay marriage is ok" waa siday dadku isku raaceen, sharci baana laga dhigi.

 

Diinteenu ma ogala in "vote" la galiyo waxyaabaha diinta aasaas u ah, sida caqiidad dadka, shareecada etc. Laakiin hadii doorasho laga dhigo "red and blue light" waxaas waa something minor, and not important. Laakiin waxkastoo diinta ka hadlaya, doorasho lama galin karo.

 

Qawaacidda diinta baad ku tumanaysaa sxb. Reer galbeedkan aad la dhacsantahay yaysan ku indha tirin. Bal wax iskula hadh.

 

Su'aal: Ka waran hadii wadan Islamic ahi, "vote" la galiyo "in shareecada la isku xukumo iyo in kale"?? Ka waran ra'yigaas? ma ra'yi fiican baa?

 

Bal iiga jawaab su'aashaas.

 

mida kale,

 

Democrazy rules kaliya maaha "trafic law" waa gabigeeduba maamul nooleed, iyo hab lagu maamulo wadan dhan. Wax badan baadan fahmin sxb.

 

secondly, I will not even mention what u said about Imam Ahmed and Tabarani. Did u know that Imam ahmed was the teacher of Imam Bukhari?

You obviously dont know what the science of hadith is, say'n that the hadith I quoted is forgery, subhan Allah. Ka toobad keen hadalkaas, cuz it's one of the most famouse ahadith from the prophet(salallahu alayhi wasalam). ask your shuyukh if you dont believe me.

 

I my self have been to Azhar and its a lie what u just said, never have I heard anyone of the shuyukh saying that the hadith is forgery, acudubillah.

Just becomes it doesn't fit u'r debate inaad ku gaftid maaha xadiithka nabiga(salallahu alayhi wasalam)

Share this post


Link to post
Share on other sites

waan ogaa dadka badanaa ku marmarsiyooda dimuqraadiyada inay xun tahay, inay u boodaan waxyaalaha saqajaanimada sida khaniisiinta is guursata. adiga caruur ma tihid waxaan ku iri qof waliba sharciyadiisa basic ah wax ka soo horjeeda ogolaan maayo, masalan waxaan kuu so qaatay mareykanka hadduu yiraahdo gobol ka mid ah waan goosaneynaa sababtoo ah majorty ayaa doonaya lagama ogolaanaayo.

 

dimuqraadiyada islaamiga waa sidaas oo kale mid ku dhisan dhaqanka shacuubtaas iyo islaamkaba.

 

masalan arintan ah khaniis is guursanadaya haba yaraatee shaqo kuma laha dimuqraadiyada. meel doorasho laga qaadey oo dadka la weydiiyana ma jirto xitaa wadamada western countres. america masalan dimuqraadi waxaya eeyd ilaa maalintii la dhisay qaringiii 17aad. xitaa amerika 1920 and 1930s qamriga mamnuuc ayuu ahaa laakiin democracy waa ay ka jirtay mareykanka.

 

marka arintaa dadka ka soo horjeesta dimuqraadiyada ku marmarisyoodaan waa wax aan macquul aheeyn waayo dhaqanka islaamka wuxuu kuu ogol yahay kaliya ayaad soo qaadaneynaa wixii uu kaa reebanayna waa ka tageysaa.

 

kalmada democracy micnaheedu waa RULE OF THE PEOPLE. dadka ina doortaaan dadka maamulaya waa basic democradiyada.

 

arrintan ah waxa loogu yeero shareecada islaamka inshalah mar kalaa ka hadlayaa. waayo iminka shaqadeydaa ku jiraaa. wadanka barwaaqada ah ee somalida baddan soo dhaweeyey khayr allaha siyee scandanvianka ka tirsan.

