Sign in to follow this  
Kamaavi

Garoonka Caalamiga ah ee Wajeer !

Recommended Posts

Kamaavi   

Waa magaalo yar oo ku taala gobolka waqooyi bari Kenya, hormar badan kama jiro, laakiin dhamaan duulimaadyada dalka Kenya u socda ee kasoo duula caasimada Soomaaliya waxa ay marka hore ku degtaan garoonka Wajeer.

 

Ujeedku waxa uu yahay in la baaro dayuurad kasta oo Soomaaliya ka timid maadaamaa looga shakisanyahay in weerar argagixiso looga geysto magaalada Nairobi.

 

Arrintani waxa ay si gaar ah u saameyneysaa dhamaan duulimaadyada Xamar ka yimaada, waxana ay timid kadib markii la heley xogo sirdoon oo sheegaya in xarakada Alshabaab ay qorsheyneyso in ay weeraro ku geeysato dayuurado.

 

Laakiin DKMG ah ayaa arrintaasi siweyn uga walaacsan, waxa ay dhalisey muran dublamaasiyadeed oo maraya halkii ugu xumaa.

 

Jeneraal Cabdulaahi Gaafoow, madaxa laanta socdaalka DKMG ah oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in amaanka garoonka siweyn loo adkeeyey islamarkaasina aysan jirin sabab dayuuradaha looga dajiyo garoonka Wajeer ka hor inta aysan gaarin Nairobi, waxa uu sheegey in shirkadda SKA ay la wareegtey amaanka garoonka.

 

Hadalkani Gaafoow ayaa yimid kadib markii dalal kale ay sheegeen in ay talaabada Kenya oo kale qaadi doonaan haddii aanan la damaanad qaadin amaanka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Xamar.

 

KismaayoNews oo dabogal ku samaysay arrinka ayaa shaacin karta in Kenya uu meel u yaalo qorshe lagu tooganayo dayuurad kasta oo Xamar ka timid oo u hogaansami weeysa amarka ah in ay marka hore Wajeer ku dagato, tani waxa ay halis gaar ah galisey duulimaadyada ay saaranyihiin madaxda dowladda oo si joogta ah ugu socdaala Nairobi.

 

Dhawaan markii Ra’isulwasaaraha cusub uu Kenya socdaalka ku tagay, waxaa dayuuradii uu saarnaa lagu qasbay in ay ka dagato magaalada Wajeer.

 

Horey markii dowladda ay la heshiisiineysay shirkadda SKA, mid ka mid ah waxyaalihii muranka weyn ka dhashay waxaa ka mid ahaa in shirkadda ay la wareegeyso amaanka, xiligaasi dowladda waxa ay sheegtey in shirkadda aysan amaanka shaqo ku lahayn, laakiin warka Gaafoow ee ah in SKA ay amaanka la wareegtey ayaa ah mid ka duwan wixii hore ee xukuumada ay shacabka u sheegtey.

 

Lama oga halka ay arrintani ku biyo shuban doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this