Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting leaves Al Shabaab losing much ground..Bakara, Suuq Bacad in TFG hands..

Recommended Posts

cidankadowlada.jpg

 

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa saakay aroor weerar saf balaaran ku qaaday fariismo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyinka H/wadaag, Hodan, Wardhiigley, Boondheere.

 

Weerarkan qorsheysan ayay ciidamadu kula wareegeen isgoysyada Aadan Cadde, Folerensa, Afarta Jerdiiyo, Cali Kamiin, Carwo Idko, Baar Ubax, Towfiiq iyo Siinaay, waxaana ay horay ugu dhaafeen oo ay qabsadeen suuqyada waaweyn ee Bakaaraha iyo suuq Bacaad, sida uu warbaahinta u sheegay Taliye Caanood.

 

Dagaalku wali waa uu socdaa isaga oo goos-goos ah, waxaana ay ciidamada dowladdu kaabiga ku hayaan garonka weyn ee ciyaaraha Stadio Muqdisho oo ka mid ah saldhigyada waaweyn ee Al-Shabaab.

 

Waxa uu sheegay in khasaaraha Shabaabku ee degmada Wardhiigley yahay ilaa iyo iminka 15-dhimasho, labana ay nolol ku qabteen, waxaana dhanka ciidamada dowladdu uu sheegay in laba askari ay kaga shihiiday dagaalkii saakay.

 

Ma jiraan wax war ah oo wali ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana uu dagaalka saakay uu ku soo beegmayaa xilli mudooyinkan dambe ay magaalada Muqdisho aheyd mid daggan.

 

SAWIRADA DAGAALADA IYO GOOBAHA LA QABSADAY GOORDHOW FILO.

 

Wixii ku soo kordha kala soco CALANKA.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

I am being told the entire Bakara Market is now under the AMISOM forces. Al-shabaab are indeed on the verge of losing the whole city. Suuqa Xoolaha, their strongest base, is currently under fire. Godane is alreadyrunning to Baydhabo via Ceelasha Biyaha.

 

Down Alshabaab, down Godane!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Godane idinla xoog badanaa horta kaalaya? Dhowrkan wiil ee woqooyi laga soo eryey wax rer koonfureed ah oo dila miyaa waydeen :D?

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Somali military killed seven Al-Shabaab fighters and injured many more, Al-Shabaab weapons also were confiscated by TFG soldiers strong men, they also released nine prisoners from local Al-Shabab detention centre, and at least one Al-Shabab vehicle was burned”. all somalis should be very happy indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jen. Dhega-Badan "Ramadaanka inta lagu jiro ayaa Muqdisho ka xoreyn doonaa dadkuna nabad ayay ku Ciidi doonaa"

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saari doonaan Magaalada Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan, isagoo faah faahin ka bixiyay dagaaladii shalay ay ku qabsadeen fariisimo dhowr ah.

 

Jen. Dhega-Badan ayaa sheegay in guushii ugu weyneyd ay shalay soo hoyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu carabka ku dhajiyay in 4-KM isku weer shalay la wareegeen qeybaha Ciidamada ay howl galka ka sameeyeen.

 

"Waxay noo aheyd guushii ugu ballaarneyd nooguna qasaaro yareyd, waxay Ciidamada qaadeen tallaabo aad loogu riyaaqay, waxaanu qabsanay 4-KM isku weer"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka ayaa sidoo kale tibaaxay in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Magaalada Muqdisho, si shacabka ay Maalinta Ciida nabad ugu ciidaan, guryahooda ku ciidaan.

 

"Waxaan rajeynayaa in Bisha Ramadaan gudaheed aan Caasimada oo dhan uga saarno, taas baa shacabka u balan qaadeynaa, Maalintana ciida dadka guryahooda ay Nabad ugu ciidaan"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan.

 

Dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ahaa kuwo qorsheysan ayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM cagta ku saareen degmooyin aanay horay u tagin, iyadoo dhul ballaaran kaga qabsaday Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this