 

marka dimuqraadi islaami waa doorashada madaxdaada. freedom os speech. freedom of other people than islam to worship their religion freely,

 

thats my democracy not cheap proboganda about gay qoomul luud marriage. thats not democracy

Share this post


Link to post
Share on other sites

dimuqraadiyada waa nidaam ku saleysan in shacabka is maamulo , dadka laga tira badan yahayna xaqooda lasiiyo ( qoowmu luud .iwm) ,dadka dhankey isku raacaana la raaco . taasna waa xaqiiqo oo homosexuality group awood bey USA ku leeyihiin xaqna wey leeyihiin .

mathalan hadey dadka isku racaan in khamriga loo baneeyo , sow xaq uma lahan iney helaan arinkaas hadii kale waxaad kasoo horjeedaa xaqooda ,

gays hadeey urur udooda suubsadaan sow xaq uma lahan iney dowlada soo galaan , gabdhaha hadey yiraahdaan waxaan kusoconeynaa daba gaab iyo garan sow xaq uma lahan iney suubiyaan . hadii intaas oo idil laga soo horjeesto sow xuquuqda dadka qaar laguma tuman . waa dimuqraadiyada dhabta eey wadamada qaar dunida uyeerinayaan .

 

waxaa jira farqi u dhaxeeya xuriyada iyo dimuqraadiyada ,walaalkeen boondheera wuxuu sheegaya waa xuriyad xadidan ,balse dimuqraadiyada sidaa ma ahan

 

hadaad aaminsantahay in shacabka is doortaan qofkey raali ka noqdaan doortan wixii diinta kasoo horjeedana aananba wada hadal lagalen taasi waa waxey diinta na amreyso marka maxaan dimuqraadiyad ugu bixineynaa maan dhahno islamic sharia ,

 

hadii magaca uu dadka qaar la weyn yahay iney ku dhaganaadaan dhib ma lahan ,muhimada waa waxa dhulka lagu dhaqayo , dimuqraadiyad ku magacow laakin wax eey diinta islaamka qabin meesha ha keenin , magacna micno weyn ma keenayo .

 

hadaad tiraahdo qofkii muslim ah ee nacay gaalo dhax dagan ha isaga baxo , maxaa lagu suubinayaa muslimiinta dhaladka ah ayagana mala qaxinaa .

 

waa sax inaad nabad kula noolaato dadka aad dhax joogto ,akhlaaq fiicana aad kula dhaqanto muslim iyo non-muslim ba laaakin taas mahan inaad qalbiga ka jeclaato sababtoo ah hadii aad jeclaato (qalbiga) ,aadna lasoo jirto , muslimiinta qaldan aad ayaga ka xigsato arinkaaga qatar buu noqonayaa .muslimka qaldan sax qaladkiisa sheeg balse ogow inuu isaga walaalkaa yahay ,walaalkaa qaldan .

 

dadka muslimka neceb ayaan waxaan marwalbo ku arkaa ayagoo mar walba markii islaam iyo diimaha laga hadlo eey wadama muslim ah qaladaadkooda lasoo boodayaan ooyna ka dhigayaan sidii islaamkoo qaldamay marka arinkaas loogama baahno walaalaha muslimiinta ah .

 

hadii qof umaleeyo inaan ugafay haka raali noqdo ,shaqsi ma abaarayo fikirka ayaan ka hadlayaa maadaama ramadaan lagu jiro .

Share this post


Link to post
Share on other sites

yurub soo tan leh intaas oo boqortooyo maa dadka loo furo si eey u noqdaan boqoro hadey rabto yeysan awood badan yeelanine ,

dimuqraadiyada markii la rabo lagu dhaqmo marka kala ladiidayo waa maxay ,Xamaas shacabka falastiin ayaa doortay cod buuxdoow ku doortay ,lakiin maxaa loo aqoonsan waayay ooba looga dhagay argagaxiso ,?

maxaa xuriyada hadalka dadka qaar loogu ogal yahay dadka qaarna loogu diidaa ?

mide kale wadankee dimuqraadiyadiisa lagu daysadaa ?

maadaama shareecada dad lagu daysado iyo nidaam la raaco oo cad eey leedahay , wado hadii la raaca aanan lagu qasaareynin oo huban eey leedahay sow ma haboona in dadka muslimiinta eey diinta raacaan . wixii diinta khilaafsan kama hadlayo waa baab gooni ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

marka hore waa inaan ogaanaa dimuqraadiyada lafteedu inay xuduud leedahay. wadamada islaamka dimuqraadiyadoodu xuduudka ay leedahay waa wixii diinta xarimtay qof fasixi kartaa ma jiro waa sida aan AMERIKA gobol ka mid ah uusan doorasho inay goostaan aysan u gali karin.

