Sign in to follow this  
A_Khadar

Khamriga Iyo Maandooriyaasha Kale Oo Kusoo Batay Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

A_Khadar   

Hargeysa,(lasanod Online)- Mukhaadaraadka iyo maandooriyaasha mamnuuca ah ayaa si dhuumasho ah ku soo gala gobollada waqooyi,

 

sanadadii ugu dambeeyayna si wayn u soo siyaaday, kaasoo intiisa badan laga soo geliyo dalka Ethiopia.

khamri2.jpgKhamriga oo ah Maandooriyaha ugu badan ee Hargeysa kasoo gala dalka Ethiopia ayaa la rumaysan yahay inay dadka ka ganacsadaa si dhuumasho ah ku soo geliyaan Magaalooyinka waqooyiga, isla markaana lagu iibiyaa Meelo u qorshaysan oo ay si tuugo ah uga soo iibsadaan dadka Isticmaalaa Khamrigaasi, kuwaasoo marka ay cabaan dhibaatooyin u geysta Naftooda iyo Bulshadaba.

Wararku waxay sheegayaans in keenista Kamriga iyo Isticmaalkiisuba bateen Sanadkan ugu dambeeyey, taasoo keentay in dad badan oo aan daroogadan isticmaali jirin ay si fudud ku bartaan, kuwaasoo kordhiyay tirada dadkii hore u cabi jiray Khamriga.

Waxaa dadka intiisa badani ay aaminsanyihiin in korodhka soo tahriibinta Khamrigu ay sabab u tahay Hay’adaha Nabad-gelyada oo iyagu wakhtiyadii hore si joogto ah ula dagaalami jiray khamriga iyo dadka ka ganacsada oo kaga Mashquulay hawlo kale oo nabad-gelyo daro, kuwaasoo aan hada sidii hore u qaadin hawl geladii ay ku ugaadhsan jireen Mukhaadaraadka iyo waxyaabaha kale, sida iibinta Khamriga, Cabistiisa.

Taasoo keentay inay dadka Sakhraasan iyo kuwa iibiya Khamriguba si xor ah iyagoo sakhraasan Wadooyinka u Maraan xiliyada caadiga ah , iyadoo ay sidoo kale kordheen waxyaabaha dhaqan xumadda ah ee uu Maandooriyahani keenaan.

Magaalooyinka qaarkood waxaa la sheegay in Ardaydii Jaamacadaha iyo Iskuulada qaarkood kaga mashquuleen Daroogadaasi waxbarashadoodii, waxa sidoo kale la sheegay in qoysas badan uu khamrigu saamayn ku yeeshay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this