Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Shoot out between the two sharifs in Villa Amisom

Recommended Posts

Israsaaseyn dhexmartay Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ilaalada Shariif Xasan Sheekh Aadan

 

Talaado, July 18, 2011 (HOL) – Dagaal u dhexeeya ilaallada madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dhacay baqonimadii maanta afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

Dagaalka ayaa billowday marki mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha baarlamaanka oo loo diiday inuu bastoolad la galo xarunta madaxtooyada, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray saddex ruux oo uu ku jiray taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada oo lagu soo koobay magaciisa Maxamed Carab.

 

Goobjoogayaal ku sugan xarunta madaxtooyada ayaa u sheegay HOL in dagaalku uu billowday markii ruuxa ilaalada u ahaa Shariif Xasan oo loo diiday inuu galo Villa Somalia uu soo kaxaystay ciidamo iyadoo muran dheer kaddib uu dagaal billowday.

 

Saddexda qof ee ku dhaawacmay dagaalka ayaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho ku yaalla qaarkood si loogu daweeyo. Mana jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay madaxda DKMG ah ee ciidamadoodu ay israsaaseyntu dhexmartay.

 

Israsaaseyntan ayaa sabab u noqotay inuu baaqdo shirka jaraa'id oo uu maanta ku qaban lahaa xafiiskiisa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali kaasoo aan la ogeyn wuxuu ku saabsanaa.

 

Dhawaanahan ayaa waxaa jiray kala shaki u dhexeeyay ilaalada madaxtooyada iyo kuwa guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana israsaaseyntan ay imaanaysaa xilli uu jiro muran dhinaca golaha wasiirrada ah oo u dhexeeya madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

war wax fahanoo,, maxaa ka mid ahaa shuruudaha ay Ugaandhiisku ku joogaan meeja? ,.... Odeygii Musafeeni muxuu kula dardaaray laba Shariif, askariga Ugaandhiisaka maxaa u dan ah kan Somaliga ahna u daran? .......mise Siyaasad lama socotid oo reer hebel iyo waanu gooni goosan ayeey kuu joogtaa? ,.... wagaash waxid...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaalada labada Shariif oo isku rasaaseeyay Xarunta Madaxtooyada

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Iska horimaad qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ku dhexmaray iridka hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Inta la’ogyahay 2-qof ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badan oo uu ku jiro Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo magaciisa lagu soo gaabiyay Gaashaanle sare Carabna way ku dhaawacmeen kadib markii Xarunta Madaxtooyada ay is rasaaseyn muddo kooban socotay ku dhexmartay Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan Ciidamo kal kala tirsn kuwa ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamo daacad u ah gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

 

 

Israsaaseynta ayaa bilaabatay kadib markii labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda uu dhexmaray muran sababay gacan ka hadal, waxaana xiligaasi kadib bilowday rasaas xooggan oo ay isweedaarsadeen labada Ciidan, iyadoo Sarkaalka geeriyooday la tilmaamay in uu kala dhexgalayay laba askari.

 

 

 

Intaasi kadib ayaa goobta uu iska horimaadka ka dhacay waxaa soo gaaray Saraakiil iyo Ciidamada ka kal tirsan dowladda KMG iyo AMISOM kuwaasi oo kala dhexgalay askartaasi oo u muuqday kuwa wali uu dhexdooda ay ka taagneyd xiisada dagaal.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo aan qadka taleefanka kula xariirnay ayaana inoo suura galin si aan wax uga weydiino dhacdada sababtay gacan ka hadalka ee ciidamada DKMG ku dhexmartay Madaxtooyada, hase ahaatee dadkii ku dhaawacamay israsaaseyntaasi ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho, iyadoo isku dhacaasi uu samayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uganda accord xagay kaga jirta ,,,, askari baa xanaaqay oo saxiibadii soo kaxaystay ka dibna waa la is rasaaseeyay.

 

Both Sharifs are innocent here ,,,, wax fahan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali President, Speaker’s Guards’ Clash Wounding Three

 

Tuesday, July 19, 2011

By Hiiraan Online Reporter

 

 

At least three soldiers assigned to Somalia’s top leaders were injured on Tuesday following an exchange of gunfire between escort troops belonging to president shariff and speaker Hassan.

 

Eye witnesses told Hiiraan Online (HOL) that gunfire erupted early in the morning when an escort brigade belonging to the parliamentary speaker attempted to enter Villa Somalia, the headquarters of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) in the restive capital Mogadishu.

 

“One of the speaker’s guards attempted to enter the headquarters of the government, but he was turned down by presidential escorts. He later came back with reinforcement and fighting started after long confrontations” one witness told us

 

HOL learnt that a senior official of the presidential security team identified as Mohamed Arab was one of three injured soldiers.

 

The three are reportedly admitted into Mogadishu’s hospitals for further treatment as HOL correspondent in Mogadishu says that there was no official communication from the government.

 

Sources hinted that an anticipated press conference by Prime Minister Dr. Abdiweli Mohamed Ali was delayed after the embarrassing incident that has stunned both the local populations and officials of the TFG.

 

Little is known about the delayed press conference from the office of the prime minister. On Monday TFG officials hinted that a new cabinet could be named today (Tuesday).

 

Our correspondent says, there has been political arm-twisting within the TFG and particularly between the president and the speaker over the naming of the new cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Qaar xoolo ah baa hub loo dhiibay. Xeer iyo sharci qabanayaa ma jirto. War waxani xageey ka yimadeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems that Sakin's men instigated the provocations later turned it to violence, and killed the head of the presidential security team. On the bigger picture though, one of the blockheads need to concede and let the PM appoint his cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this