 

 

mar labaad tusaalaheygii AMERICA, dimuqraadiyadiisa waxay ku salaaysan tahay DASTUURKA america. kaasoo qoraya inaan STATE ka mid ah 52 states of united states ee goosan karaa inuusan dhici karin no matter hadii ay dadka state-kaa deggan u codeeyaan inay goostaan.taas micnaheedu waa dimuqraadiyada amerika ka jirta xuduud ayey leedahay.

 

qof badali kartaa dastuurka amerika ma jirto. doorasho waliba ama xubnaha kongresska ama madaxweynaha qof dastuurka amrika ee la qoray qarinihii 18aad badali kartaa ma jiro.

 

tusaalahaas waxaan ka wadaa waa your basic laws inuu wadan waliba xur u yahay uu qoran karo. dimuqraadiyadana ma badali karto.

 

marka ISLAMIC DEMOCRACY basic laws aad qoraneysid waa sidan soo socta tusaale ahaan:- .

 

1:- dhamaan sharciyada wadanka waa inay ku saleeysnaadaan ama aysan ka hor imaan diinta islaamka iyo dhaqanka umadda.

 

2.- wadanka republick of islaamiya ma qeybsamo qeyb ka mid ahna ma goosan karto..

 

waa kaa labadaa qodob waa tusaaale waxaad ka dhiganeysaa basic laws of your country.

 

marka taa ayaa noqonaysa wax ka hor taga sheekhadan ah dhaqanka foosha xun ee ah laba nin inay is guursadaan.

 

dimuqraadiyadana wadamada islaamka laga hirgalinayo waa sidan soo socota.

 

1:- FREEDOM TO CHOOSE YOUR LEADERS.

2.-freedom to have multi party system.

3= freedom of speech.

4.- freedom of meetings.

 

dimuqraadiyada islaamiga waa taa ee la doonayo wadamada islaamka inay ku dhaqmaan sida MALEESIA ama turkey oo kale ama indonisia. wadamado islaamka dadkoodana horumariya. dimuqtaadiyadna ah. dimuqraadi ku dhisan diinta islaamka.

 

taa ayaa laga hadlayaa, laakiin lagama hadlayo dhaqamo fool xun . sideedaba eryga dimuqraadiya micnaheedu waa( Democracy is a form of government in which all eligible people have an equal say in the decisions that affect their lives.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Miskiin;740587 wrote:
Imam Ahmed and Tabarani. Did u know that Imam ahmed was the teacher of Imam Bukhari?

You obviously dont know what the science of hadith is, say'n that the hadith I quoted is forgery, subhan Allah.)

ugu horeeyntii if you mean imam axmed al hanbali, the hanbali mad-hab. remember we somalis and almost all african continent and many parties of middle east to indonisia we are fellowers of shaafici scholars. therefore most of shaafici scholars does not regocnize hadiiths from hanbali mad-hab school. if that hadiith were not written also bukhari or muslim or dauud. suddenly your saudi hanbali hadiith cannot bee found in bukhaari despide your claimes that ahmed hanbali was the theacher of bukhari.

 

somalis in Somalia we have been many houred years fellowers of imaam shaafici. therefore in ahlu sunnah waljamaaca school a hadiith from non shaafici scholars or non in books of bukhari/daud/muslim if your hadiith can not be found there then that hadith is considered daciiif.

 

 

of course after 1970s somalia yimid dad brainwashka sacuudiga jaaamacadoheeda ay ku soo sameeyeen. ee somaliya la yimid mad-habta aan aheeyn mad-habteenii shaaficiga ee ah mad-hab aan somaliya laga aqoon ee hanbaliga.

 

 

mida kale TABARANI iyo bukhaari isku waqti maba aheeyn bukhaari ayaa horeeyey.

 

suaaal kale waxay tahay haddii uu bukhaaari ahaa ardeyga ahmed hanbali bal maxaa sahiih bukhaari loogu arki waayey hadiithkaas??? waa suaal meesha ku jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ka daroo dibi dhal!

 

Meeshan waxaad ku tustay inaadan culuumta diinta waxba ka aqoon, walibana aad ku sii dhaga adkaysanaysid.

 

Hadeerna ma waxaad leedahay that Imam Ahmed wasn't Imam Bukharis teacher? Bal ku noqo the teachers of Imam Bukhari.

 

akhi adoo raali ah waxaad ka hadlaysaa waxyaalo aadan cilmi u lahayn.

 

And say'n that becouse we are Shaficiyah we dont take ahadith from Imam Ahmed or the other Madaahib waa been qayaxan. Adigu uun baa waxaas qaba. Mida kale madaahibtu waxay ka hadashaa fiqi, xadiithkan aan soo wariyeyna wax uu fiqi ku leeyahay ma jirto.

Mida kale, xagaad ka soo akhrisay in aysan axaadiith ka qaadan Imam Ahmed?

 

What about Malikiyah, and Hanafiyah? ayagana waxba kama qaadatid miyaa?

 

And also, Imam Shaifici rahimahullah wuxuuba caan ku ahaa inuu ku dhaho Imam Ahmed "Cilmiga xadiithka adaa igaga cilmi badan, markaa hadaad xadiith saxiix ah heshid ii soo sheeg, meeshuu doono ha ka yimaado, kufah, basrah, ama syria" ka fiiri kitaabka adab Al shafici.

 

Labada Imaam aaad leedhaya iskama qaataan cilmi saaxiibo dhab ah bay ahaayeen. sidoo kale, Bukhari, Muslim iyo abi daud kuligood Imam Ahmed axadiith bay ka soo wariyeen. Muslim wuxuu ka soo wariyey 22 xadiith, Abi daud'na 254 xadiith. Kuligood ka fiiri kutubtooda.

 

Markaa been ka wayn SOL laguma qorin ilaa maanta.

 

Imam ahmed wuxuu qoray kitaab aad u caan ah, oo culimadoo dhani isticmaasho oo la dhaho Musnad Imam Ahmed.

 

Ilaa hadeer u'r lies and claims wax daliil ah maadan u keenin. Bal hal daliil ii keen.

 

Waxaad tidhi Azhar waxay dhaheen xadiithkaan keenay waa daciif

Waxaad tidhi Imam Ahmed Shaficiyadu waxba kama qaadato,

Waxaad tidhi wax kastoon ku qornayn Bukhari, Muslim, iyo Abi daud waa wada daciif.

 

Ugu dambayn xadiithkii aan kor ku soo qoray, waxaad isla sidiisa ka heli kartaa Abu Dawud (2/264)!

 

Haye marka ma la noqon beentaadii ahayd waa forgery? and will you make tawbah of slandering Imam Ahmed bin hanbal? And lying about the scholars of Azhar?

 

Walaalkay qaaliga ahow you have made a great mistake, Allah dartii uga laabo, khasab maaha inaad meeshan ku soo qortid, adigu kaligaa toobad keen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

marka hore kuma oran shaaficiyah kama qaadato mad-habaha maalikiyada iyo xanafiyada. waayo imaam shaafici asxaab ayey ahaayeen founders of mad-habyadaas maaliyada iyo xafinyada. laakiin dhamaan ahlu sunnah waljamaaca scholars. qaasatan al ashcariya waxay isku raceen hanbali oo ah mine source of wahaabis inaysan shaaficiyada iska fogeeyaan, ama aysan xiriir sidaa u buuran uusan ka dhaxeeyn.

 

imaam shaafici saaxiib lama aheeyn ahmed hanbali waayo waxaa u dhaxeeya da' ahaan ilaa 35 sanadood. waxaa weeynaa imaam shaafici AUN.

 

about false axaadiith , waad la socotaa imaam bukhaari kaliya ayaa wuxuu aruuriyey axaadiith gaaraya 300 000 axaadiith. axaadiistaana more than 90% waa uu iska tuuray markuu aruurinayey saxiixul bukhaari wuxuuna ku soo koobay kaliya ilaa iyo qiyaastii 1500 axaadiith. marka axaadiith been ah oo dhawaan la sameeystay waa jiraa waana xaqiiq. aan qof iska indho tiri kartaa aysan jirin.

 

 

sidaan ku iri soomaalida ilaa 1000 sano waxay aheeyd dad raaaca. madhabta shaaficiga. dhamaan culumada shaaficiyadana waa ay soo dahweeyaan maalikiyada iyo xanbaliga. laakiin waa ay iska fogeeyaan ama si taxadar leh ayey isaga ilaaliyaan madhabta sacuudiga looga dhaqmo ee hanbaliga.ama waxa loogu yeero salafiga.

 

maadaaba aniga shaqsiyan aan ahay ardey ahlusunnah waljamaaca. xaqiiqdii wax waliba oo hanbali ah maaha caqiiqdada saxda ah ee shacabka somaliyeed iyo shucuub baddan degta caalamka islaamka.

 

waa magaca allah 2 sano ayaan jaamacada al azhar dhiganayey culuumu siyaasa qeybteeda. waxya mashaaiqda azhar isku raaceen. madhabta wahaabiyada inay been abuureen axaadiis aad u fara baddan qaasatan tabarini iyagooo u nisbeeya ahmed hanbali. madhabta ay raacaan wahaabiyada.

 

 

waa adagtahay inaan arintaa kaa dhaadhiciyo. waayo madhabtaada waaa hanbali(salafi) ama aan anaga u naqaan wahaabiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

imaam shaafici saaxiib lama aheeyn ahmed hanbali waayo waxaa u dhaxeeya da' ahaan ilaa 35 sanadood. waxaa weeynaa imaam shaafici AUN.

Waa been cad hadalkani, Allah ha kuu dambi dhaafo. Inay da' ahaan wax u dhaxeeyeen kuguma haysto. Laakiin inaynan saaxiibo ahayn waa been cad, macalin iyo arday bay ahaayeen.

Qof cilmiga dhex galay oo aanan ogayn ma jiro.

 

Laakiin adigu hawadaadaad ka hadashay.

 

Imam Shafici wuu dhashay:

150 dhintayna 204

 

Imam Ahmed:

164 dhintayna 241

 

marka ma intaas baa 35 sano ah?

 

Imam Shafici sidaan horay u soo sheegay, Imam Ahmed macalin buu u ahaa, marna arday. Wakhtiyadii ugu horaysay Imam Ahmed Imam shafici fiqiga buu ka dhagaysan jiray, hadhowna markuu cilmul xadiithka sii dhex galay Imam Ahmed buu fanigaas uga dambayn jiray.

 

Axaadiith daciif ah inay jiraan cid diidaysaa ma jirto! Laakiin adigu af cad waxaad ku tidhi "axaadiith waxaan ahayn inta ku jirta Bukhari, Muslim, iyo Abi daud waa wada daciif"! Hadal been ah oo kale weeye. Boqol xadiith oo kaloo, Tirmithi, Ibn Majah, Musnad Imam Ahmed, Al-Nasa'i ku jiraa saxiix ah. Kumana lihi waxa kutubtaas ku jiroo dhan waa saxiix.

 

Anigu Madhabkaygu maaha Hanabila, waa been aad iska soo tuurtay. Aniga Afarta madaahibba way ii siman yihiin, culimo aan la gaari karin bay ahaayeen, diintana wax badan u soo qabtay. Masaa'il yaryar uun bay fiqigoodu isku hayaan, laakiin asaladoo dhan way isku raacsan yihiin. Sidaas weeyana rayiga ehlul cilmiga, Ilaa masar ilaa aduunka geeskiisa kale.

 

Ninka leh Imam Ahmed shaaficiyadu waxba kama qaadato asagaa daliil laga rabaa meeshuu ka keenay. Sidoo kale markaad leedahay saaxiibo maysan ahayn, waa been cad.

 

Hadal badani haan ma buuxsho, ilaa intaad daliil cad keenaysid doodaydu halkan bay ku xidhan tahay.

 

Waxba igama galin inaad labo sano soo dhigatay Azhar, waad ku khasaartay labadaas sano haday marba kaa taagan tahay Imam Ahmed waa wahaabiyo, ayagana uma dhawaano. Jaamacadda Azhar runtii waad ceebaysay, Jaamacadu sidaas maaha, way ka fiicantahay waxaad ka sheegtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Matalan somalia waxey doorasho ku galeen shareecada islaamka mala hergelina mise lama hergelinaayo, hadii shacabka majority doortaan shareecada islaamka in lagu dhaqo sow democratic mahan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

In doorasho la galiyo wuxuu Allah nagu adoonsaday adigu ma aragtid dhibaatada ku jirta miyaa akhi?

 

Muslimiintu waxay kaga duwan yihiin gaalada, diinta Allah "dood iyo vote" ma galiyaan! Ka waran nabiga(salallahu alayhi wasalam) haduu Saxaabadiisa waydiin lahaa ma isku dhaqnaa shareecadda mise waynu iska daynaa?

 

Shareecadda Allah in la isku dhaqo waa khasab waajib ah, ma aha shay "vote la galiyo", that means "no or yes" baa ka soo bixi karta.

 

Qofka diida Shareecada Allah, oo dhaha "war waxa naga leexi" waa gaal uun!

 

Markaa maaha dadka in la kala doorsiiyo "Islam iyo Gaalnimo"!

Share this post


Link to post
Share on other sites

sax al-miskiin laakin shareecadda cid diidi meyso maleh hadey jiraana waa afarko xabbo, ee gaaladaan waa iska ogtahay oppression iyo balaayo ay la imaanaayan lol .. Laakin shareecadda maha kaliye gacmo goyn iyo jeedaal sida dadka qaarkood uu maleeyaan waaba direction sida aad uu noolan laheyd, walibana xataa ma fududo xukunadda gacan goynta iyo zinadda markhaati baa lo baahan yahay marka arin fudu mahaa., waana qabaa in laysu xukummo ileen diinta na fareeyso..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Miskiin;740679 wrote:

 

Imam Shafici wuu dhashay:

150 dhintayna 204

 

Imam Ahmed:

164 dhintayna 241

.

imaam shaafici wxuu dhashey 135 Hijra ma uusan dhalay 150 hijra

mana uusan geeriyoon sida aad ku andacootay ee ah 204 h ee imaam shaafici wuxuu geeriyooday 188 hijra

 

 

waxaa u dhaxeeya qiyaastii 30 sano ama 29 sano. hanbali wuxuu ku noola baqdad ciraaq. inasktoo taariikhyanada qaarkood ay yiraahdaan wuxu ku dhashey turkmenistan.

 

halka shaafici uu ku dhashey gaza todays falastine, uuna noloshiisana waxbarashadiisa ku dhameystay Masar.

 

hadalka micno sameeyn maayo hadduu dhaafo discussion, wada hadal ama wax is weydaardi ee uu isku rogo. MURAN. waa ii muuqataa aniga iyo hadal is weydaarsigeena waa just muran.

 

first waxaa tiri caliphates dhaxaltooyo ma aheyn waa BEEN ABUUR CAD.-

waan kuu cadeeyey inay arintaa sidaa aheyn. waadna qiratay inay xukun dhaxaltooyo aheeyd marka laga reebo less then 5% of caliphates time.

 

waxaad kaloo qiratay in madaxdaada la doorto ay tahay wax fiican, haba ahaatee ninka aad dooraneysid NIN MADOOW.

taana waad qiratay waa elections doorasho. taasoo ah saldhiga dimuqraadiyada.

 

of course aniga as ahlusunnah waljamaaca waa adag tahay inaan non somali madhab from saudi arabia wax aan ka badneeyn last 30 years qof wax ay ku soo shubteen inaan isku si wax u aragno. waa habeenkii xalay tagay.

 

dhamaan founders of wahaabiya ka bilaaw maxamed abdul wahaab waxay ahaayeen dad raaca MADHABTA hanbaliga. taa maaha wax aad adiga diidi kartid.

 

arinta ah inay dadka brainwash ay saudi scholars ku sameeyeen ee ah inay yihiin 4 madhabadood ay u siman yihiin waa BEEN cadaan ah. waayo sidaan kuu sheegay founders of (salafiga) aka wahaabiga wa hanbali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this